SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baaq ka soo baxay Beesha Cayr ee Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka. 

Mudo ku dhow labaatan sano ayey Soomaaliya ku sugan tahay burbur iyo nidaam la’aan ka dhalatay dagaallo sokeeye oo aad u daba dheeraaday. Haseyeeshee manta ka hor- inta badani- kama fekerin in nidaam la’aanta daba dheeraatay ay keeni karto khatar shaki gelisa jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed. 

Mudo sannad ka yar ayaa waxaa Soomaaliya ka dhacay isbedelo ilmareen ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhismihii golihii la magac baxay la dagalaanka argagexisa oo ay Maxkamadaha Islaamiga ahi si dhaqso u maquuniyeen. Maxkamaduhu waxay keeneen nabadgelyo Koonfurta Soomaaliya looga diirsaday iyagoo soo nooleeyey mashruucii midnimadda qaran ee Soomaaliyeed, kaasoo ay dawlada Itoobiya u aragtay khatar wayn oo danaheedii Soomaaliya soo foodsaartay. Mudo gaaban ka dib Maxkamadihii waxaa awood ku muquuniyey dawladda Itoobiya oo garabsanaysa quwado shisheeye, xaaladaas iyada ahi waxay dhashay jawi cakiran iyo jahwaree siyaasadeed oo ay Soomaaliya gasho.  

Hadaba kadib markii waxgaradka iyo aqoonyahanka Beesha Cayr ee Yurub, Khaliijka iyo Waqooyiga Maraykanka, ay yeesheen wadatashiyo ku aadan xaalada haatan taagan waxay soo saareen baaqan oo ka kooban lix qodob. 

  1. In Beeshu garawsato in wadanku gacan cadow ku jiro sidaas daraadeed ciidanka Itoobiya ee soo duulay ay dalka si deg deg uga baxaan si Soomaalidu fursad ugu hesho in ay danaheeda uga tasho.
  1. ku jiroIn Beesha Cayr garawsato kuna gows adaygto in sharafteedu  ku jirto mashruuca Islaam iyo Qaranimo ee ay horay u taageertay haatana u taagantahay, hadii ay weectanaa ay sharaf waayi doonto.
  1. In beeshu hiil iyo hooba la garab istaagto iskacaabinta xaqa ah ee ay Shacabka Soomaaliyeed kula jiraan cadawga dalkooda kusoo duulay, iyadoo cida rasmiga ah ee codka beesha ku hadli kartaana ay tahay cida cadawga caabinaysa wixii taa kasoo harana ay yihiin dad iyagu danahooda khaaska ah u socda ee ayan beesha matalin.  
     
  2. In beeshu ay watashi la yeelato beelaha kale ee ay bah iyo mabda’a wadaaga yihiin si loo helo aragti midaysan oo ku wajahan sidii looga gudbi lahaa xaaladda cakiran ee dalku ku jiro ,taasoo u cuntanta bulshawaynta Soomaaliyeed, lagana waantoobo wixii shaki ku dhalin kara bahwadaagta kale.
  1. In ay beeshu ka fogaato wax alaale iyo wixii tilmaam u noqon kara in ay raali ka tahay ama wax la wado gumaysiga dhulka haysta iyo shaqaalihiisa kana digtoonaato in cadawgu keliyeysto ayna ku kadsoomin buunbuuninta hadafka guracan ee lagu doonayo in gees looga soocdo bahwadaagteeda mabda’a iyo dhalyo intaba si cadawga ugu sahlanaato colaad lagu keliyeysto beesha Cayr.
  1. In la ilaaliyo Midnimada beesha lana muujiyo in beeshu ay hadafka qaran la wadaagto bulsho weynta Soomaaliyeed isla markaana laga digtoonaado in Umadda Soomaaliyeed iska indho tirto cadawga dalkoodii heysta kaasoo doonaya inuu ku mashquuliyo xasaasiyad beeleed dhexdooda ah taasoo ku dhisan qaybi oo xukun
  1. In beeshu kaalin wax ku ool ah ka qaadato xal u raadin dhibaatada Soomaliyeed lana taageero qabashada shirka dib u heshiineed ee ay beesha caalamka ku baaqday, kaasoo lagu dhisayo dawlada midnimo qaran oo ay xoogaaga siyaasadeed , qabiileed, madani ee bulshada Soomaaliyeed  u dhantahay, si loo gaaro nabadgelyo waarta oo dhulkeena ka hirgasha.

Gudiga xiriirka beesha Cayr  
ee Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka 

Magacyada 88 qo foo ku saxiixnaa qoraalkan kala xiriir:
Eng. Yuusuf Cumar Cusmaan
Xiriiriyaha Beesha Cayr ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
beeshacayr@yahoo.co.uk

Wararka maanta::: AKHRI HALKAN...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH