SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 February 2007.
 
Khasaarooyin loo gaystay ciidanka gumaysiga iyo shacab la xidhxidhay.
 
Dawlda Soomaaliya oo samaysay ciidamo argagixiso la dirir ah.
 
Muslimiinta Kenya oo ka cawday dhibaatooyin lagu hayo.
 
H/ Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee ONLF oo bayaan kasoo saaray dagaalada Darroor.
Radio Sweden laanta afka somaliga oo waraysatay G/kuxigeenka 2aad ee JWXO
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Xusuus qorka Taariikhda)
 ======================                   
Khasaarooyin loo gaystay ciidanka gumaysiga iyo shacab la xidhxidhay.
Laga soo billaabo 13-01-2007 waxay ciidamada gumaysiga itoobiya ka mamnuuceen shacabka dagan magaalada Dhagaxmadoow iyo nawaaxigeeda inay ka cabbaan, xoolahoodana ka waraabsadaan ceelasha ku yaala halkaas.
Mamnuucidan ayaa timid, ka dib markay CWXO weerar mir ah ku qaadeen ciidanka gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay halkaas taariikhdaas kor ku xusan. Weerarkaas ayaa CGI khasaare xoog leh loogu gaystay.
 
02-02-2007 Axmed-Shukri Maxamed Cabdi oo ku magacdheer (Ina Macaane) ayay ciidamada gumaysigu jidhdil nafta kaga gooyeen meesha lagu magacaabo Banbaas.
 
10-02-2007 Fooljeex oo ka tirsan gobolka Qorraxay ayay ciidamada xoreynta Ogadenya ku qarxiyeen baabuur Uuraal ah oo ay lahaayeen ciidanka gumaysigu. Baabuurkaas oo ay ka buuxeen ciidanka cadowga ayaa lagu soo waramayaa inuu halkaas ku bas-beelay isaga iyo wixii saaraa oo dhan.
05-02-2007 Dhagaxbuur waxay ciidamada cadowgu ku xidh-xidheen dad shacab ah oo aan waxba galabsanin, waxaana dadkaas kamid ah:
1-C/laahi Qalinle
2-Yuusuf Daauud
3- Axmed Cabdi Cumar
4- Wacdi Ismaaciil
5- C/laahi Cabdi-mahad Caydiid
6- iyo Dheeg Maxamed Axmed,
 
Isla magaaladaas Dh/buur 13-02-2007 waxay ciidamada gumaysigu ku xidhxidheen ilaa iyo hadana aan la ogayn meel ay jiraan dadka kala ah:
1- Cisman Xasan Sheekh Cumar
2- Maxamed Cabdi Gurey
3- Iyo Muumin oo aanaan magaciisa oo buuxa helin.
 
Isla 13-02-2007 waxay ciidamada nacabka ahi ee gumaysiga Itoobiya ka soo qafaasheen magaalada Sagag, kuna xidheen magaalada Dhagaxmadoow dadka kala ah:
1- Nuur Aaden Cadde
2- Maxamuud Haybe Cali
3- Iyo Cabdi-gacan
Dadkan ayaan ilaa iyo hadda wax xog ah laga haynin sidii loo qaqabtay.
 
Dawlda Soomaaliya oo samaysay ciidamo argagixiso la dirir ah.
 
Dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa samaysay ciidamo ay ugu yeedhay ciidammada la-dagaallanka argagixisada, kuwaasoo ay sheegtay inay wax ka qaban doonaan nabadgelyada sii xumaanaysa e magaalada Muqdisho, sidaas waxaa isniintii dabolka ka qaaday saraakil ka tirsan wasaarada gaashaandhigga ee Soomaliya.
 
Ciidammadan, oo biilisiyo millataare ah, waxaa soo tababaray ciidammada gumaysatada Itoobiya, waxaana loo tababaray sidii ay ula dagaallami lahaayeen kooxaha hubaysan ee somaalida ah.
 
Dhinaca kale waxay dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya digniin kama denbays ah siisay idaacadaha maxaliga ah ee xarumaha ku leh magaalada Muqdisho.
 
Waaxda nabadsugidda ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa isugu yeedhay masuuliyiinta idaacadaha Hornafrik, Shabeelle iyo Banaadir, waxayna gaadhsiisay masuliyiintaas inay buunbuuniyaan dhibaatooyinka ammaan darrada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
 
Masuliyiinta idaacadahaas ayaa loo sheegay inayna waxba ka sheegi Karin wixii hadda ka denbeeya weerarrada loo gaysto ciidammada Itoobiya, hawlgallada ay ciidammada Itoobiya ka fuliyaan xaafadaha magaalada iyo dhibaatooyinka dadwaynaha ka soo gaadha madaafiicda ay ciidammadu ku ridaan meelaha deegaanka ah. Waxaa kaoo idaacadahan laga mamnuucay inay ka warramaan dadwaynaha rayadka ah ee ka qaxa meelaha ay ciidammada Itoobiya xeryaha ka dhigtaan.
 
