Saxaafadda Qaarkeed oo danayneysa qalalaase ka dhaca magaalada Muqdisho
Axmed Abuukar |
abuukar40@hotmail.com
Waa marag ma doonto bannaanka taal oo aan qofka ka qarsoomi karayn in
saxaafadda Soomaalida qaarkeed ay u danayneyso in dhibaato, bambaanooyin,
isqarxin, qalalaase iyo bara kac uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee
caasimadda Soomaaliya.
Saxaafaddaas marka ay sidaas ku kacayeen ee ay qalinkooda iyo carrabkooda
dhibaatada ku doon doonayaan macnaheedu ma aha in ay neceb yihiin dadka ku
dhaqan magaalada Muqdisho ee wax ayaa sababay waxaasna waa iska caddaan qof
kasta garan karayo.
Waa tii Soomaalidu tiri "Carrab dalab leh iyo lug dalab leh waxaa la hor
ogaadaa Carrab dalab leh", taas macnaheedu waa haddii aad hadasho ama qoraal
aad samayo halka aad u badan tahay ee aad taageereyso iyo waxa aad diidan
tahay horay ayaa laga ogaanayaa, ama dhex dhexaad iska dhig ama ha iska
dhigin.
Saxaafaddaas qaar kamid ah waxay diidan yihiin sidee Cabdullaahi Yuusuf
Axmed oo reer Qansax ah madaxweyne uga noqonayaa oo uga talinayaa
caasimaddii Soomaaliya iyo dalkii oo dhan? waxana hoggaamineysa caadifad
qabyaaladeed.
Qaar kale ayaa u barooranaya Islaamiyiintii mayalka adkaa oo leh sidee
odayaashii cagta loo mariyey oo dawlad calmaani ah ay dalkii uga talineysaa?
Allaylehe aan dabka hurino oo yaan lagu ledin magaalada Muqdisho.
Ugu dambayntii muhiim ma aha inaan iraahdo idaacad hebel ama wargeys hebel
ama website hebel ayaa sidaas u dhaqma, waxanse hubaa inaad akhristow aad
hadda mid mid u sheegi karaysid qalabka warbaahineed ee aan ka hadlayo.
Laakiin, su'aal ayaa maskacdayka ku wareegeysa oo aan jawaab u waayey taas
oo ah, hoobiye, qarax, is qarxin, barakac iyo dhiig shacab oo daata yaa ku
naaxaya oo dani ugu jirtaa yaase ku burburaya?
Axmed Abuukar |
abuukar40@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
19, 2007
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


|