SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dagaalkii ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya 11-sano ka hor

Baraarujin qaybtii 3aad

Qaabkii uu Dagaalku u dhacay

Waxay xabashidu weerar bahalnimo kusoo qaaday degmooyinka Dooloow ,Luuq Iyo B/xaawo maalin jimco ahayd ee 9.8.1996.Dagaalku sidaan ayuu u dhacay:-

1.Doolow: Saacadu markay ahayd 11:58 daqiiqo habeenimo ayay kasoo tilaabeen buundada doolow, waxayna kala soo gudbeen 62 baabuur oo tikniko ah.Intii aysan soo gudbin buundada waxaa dagaal dhex maray shacabkii degenaa magaalada, wuxuuna socday mudoo hal saac ah.

Khasaaraha: waxaa ku shahiiday doolow hal qof, waxaana ku dhaawacmay sadex qof. Waxay gubeen saldhigii booliska iyo Maxkamadii magaalada iyagoo raartay kutubtii tiilay. Waxay qaateen shan taar, hal matoor koronto, hal baabuur oo dhamaan shacabku lahaa.

2. Luuq: Waxaa magaalada laga soo weeraray labo jiho oo kala ah, wadada ka timaada dhanka Bohalgas iyo tan dooloow. Ciidamada duulaanka soo qaaday waxaa laga soo uririye dhamaan fadhiyada ciidamada gobolka soomaaligalbeed, laga soo bilaabo Jigjiga,Dhagaxbuur,Godeey,Mustaxiil,Qalaafo iyo Baareey. Ciidankaas waxay wateen 73 baabuur oo isugu jira taangiyo,bebeyo, hub culus, baabuur tikniko oo ay saarnaayeen qoryo kala gedisan, sidoo kale shan diyaaradood oo ay ka mid ahaayeen 4 helicopter iyo hal ilaalo ah, waxaa duuliyaal ka ahaa rag cadaan ah, diyaaradaha waxaa ku qornaa USA air Force sida aan ognahay Maraykanku wuxuu labo asbuuc ka hor inta uusan dagaalku dhicin ku balan qaaday inuu ka caawiyo dhanka ciidamada cirka. Waxayna magaalada ku jireen sadex saacadood. Dagaalku wuxuu biloowday 7:30 daqiiqo wuxuuna dhamaaday 2:00 duhurnimo.

Khasaaraha: Duqaynta diyaaradaha waxay gaysteen, khasaare aad u culus oo inta badan ay gaarsiiyeen meelihii ay dadka shacabku lahaayeen. Waxayna burburiyeen shan guri, waxay si foolxun u duqeeyeen Isbitaalka degmada, waxay aad u waxyeeleeyeen qaybta MCH-ka ee isbitaalka waxaana ku dhaawacmay dad badan oo bukaanka Isbitaalka ka mid ahaa. Waxay waxyeelo gaarsiiyeen haantii biyaha ee magaalada, taasoo sababtay in ay magaaladu ay biyo l,aan noqoto lagana yaabo inay sababto cuduro kala gedisan, sida dhaqaatiirtu sheegeen. Waxay duqaysay oo kale xarun ay lahayd hay,adda AMREF oo ka shaqaysa caafimaadka magaalada. Waxay magaalada la dheceen hub culus oo ka dhacayey PM-ka iyo taangiyo, waxay waxyeelo u geysteen Masjidka weyn ee magaalada ku yaala ee Alraxma. Waxay gubeen xafiisyadii dawlada oo loogu adeegi jiray bulshada, waxay gubeen Maxkamadii Degmada iyo kutubteedii. Waxay gubeen 5 baabuur, iyagoo qaatay mid kale. Waxay bililiqaysteen guryo faro badan oo shacabku degenaa. Waxaa ku shahiiday 112 qof oo isugu jira rag iyo dumar iyo caruur. Waxaa ku dhaawacmay 92-qof, waxaa isbitaalka yimid 72 qof. Waxay qafaasheen 16-qof oo shacab ah, 14 ka mid ahna way dileen. Allah mahadiis 2dii kale way kasoo baxsadeen.

3. B/Xaawo: Saacadu markay ahayd 6:30 aroornimo ayay soo weerarareen , ciidanku waxuu kasoo gudbay wabiga daawo meel u jirta magaalada 7Km, qaybta kalena waxay ka timid dooloow waxayna wateen 29 baabuur. Ciidankaas sadex jeer ayaa la jabiyey oo runtii si foolxun loo baacsaday. Ugu dambayntii waxay kasoo talaabeen xuduudka Kenya/Somalia oo ay kasoo gudbeen, kuwaasoo ka fal galay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Magaalada waxay qabsadeen 12:00 duhurnimo.Markay magaalada galeen waxay ka taageen calankooda.

Khasaaraha: Waxay gubeen saldhigii booliska qayb ka mid ah, waxay qaateen dhamaan kutubtii tiilay Maxkamada, waxay qaateendaawadii iyo qalabkii caafimaadka ee yaalay bukaan socod eegatada ee waalatu Alraxma. Waxay rarteen kutubtii Maktabadda (Library)Ibnu Qayim oo la oran karo wuxuu ahaa khasaarihii ugu weyna oo soo gaaray degmada; waxay la tegeen saddex baabuur ;waxay qafaasheen lix qof . Waxaa ku shahiiday 20 qof , oo isugu jira rag iyo dumar.

Khasaaraha cadowga:Run ahaantii waa adag tahay in la helo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray ciidanka xabashida. Sababtoo ah waxa daad guraynay diyaaradaha iyo gawaari loogu tala galay. Waxaase xaqiiq ah in ay ku dhinteen saraakiil. Waxaa ciidankii soomaalida ka dhaawacmay 15-qof oo lagu qaaday baabuur,sidoo kale askarta soomaalida waxaa ka dhimatay 18 askari, labo ka mid ah maydkooda way ka tageen, si ula kac ah iyagoo ula jeeda ku waano qaata, dhan walbana ku dhinta. Sidoo kale waxaa jiray ciidamo laga keenay Eriteria ah, ciidankaas waxaa ka dhintay 30 askari, 300 way ka dhaawacantay.

Waxaa xusid mudan:- 1-Qoraalkaan waxaa soo qoray Maamulkii markaas jiray qoladii u qaybsanayd warfaafinta. 2- Qoraalka waan soo gaabiyey. 3-Khasaaraha wuxuu ahaa hal maalin wixii dhacay waxaase ka danbeeyay maalmo kale marka dhimasho iyo dhaawac kuma dhamaystirna qoraalkaan.4- Qoralkaan waxaan soo raacinayaa baaq lasoo saaray dagaalkaas ka dib.

Baaq

Anagoo ah odayaal iyo waxgarad Soomaaliyeed, una nasab sheegana Beesha Mareexaan, waxaan ognahay in 9.8.1996 saddex degmo oo ka mid ah gobalka Gedo ay qabsadeen Ciidamada itoobiya, dadkiina ku laayeen.Waxaan Adduun weynaha u baaqaynaa in dowladda itoobiya Maxkamad caalami ah la hor keeno, lagana qaado khasaarihii gaaray shacbiga Soomaaliyeed ee ku noolaa degmooyinka , kuwaasi oo tiro dhan 300 qof lagaga dilay Weerarka, in ka badan 150 na lagu dhaawacay, hanti badana lagu burburiyey.Waxaan cambaareynaynaa weerarka burcadnimada ah ee lagu soo qaaday dadka soomaaliyeed. Waxaan beesha caalamka ka codsanaynaa in gurmad iyo gargaar bini,aadinimo loo fidiyo dadka ku waxyeeloobay weerarka.Waxaan ka xun nahay falkaas lama filaanka ah oo ka yimid dowlada itoobiya, waxaana usoo jeedinaynaa cambaarayn iyo iney joojiso weerarada ay hadda soo waddo oo ay ku doonayso iney ku qabsato gobalka Gedo iyo kuwo kale oo ka mid ah dalka soomaaliya.Dadka waxgaradka ah ee soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in loo joogsado, loona midoobo cadowga taariikhiga ah ee itoobiya, doonaya in uu qabsado dhulka soomaaliyeed(Baroortu Orgiga ka weyn).

Waxaa baaqaan lagu soo qoray wargeys la yiraahdo Runta oo ka soo bixi jiray Nairobi-Kenya.

Dadkii soo saaray baaqaan waxay ahaayeen 19 qof, magacyadoona waa ku waan 1-Aaden Warsame Barre 2- Axmed Cibaad Bulxan 3-Xasan Shire Jucfe 4-Sh: Maxamed Gurxan 5- daabacada ka maqan magaca qofkii 5aad 6-Maxamed Xirsi Ciise 7-Cabdulaahi Macalin Nuur 8-Mursal Aadan Cigaal 9-Shariif Sh. Faarax Xasan 10-Cabdulqaadir Dheer 11-Cabdulaahi Cali Caanood 12-Macalin Ibraahin Maxamed Cali 13-Cali Cabdi Maxamed 14-Cabdirashiid Cali Faarax 15-Xasan Cabdulle Cartan 16-Cali Cabdiraxmaan Aaden 17-Hire Cabdi Cismaan 18-Xasan Cabdulle Xamuuri 19-Guhaad Cali Mire.

Waxaa halkaas ku dhamaaday qoraalkii iyo baaq 11 sano ka hor la qoray. Hadaba maxaa laga faa,iidaysan karaa qoraalkaas iyo baaqaas. Waxaan filayaa in waxbadan laga faa,iidaysan karo oo aan lasoo koobi karin. Waxaad ogaataan mar walba in aan la ogalayn wanaagu uu leeyahay Islaamka,horayna loola dagaalamay hadana isagiibaa la diidayaa, sidoo kale in uu leeyahay cadow badan,mid gudaha aha iyo mid dibada ah. Dhinaca kale soomaalida waxaa mar walba ku jira kuwo cadowga ka soo horjeesta iyo kuwo taageeraba mar walba.Waxaa kaloo mar walba la helayaa odayaal cadawga ka soo horjeeda, waloow ay badan tahay inta taageersan cadawga mar walba. Sidoo kale khasaaraha cadawga uu gaysto in ay jiraan rag qoraya, oo maalin maalmaha Illaahay abuuray ka mid ah lagula xisaabtami doono Cadowga,haddii ay arintaas aysan dhicina, in maalinta qiyaamaha xisaab jirto.

Wixii ka dhacay gobolada Gedo waa la ogaa, maantana soomaali oo dhan bay haysataa. Waxaan kaloo ka faa,iidaysanay dagaalka Dawladii soo qaaday iyo dawladihii soo kaalmeeyay, maantana in ay sidoo kale isa soo kaalmaysteen.Anigoo qoraalkaan ka faa,iidaysanaya waxaan u sheegayaa Dadka wax qoro ee jooga Meelaha dagaalku uu ka ka dhacay in ay noo soo qoraan dhimashada,dhaawaca iyo khasaaraha kasoo gaaray shacabka. Qof walba oo Muslim ah, gaar ahaan Soomaalida waa in aan la soconaa Dawladaha dhibaatooyinka noo gaysatay si Jiilalka danbe ay u ogaadaan kulana xisaabtaan Dawladihii arimahaas ka danbeeyay.

Qoladii cadawgaas soo dhawayasatay waagii hore iyo hadaba ha ogaadeen in ay la kulmayaan dhibaatooyin badan Adduunyada iyo Aakhiraba, qoladii cadawga ka hortagtana iyagaa liibaanaya Adduun iyo Aakhiraba Insha Alllaah.Aan iswaydiino cadawgaas 11 sano ka hor dadkii soo hogaamiyey, xagee ku danbeeyeen, sidoo kale shacabkii taageeray soow laguma imtixaanin colaad iyo abaar.qofkii sii noolaada kuwa hada cadawga nagu soo hogaamiyey ogaada meesha ay ku danbeeyaan.Dadka ka soo horjeeda cadawga wadankeena kusoo duulay waxaan ugu bishaaraynaa dad xogaal u ahaa dagaaladii waxay ii sheegeen in dagaaladaas 300 qof ku shahiideen, gaaladii soo duushay iyo wixii raacsnaana looga dilay 2000 ilaa 4000,Walaahu Aclam. Horaa loo yiri Gaalo jabkeeda waa qarsataa Meles Zenawi wuxuu qirtay in looga dilay 500 oo askari.Waa ay noqotaba waxaa la heli tirada rasmiga ah ee shahiiday iyo tan cadawga ka baqtiyey.Ugu danbayntii waxaa socda imtixaan Illaahay dhamaanteen xaqa hanagu sugo. Aamiin.Aamiin.Aamiin.

Walaalkiin fil islaam C/raxmaan C/laahi
waaislaamaah@hotmail.com

Qoraalkii hore ee C/Raxman C/Lahi... Akhri...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH