Dawladdu
waa in aay latimaado qorsha fiican ee dibuheshiissin.
Ama Dib uheshhissintii laga sugayay, waxay Noqonaysaa
Maroodigii Rimanaa Ee dooliyada Dhalay?
Feburuary 8, 2007
Nairobi (Khamiis)- Guddoomiyaha ururka Xalka iyo Midnimada
Soomaaliyeed Ama looyaqaan Center For Somali Solutions- ee
fadhigeedu yahay Dalka Maraykanka., Mudane Mahdi Ali Xeyle
ayaa ka hadlay ballanqaadkii Madaxweyne yuusuf iyo PM Gedi
ee ku saabsanaa in aay keeni doonaan qorsho fiican oo dib
uheshiisiin uuna soo dhisi doono dawlad tayo leh, ayaa u
muuqato mid lagu hingoobay.
Mudane Xeyle, oo ka hadalayay xaflad aay ka soo qeyb galeen
kaliyaasha Xafiiska Ninka u qaabilsan aqalka odayaasha ama
Senetka, ninka lagu magacaabo Senator Russ Feingold oo
baryahaanba dadaal ugu jiray in Soomaaliya wax laga qabto,
soona gudbiyay qaraar ah in Soomaaliya aay dowlada
Maraykanku si fiican u wajahdo oo umagcaawdo ergay gaar ah.
halkaas uu Mudane Mahdi Xeyle ka jeediyay hadal uu ku
sheegay in hadii aay dhabtahay in dowladu la timaado qorsha
fiican oo weyn oo dib loogu heshiisiiyo kooxaha iska soo
horjeeda, waxuuna taa kudaray in dowlada nabadayntii iyo
dibuheshiisiintii laga sugayay aay isubadashayay daandaansi
siyaasadeed iyo ku tumasho dastuurka qaranka. Sidaa
darteedna aan la rumaysan Karin waxa dowladu soo wado.
Waxaanu uragnaa in dowladu soo dhaweyntii iyo wanaagii iyo
kalsoonidii shacabka inay cagta ku dhufanayso., isla
markaana ay aragtideeda tahay mid ka duwan tii aan ka
aragnay. ballanqaadkii Madaxweynaha iyo sidii ay dadweynaha
Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen mucaarad iyo muxaafidba, iyo
guud ahaan sida uu u maamulay ee uu arrintaa ka yeelay
Raiisula wasaarahu waa mid lala yaabo.
Hadaba Cid walba mucaarad iyo muxaafid ka ay doontaba ha
ahaatee waxa ay qirayaan ama ay caddaynayaan in Dowlada aay
u egtahay in aay si weyn ugu fashilmeen ballanqaadkii
caalamku uu ka sugayay. Waxuuna ku booriyay in Sanitor
Feingold uu ucag dhigo inta dowlada la imaanayso dib
uheshiisiin dhab ah iyo inay gaarto siyasiyiinta
aqoonyahanda ururada bulshada. Isagoo sii wata hadalkiisa
ayuu waxuu yiri Waxa iyadana la yaab leh in golaha wasiirada
ee jira uu u badan yahay raggii 16ka sannadood meesha
fadhiyey ee waxay gallaan iyo waxay guddaanba ummaddu
garanaysay, waxqabadkoodana hore loo arkay waxay hadda
qabanayaana la saadaalin karo. Arrintaasi waa ta dadweynaha
Somaliya ka dhigtay isku aragti keli ah.
CSSU InternationalWaxay kula talinayaan Madaxweynaha iyo
dowlada uu Raiisal wasaarha ka yahay Gedi, inay ka
shaqeeyaan wadahadal iyo dib uheshiisiin dhab ah isla
markaana ku dhawaaqaan goorta iyo meesha dib u heshiisiintu
ka dhacaysa hadii kale dowlada Gedi waay ku fashilmi doontaa
awooddina kari maayo in uu dhiso dawlad loowada dhan yahay
oo taya leh ee uu ku ballanqaaday, taas oo isaga [Madaxweynaha]
magaciisa iyo sharaftiisaba mustaqbalka ugu jirta
taariikhdana ay ku ammaani doonto.
Gudoomiyhuhu waxuu ku soo gunaanuday ooraahdaan,Maroodi
rimay, habar dugaag baa isku soo baxay si ay uga umuliyaan,
halkii laga sugayey in uu Boqorkii beddeli lahaa dhalo ayaa
wuxuu dhalay dooliyaal tiro badan. dooligu marka ay dhashaan
itaal, indho iyo awood midna ma laha. Sidaa darteed,
Somaliya maanta ma joogto meel ay uga dhashaan dooliyaal
bilaa arag ah oo aan awood lahayn ee waa la hagraday. Markaa
dawladdii dib uheshiisiinta laga sygayay ma waxay noqotay
Maroodigii rimanaa ee dooliga dhalay?
Center for Somali Solutions International
Milwaukee Wisconsin CSSU Branch office
Contact: Dr Cabdirizaq Farah
414-687-1150
The Head Quarters office
Phone: 612-871-6411
Minneapolis, Minnesota.
Email:
somalisolutions@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9,
2007


|