Ma aha markii ugu horraysay ee xukuumadda ku meelgaadhka ahi ay qaado tallaabooyin ka dhan saxaafadda xorta ah. Waxay hadda ka hor soo saartay amar ay ku xidhayso idaacado dhawr ah oo Muqdisho ku yaalla. 
 
Muslimiinta Kenya oo ka cawday dhibaatooyin lagu hayo.
 
Muslimiinta waddanka Kenya ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqay inay wax ka qabato dhibaatooyinka kala duwan ee lagu hayo musliminta ku dhaqan dalka Kenya, waxayna dhambaal cabasho ah u direen madaxawaynaha Kenya Mwai Kibaki, oo ay ka codsadeen inuu si degdeg ah wax uga qabto midabtakoorka lagu hayo dadka musliminta ah.
 
Waxayna ku hanjabeen inay tallaabooyin dhawr ah qaadi doonaan haddii xukuumadda Kenya wax ka qaban waydo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan. Muslimiinta Kenya ayaa cabashadan xukuumadda u diray, ka dib markii ay bannaanbax wayn ku sameeyeen magaalada muslimiintu u badan yihiin ee Mambasa.
 
Bannaanbaxan ayay muslimiintu kaga cabanayeen cadaadisyada noocyada kala duwan leh ee muslimiinta Kenya lagu hayo, iyagoo sheegay in musliminta waddankaas la iska xidhxidho, iyadoo loogu gabbanayo la dagaallanka waxa loogu yeedho argagixisada.
 
Musliminta ayaa sheegay inay daba-yaaqada sannadkan qaadi doonaan tallaabooyin siyaasadeed oo ay ku cad-goosanayaan, iyagoo adeegsanaya tiradooda faraha badan.
 
Bannaanbaxayaashan muslimiinta ah ayaa xkummadda Kenya ugu baaqay inay baabi�iso qaybta la dagaallanka argagixisada ee boliska. Waxay kaloo ku baaqeen in dib loo soo celiyo dhalinyaro lala xidhiidhiyay arrimo argagixiso oo loo masaafuriyay Soomaaliya.
 
Muslimiinta Kenya ayaa ka cabanaya in dadka muslimiinta ah, gaar ahaan soomaalida, la iska xidhxidho oo haddana wadammo kale loo masaafuriyo iyagoon wax maxamad ah la horkeenin. Waxay kaloo muslimiintu ka cawdeen in madabtakoor lagu sameeyo marka la bixinayo waraaqaha aqoonsiga, baasaboorrada iyo warqadaha dhalashada. 
Hooggaanka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Jabhadda Waddaniga Xorenya Ogaadeenya
 
Bayaan ku saabsan dagaalka Darroor
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) waxay aad uga murugaysan tahay dagaalka macna darrada ee tuulada Darroor iyo nawaaxigeeda ku dhexmaraya dadka walaalaha ee deegaankaas wada-dega, kaasoo ilaa iyo hadda ay ku dhinteen dad aad u fara badan oo ka soo kala jeeda labada beelood ee dagaalku dhexmarayo.
 
JWXO waxay marka hore labada beelood ee dagaalku u dhexeeyo ugu baaqaysaa inay joojiyaan dagaalka, isla markaana ay wadaxaajood ku dhammaystaan wixii khilaafaad ah ee u dhexeeya, iyagoo xeerinaya diinta, dhaqanka iyo darisnimada intaba. Dadwaynaha kale ee reer Ogaadeenyana waxay ugu baaqaysaa inay gacan ka gaystaan sidii loo joojin lahaa dagaalkan dhiigga faraha badan ku daatay ee u dhexeeya walaalohood.
 
JWXO waxay aaminsan tahay in dagaalkan iyo kuwa la midka ah ee soo noqnoqonaya ee dhexmara dadwaynaha wada-dega dalka Ogaadeenya, ay ka denbayso xukuumadda gumaysiga ah ee Itoobiya, iyadoo doonaysa inay isku mashquuliso dadwaynaha reer Ogaadeenya oo cududooda isku naafayso, sidaas darteed waxay dadwaynaha guud ahaan, gaar ahaana kuwa hadda dagaalku ku dhexmarayo Darroor iyo nawaaxigeeda ku baraarujinaysaa inay ka digtoonaadaan shirqoollada noocaas ah ee gumaysigu u maleegayo oo ay meel uga soo wada-jeesataan cadowga dalkooda haysta ee Itoobiya.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay sidoo kale maamulka Hargaysa uga digaysaa faragelinta ay ku hayaan arrimaha Ogaadeenya iyo sii hurinta ay sii hurinayaan colaadda u dhexaysa labada beelood ee dagaallamaya.
 
Cabdi Cabdullaahi
Madaxa Hooggaanka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JWXO
 18 Febr. 2007
 
20 February 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM  8:00  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH