Baaq ku wajahan
Ummadda Soomaaliyeed
maxamad bashiir jaamac
gumburi1885@yahoo.com
salaama caleykum
waraxmatulaah : salaan ka bacdi waxaan baaq u
jeedinayaa umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan.
Walaalayaal cidna kama qarsoona xaaladda soomaaliya
iyo meesha ay marayso ,mana aha in maanta aan is
weydiino waxyaalahii dhacay iyo sidii ay u dhaceen ,maaha
in cid go,an qof iyo beel gooni ah lagu tilmaami
waayo sidaas laguma gaarayo xal iyo is af garad.
Soomaaliya waxay
maanta maraysaa marxaladiii uga liidatay ee qaran
soo maro ,waxaa ina gaarsiiyey heerkaas qabiil iyo
is kala gur .Caalamka lama arag dal 17 sano aan wax
dowlad ahi ka talin,lama arag dad aan is afgaran
karin nabadna soo dhisan karin .
Waxaa intaas inoo
dheer in qoraa kasta oo wax qoraa in yar mooyaane uu
adeegsado inuu duqeeyo reer ama beel gooni ah ,bal
maalin keli ah waxaad booqataa bogaga internetka ee
soomaalida ilaa 5 ka mid ah waad yaabaysaa kuwaa
magac reer oo qayxan xambaarsan,maba aha ceeb oo
hadii reer yeesho web u gaar ah dhib kuma jirto ,waxaase
aad naxaysaa marka aad aragta waxa webkaas lagu
qoraayo iyo siyaasadiisa oo ku dhisan inay dadkii
sii kala fogeyso,inkasta oo ay jiraan dhowr web oo
aad ka helayso qoraallo macquul ah oo dhexdhexaad ka
ah arimaha soomaaliya.
Waxaad kale oo aad yaabaysaa marka aad akhridid
maqaalaada ay soomaali badan oo aqoonyahnno isu
haysta ku soo qorayaan internetka.
Waa wax laga naxo
inaan noqo ummad talaabadii ay qaadaanba ay tahay
anagoo reer hebel ah iyo reer hebel noo talinmaayaan
iyo reer hebel waxay rabaan iyo nimankaasi waxay
naga rabaan iyo erayo kale oo ka sii xun.Waa waxa
maanta ina gaarsiiyey in xaruntii wasaaradda
gaashaandhiga soomaaliya ay maanta dhex deggan
yihiin ciidamo amxaaro ama xabshi ah (itoobiyaan)
sidaa doonto u aqoonow.
waa yaab in 17 saro
markii ay ka soo wareegtay maalintii maxamad siyaad
barre laga saaray soomaaliya hadana maanta meel
walba xabadi ka qiiqayso soomaaliya oo dhan ama
dulmi iyo maamul xumo laga qaylinaayo meelaha nabada
lagu sheego.
Waxaa yaab ah maxaa
siyaad barre iyo dowladiisii loo tuuray ,haddii ay
musuqmaasaq badnayd maanta digriiyaa lagu qaatay,ma
dadkay dili jirtay maanta PHD ayaa lagu qaatay dilka
,ma cadaalad xumay waday maanta cadaaladda lagama
yaqaan dalka ma dhaqaalahay lunsan jirtay maanta
dhaqaaleba lama hayo .
Ceeb kasta oo aad
ku sheegto dowladii marxuumka maanta sagaal laabkeed
ayaa yaalla xabashina inoo dheertahay.
Hadaba umadyahay soomaaliyeed waxaan idiin soo
jeedinaaya baaq nabadeed oo ah danteena guud ahaan
waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu inaga dhigo kuwa
raaca wadada xaqa ah aamiin. Waxaan baaqayga ku soo
koobayaa qodobo dhowr ah.
1.umadda
soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waa umad
walaalo ah khaliif kasta oo siyaasadeedna waa inaanu
shacabka gaarin lagana ahaado nadiif. lana ogaado in
siyaasadu tahay xarig maalinba dhinac loo jiido.
2. dhiigga
daadanaaya ee umadda soomaaliyeed waa mid ilaahay
xarimay berina la is weyn diin doono ee ha laga
waantoobo ,nin kasta oo ku lug leh ama taageersan
daadinta dhiiga ama dhaqaale ku bixiyaana waa la mid
ka¨n dhiiga daadiyey.sidoo kale maatida iyo dulmiga
lagu hayo waa wax fool xun waajibna waxaa ah in laga
dhiidhiyo waxashnimada noocaas ah.
3.ma jiro qabiil
qabiil ka sareeya ,ma jiro qabiil xaq u leh keligiis
talada dalka ,ma jiro nin u dhashay inuu leeyahay
talada umadda ma jiro nin ah 0,5 iyo mid
dahamystiran ee waa in laga hortago fikirka ah 4,5
waa dulmi cad oo lagu dulmiyey beelo iyo reero dhan.
4.ku dhaqanka
diinta islaamku inuu soo kordhiyo wanaag moyaane
qasaare ma ahaan waana waajib iyo amar ilaahay ,ninka
leh ma doonaynana ha ogaado inuu diiday amar ka
yimid alle subxaanahu watacaalaa 5. waa in aan
maanta laga bilaabo yeelano wacyi gelin joogta ah oo
la isku faro wanaaga iyo kahyrka iyo jidka
horumarinta ,dhalinyarada iyo dadka soo koraayana
lagu beero jacaylka dalkooda iyo dadkooda si ay
berito ugu noolaadaan mustaqbal wanaagsan inookana
dhaxlaan taariikh wanaagsan oo ka fiican jidka aan
maanta hayno.
6. waxaan
madaxweyne yuusuf ,raiisal wasaare geedi iyo dhamaan
madaxda dowladda ugu baaqayaa in ay bedelan
siyaasdda ay hadda ku socdaan kuna bedelaan siyaasad
u adeegaysa bulshadooda dalkoodana ku soo celinaysa
nabad iyo horu mar iyagana u ah safxad cusub oo ay
ku soo jiitaan dadkooda si ay dembi dhaaf uga helaan
alle iyo umadiisaba.
7. kooxaha wada
dagaalada iyo qaraxyada waxaan leeyahay bal fiiriya
oo ka fekera madfaca aad soo ridaysaan jawaabtiisu
qasaaraha ay geysanayso iyo cidda ay ku dhacayso ,
mase tahay xal sida hadda ay xaaladu u socoto,waxay
ila tahay in la gaaray xilligii aan badbaadin lahayn
dal iyo dadba.
waxaan filaayaa in aanay intan oo qura ahayn xalka
umaddeena ee waxii kale ee aad idinkuna ku
biirinaysaan oo talooyin ah waxaan leeyahay soomaali
o dhan ayuu u furanyahay inay ka qayb
qaataan,ilaahayna ha inaga dhigo kuwa wanaaga is
fara kalana qaata xumaantana iska reeba aamiin.
wa bilaahi towfiiq.
maxamad bashiir jaamac
gumburi1885@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Bilkhayr dhahaya
aamiin.
Maansadan waxaa curiyey maxamd bashiir jaamac waana
maansa taabanaysa sida ay bani aadamku ugu jiraan
dagaal iyo dulmi isla markaana xayawaankii oo inaga
caqli liita ayna samayn waxa aynu samaynayo,maansada
oo si gaar ah ula hadlaysa baniaadamka gaar ahaan
soomaalida waxay tusaysaa in inagu aan nahay bani
aadam weliba nahay umadii nebi maxamad oo uu ilaahay
u soo diray nebigiisii swc qaaliga ahaa ,lana inaga
doonayo inaan raacno balantii ilaahay laga
qaaday,wuxuu maxamd bashiir is weydiinayaa sababta
looga baxay balantii ilaahay.
Ugu dambeyn wuxuu
maxamd bashiir ina tusayaa in qofkii ka leexda
jidkaa xun ee dilka iyo dhaca ee mara jidka toosan
in ilaahay ugu bishaareeyey nolo aakhiro oo
wanaagsan oo leh jano qurux badan oo webiyo marayaan
beero fiican leh habla xuural caynahina
joogaan,waana tan ilaahay inoogu bishaareeyey in
ilaahay adoomahiisa saalaxiinta ah siin
doono.ilaahay ha inaga dhigo kuwii raaca jidka
toosan dadkoodna kal xishooda dilka iyo dhaca beenta
musuqmaasaqa iyo wax walba oo xun aamiin.
Waatan maansadii::
Soomaaleey bishaariyo
Barwaaqaa lasheegaye
Inta aanan kala bixin
Buugana idiin furin
B,i waaye dayriyo
Belo looma yeertee
Baryadana ilaahay
Bartamaha habeenkiyo
Barqadiyo dharaartaba
Buur iyo baanaaniyo
Badaha iyo webiyada
Bara kastoo ad joogtaan
Badiyoo ducaystoo
Bishmihiinna kala fura
Bilkhayr dhahaya aamiin
Bad kalluun dhex jiifiyo
Baabulow libaaxiyo
Bakayliyo waraabaha
Baryareey dhilmaanyiyo
Cayayaanka boodiyo
Bogga waxa xamaartiyo
Kuwa samada buubaa
Bahaluhu dhamaanatood
Inakstooy is boobaan
Boqnahana is gooyaan
Misna bara mid leeyhay
Boob kuma xoraystaan
Bidhaantay yaqaaniin
Xaqa baallahiisoo
Xaaraan la beeriyo
Boolida ma qaataan
Koodii badheedhana
Marka buunku uu dhaco
Bacadkiyo xisaabtiyo
Suaalaaha ma uu baqo
Ilaah baa ka baajaye
Inaguna barbaartii
Aadam laga bacrimiyiyo
Beertiisi baan nahay
Ilaahenna boqorka ah
Kuwuu siiyey barakada
Buruuj iyo watiiniyo
Baariyo idaa jaa
Ayaadaha bayaanka ah
Kuwii loo bandhigayee
Iqra lagu bilaabee
Baalaha rasuulkii swc
Kuwii buuxiyaan nahay
Balantii ilaahay
Maxaa looga baxayoo
Burburkiyo colaadaha
Maxaa loogu baahdoo
Beledkiina loo gubay?
Bakhti looma cuno
Baahida daraadeed
Boqolena in loo dilo
Sidii neef baraarana
Bi; i waaye waa ceeb
In la wado belaayana
Bulshadii ku dhimataye
Bal wanaag ha loo rogo
Beentiyo turuufada
Buntukh lagu tabcanayiyo
Bedeloo isbaarada
Buugiyo qoraalkiyo
Wada hadal bayaaniyo
Run halooga baydhoo
Ninkii barada sheeydaan
Ka baqoola maantadan
Webiyaal burqanyiyo
Beer iyo bustaaniyo
Bustayaal xariiriyo
Barkimiyo furaashiyo
Baxsan xuural caynoo
Sariir lagula boodiyo
Sharaab aan biyaysnayn
Barax laga ilaashiyo
Jannaa loogu baaqaye
Soomaalaay bishaariyo
Barwaaqaa la sheegaye
Bilkhayr dhahaya aamiin
Aamiin.
Maxamad bashiir Jaamac
Gumburi1885@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan