SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ku: Culimada Soomaaliyeed

Ka: Khalifah Adam

Ujeedo: Warqad Furan oo ku socota Culimada Soomaaliyeed

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaah. Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu

Culimadayada Sharafta Mudaney,

Waxaan jeclahay inaan halkaan su’aalaha soo socda idiinku soo gudbiyo si aan jawaabihiinna uga faa’iidaysanno annaga shacabka ahi. Allaah SWT wuxuu Qur’aankiisa kariimka ah nagu amray inaan su’aalo kuwa garanaya wixii aanaan garanayn wakhti fitnana waa lagu jiraa.

Su’aalaha qaarkood mar walba naftayda bay ku dhex wareegayeen laakiin waxaa igu dhiira galisay Fatwada Sh. Cumar Faaruuq oo ku xukuntay gaalnimo dad Soomaaliyeed oo Allaah kali ahi yaqaan tiradoodaa. Arrintaas kama hadlayo oo aqoon aan uga hadlana ma lihi geesinimo aan ku qarda jeexana Allaah hayga ilaaliyo. Allaah baa qur’aankiisa ku yiri Annagaa kala xukumayna waxay isku khilaafeen maalinta qiyaamee.

1) Haddii dadka Musklimiinta ahi dagaalamaan Allaah SWT xukunka uu u dajiyay sida ku sugan aayadda (suradaha al-xujuraat 9-10) fulintiisa yaa laga rabaa oo ka mas’uul ah ma culimada mise caamada?

2) haddii muslimiintu xukunka Allaah fulin waayaan oo is dhamaynayaan dad aan muslimiin ahayn; sida gaalada mushrikiinta iyo diin laawayaashu ma kala celin karaan mise laysugu tagi mayo hays dhammeeyeene?

3) Qofka ridooba oo diinta islaamka ka baxa iyo qofka muslimiinta si joogta ah xaq daro ugu laaya, labadaba Allaha inaka xafidee, keeba u khatar badan ummada?

4) Qofka ridooba iyo qofka qof mu’min ah ula kac si xaq daro ah ugu dila saw labaduba ihelu naar maaha haddaan Allaah cafiyin? Hadday jawaabtu haah noqoto maxaan culimadu ugu sheegin dadka 16 sano dadka laynayay walina laynaya in lagu gaaloobo dilka mu’miniinta oo fatwooyin uga soo saarin sida tan hadda soo baxday oo ku wajahan dawladda iyo inta u riyaaqda?

5) Ma ciidda muqadas ah miise dhiiga mu’minka? Sababtoo ah hadda ciiddaa loo qiiraysanyahay markaan xukuno waxaan maqlayno ama aragno laakiin dadka in la laayo oo maalin walba ama reer nabad ku seexday ama ilma yara oo meel ku cayaaraya madaafiic lala dhaco ma aragno cid u qiiraysan.

6) Ma dhulka la wada daganyahay baa walaalo lagu yahay mise tawxiidka?

7) Qofkii dhiigaaga banaysta hoosadaa iyo aabahaaba ha dhaleene ma walaalkaaba)

8) Xabashada dalka Soomaaliyeed dhex mushaaxaysa ma nimanki Baydhabo loogu dul tagay baa soo hogaamiyay mise nimankii yiri Addis Ababaan u soconaa?

9) Culimada waxaan ka baranay in qofkii ku dhaca camal gaalnimo isaga iyo camalkiisa laka saarayo ilaa xujada lagu oogo oo xaalkiisu kala caddaado ee aan layska oranayn gaal baad tahay, marka arrintaasi ma saxbaa mise anaa qalad fahmay arrinta nookala caddeeya Allaah khayr haydinku abaal mariyee ?

10) Soo diinta islaaamku ma qabto “akhafal dararayn” oo arrintii wax ka xun ama la midihi ka dhalanayaan laga joogsan mayo? Waxaa ah maahmaahyo dadka adduunku wadaago caano daatay lagama dul ooyo ee dabadoodaa la qabtaa.

Haddii culimadu tiraahdo waa gaalo dawladda ee laaya iyaga iyo ciddii u riyaaqdaba Xabashadu dalkeenna ma kaga baxaysa mise hambadeena ku guba’naysa culimaduna dab awalba ololayay bay badrool ku dul shubayaan? Waxay ila tahay Xabashada iyo cid waliba waxay inaka tagayaan haddaan inagu heshiino oo dad macna leh noqono haddii kalese wadeeca Alla!

Wassalaamu calaykum,
Khalifah Adam
khalifah12@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo ay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH