SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciyaaryahan Samuel Eto'o iyo Soomaali xagee iska soo galaan?

Waxaa maanta ku soo qaadanaynaa bogeenna Falanqeynta Taariikhaha ciyaartoyda Dunida Laacibka Weyn ee Weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona iyo Xulka Qaranka Cameroon ee Magiciisu cirka isku shareeray ee Samuel Eto'o oo aan idinkaga hayno macluumaad dheeraad ah.

Xidiggan oo magiciisa oo buuxa uu yahay "Samuel Eto'o Fils" waxa uu 10-kii March 1981-kii uu ku dhashay halka lagu magacaabo Nkon oo ku taalla Dalka Cameroon, dhererkiisu waa 1.79m, (5'11"), waxaa lagu naanaysaa Pantera Negra (Black Panther/ Shabeel-kii Madoobaa!!), waxa uu weeraryahankani hibo u leeyahay Boos qaadashada marka ay baadi goobayaan meel ay Kubadda u tuuraan iyo Laadadkiisa awoodda leh, taasoo keentay in 3-sano oo xiriir ah uu ku guuleysto Xiddignimada Q/Afrika.

Waxa uu soo maray naadiyo ay ka mid yihiin CD Leganes (1997-98), Real Madrid (1998-99), Real Mallorca (1999-2004), waxaana naadigani oo uu u ciyaaray 133-kulan uu u dhaliyey 54-gool taasoo ka dhigtay weeraryahankii ugu gool dhaliska badnaa taariikhda naadigani, kaddibna xilli ciyaareedkii 2004 markii uu dhammaaday qandaraaskiisii Mallorca waxa uu heshiis ku kacayay 24-Milyan Euro la galay kooxda Barcelona, waxaana heshiiskaasi qaybihii ka qayb qaatay ka mid ahaa naadiyada Real Mallorca iyo Real Madrid oo midba ay saami ku lahayd heshiiska laacibkan waxaana kulankiisii ugu horreeyey uu Barca u saftay 29-kii August 2004, kaasoo ay kaga hor tagtay kooxda K/Cagta Racing Santander.
Wariyaha caanka ah ee Telefishinka ESPN Tommy Smyth ayaa mar uu tilmaamayay Samuel Eto'o waxa uu yiri "Waxa aan dhihi karaa shaki la'aan waxa uu ka mid yahay weeraryahannada aadka u wanaagsan ee soo maray Adduunka, waxa uu ku ordaa Orod deg-deg badan, waxa uu awood u leeyahay in uu Kubadda ku dhaliyo labadiisa Lugood, isagoo sidaa si la mid ahna Madaxa ku dhalin kara, waxa uu goolasha dhaliyaa marka ugu horreysa ee Kubadda uu taabto".
Samuel waxaa kale oo uu ka ciyaari karaa labada Garab (Midig iyo Bidix), taasoo horey uu ugu tijaabiyay tababare Frank Rijkaard, waxaana uu ciyaartoyda kale ee naadigiisa ka caawiyay dhalinta Goolal fara badan, halka isna sidoo kale uu dhaliyey goolal fara badan, iyadoo xilli ciyaareedkii 2005/06 uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee laba xilli ciyaareed 50 Gool ka dhaliya Horyaalka Spain La Liga.

Eto'o waxa uu sida ciyaartoyda kale ee Reer Afrika ee Midabkoodu Madowga yahay la kulmay dhowr jeer Midab Takoor, sida Daafaca Maroodiyada (Cote d'Vore) Marco Zoro kulan dhex maray Inter iyo Messina markii loogu yeeray "Daanyeer" uu ku hanjabay in uu isaga baxayo Garoonka, kaddibna ay raali geliyeen qaar ka tirsan ciyaartoyda Messina iyo Inter.

Midab Takoorkii ugu xumaa Eto'o waxa uu soo maray February 2006 markii kulan dhex maray Barcelona iyo Real Zaragoza ay qaar ka tirsan taageereyaasha Zaragoza ugu yeerayeen "Daanyee-roow" mar kasta oo Eto'o uu Kubadda taabto, taasoo geba-gebadii uu laacibkani u dulqaadan waayay, iskuna dayay in uu ka baxo garoonka, hase ahaatee ay maslexeeyeen qaar ka tirsanayd ciyaartoydii labada dhinac oo uu ka mid ahaa Xidigga weyn ee Naadiga Barcelona iyo Reer Brazil Ronaldinho oo si weyn niyadda ugu dhisay Eto'o, una sheegay in haddii uu ku adkeysto in uu garoonka ka baxo uu isagana daba geli doono oo ay ka wada bixi doonaan ciyaarta.

Markii kulankaasi uu dhammaaday Garsoorihii ciyaartaasi Fernando Carmona oo kulankaasi ku guul-darreystay in uu wax ka qabto markii meel looga dhacay sharafta Eto'o, kuna tilmaamay in wixii ay taageera-yaasha Zaragoza ku dhawaaqayeen ay caadi ahaayeen waxa uu cambaareyn kala kulmay Xiriirka K/Cagta Spain iyo Midka Adduunka ee FIFA, waxaana kaddib xiriirka Spain uu ganaax lacageed dul dhigay naadiga Zaragoza, halka Eto'o-na uu sheegay in taageerayaasha Zaragoza uu abaalkoodu ku wanaagsanaa in muddo sanad ah albaabada loo laabo garoonkooda.

Waddammada Spain, Jarmalka, Ingiriiska, Mexico, Denmark, Belgium iyo Italy ayaa ciyaartoyda Madowga ah ee ka ciyaarta waxaa Midab Takoor ku sameeya taageerayaasha la safan kooxaha ka soo horjeeda ee ay la ciyaarayaan, waxaana arrintani ay noqotay fool xumo ay wax ka qaban waayeen Xiriirka FIFA, inkastoo Guddoomiyaha Xiriirka FIFA Sepp Blatter uu ku hanjabay in ay wax ka qaban doonaan arrintan, ciqaab adagna ay dul dhigi doonaan ciddi ay ku cadaato.

Eto'o oo 25-jir ah, haatanna dhaawac ka soo gaaray Jilibka Bidix kulankii Werder Bremen iyo Barcelona ee Koobka H/ Yurub 27-kii September 2006 waxa uu xulka dalkiisa Cameroon ku soo biiray isagoo 15-jir ah, saftayna kulan saaxiibtinimo oo ay la yeesheen Costa Rica waxa uu ahaa ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee ka qayb gala Koobkii Dunida 1998-kii, waqtigaas oo uu ahaa 17-jir, sidoo kale waxa uu xulkiisa kala qayb galay Koobkii Adduunka 2002, K/Q/Afrika 2000, ciyaarihii Olombikada 2000 iyo Q/Afrika 2006, waxaana xulka Cameroon uu u saftay 60-kulan, isagoo u dhaliyey 24-gool.

Geba-gebadiina Eto'o waxaa lagu warramay in uu isir ku leeyahay Soomaali, gaar ahaan dhinaca Aabaha iyo Awowga, waxaana uu ku soo koray Hargeisa, gaar ahaan magaallada Burco, waxaana K/Cagta uu bilaabay markii uu la kulmay Nin Soomaali ah oo baray sida loo dheelo K/Cagta saddex jirkiisii illaa 13-jirkiisii, ka hor intii uusan dib ugu laaban magaallada Nkon ee Dalka Cameroon ee uu ku dhashay, waxaana halkaasi uu ka sii watay K/Cagta, ciddii xaqiijinta warkan u baahanna waxay Internet-ka ka baari karaan taariikhda ciyaaryahan Samuel Eto'o ama waxay booqan karaan Bogga Internet-ka ee (African Press – Norway) ee www.africanpress.worldpress.com, kaddibna waxaad qaybta Search-ga ama Raadinta gelisaa …"Merit Award to African Player".

W/T: Yaxye Yuusuf Khasaaro
E-mail: yaxyekhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2007


Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto, islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri warka oo dhan....


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH