Marin-Habow........waa maqaal xiiso leh
Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
Ma gar baa in loo ducayn waayo Soomaalida dhibaatadu ku habsato? Ma denbi
baa in Soomaalidu isaga ducayso dhibaatooyinka haysta? Waxaa dhici karta in
lala yaabo su’aalaha kor ku xusan oo akhristuhu is-yidhaahdo muxuu
su’aalahan macna darrada ah noogu wareerinayaa. Akhriste waan kaaga
garaabayaa dareenka noocaas ah, laakiin hoos u soo daadeg oo bal ila dhuux
nuxurka ay qormadani xanbaarsan tahay.
Waa maalin Jimcaad, taariikhduna waa 02 Febr. 2007. Goobtu waa masaajid ku
yaalla mid ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalka UK. Waxaa loo
dhag-raaricinayaa Khudbaddii Jimcaha, dadkoo dhana waxaa ka muuqda khushuuc
iyo isu dhiibis Eebe. Waxaa khudbadda Jimcaha jeedinaya Sheekh Soomaaliyeed
oo Eebe ku mannaystay Cilmi iyo Fasaaxad labadaba, waxaana arrin lagu farxo
ahayd iyadoo Sheekhaasi uu waliba ahaa nin aad u da’yar oo dhalinyaro ah.
Dadka masaajidka fadhiya ee maalintaas Salaadda Jimcaha u soo xaadiray
laftoodu waxay u badnaayeen Soomaali. Haddii aan qiyaastayda la kaashado,
dadka halkaas fadhiyay 97% Soomaali ayay ahaayeen. Niyada ayaan ka farxay
markii aan arkay cadadkaas faraha badan ee Soomaalida ah ee Cibaadada Eebe u
kulmay. Waa arrin uu qof kastaa ku farxi lahaa marka uu arko
Tolkii(Soomaali) oo Cibaadada Eebe u tartamaya, sababtoo ah ujeeddada kaliya
ee loo abuurayba waxay ahayd inay Waynohooda caabudaan.
Sheekhii ayaa billaabay inuu dadka muslimiinta ah u duceeyo markii uu
Khubadda soo gabagabeeyay. Wuxuu ducadiisii ku billaabay sidatan;
“Ilaahayow u gargaar muslimiinta loogu itaal-sheeganayo Jejniya, Kashmiir,
Ciraaq iyo Falastiin….”
Waxaan Sheekha ka filayay inuu Soomaalida ku billaabo muslimiinta uu u
ducaynayo, maadaama uu ahaa Sheekh Soomaaliyeed, isla markaana si fiican ula
socdo dhibaatada maanta ka oogan dalka Soomaaliya iyo masiibooyinka kala
duwan ee haysta bulshada Soomaaliyeed. Markii uu qolo sheegaba waxaan u
hanqal taagayay qolada xigta ee loo ducaynayo oon quud-darraynayay inay
Soomaalida noqdaan. Hase yeeshee nasiib darro ducadii ayuu Sheekhu
gabagabeeyay isagoon marna xusin Soomaaliya iyo Soomaalida dac-darraysan ee
dunida oo dhami ka dhawaaqayso.
Walow aan aad uga niyad jabay arrintaas, haddana bishinta ayaan qaninay,
waxaanan ku dadaalay inaan dib ugu noqdo Khushuucda ay mudan tahay salaadda
aan isu taagayo, hase yeeshee waxaan dhinacayga bidix, meel aan iga fogayn,
ka maqlayay nin dhalinyaro ah oo is-waydiinaya “war muxuu Soomaalida ugu
dari waayay?”
Waxaan filayaa in dareenka noocaas ahi uu ku jiray inta badan dadkii halkaas
ku cibaadaysanayay, isla markaana ay is-waydiinayeen sababta culayska ka
dhigtay in Soomaalida loogu duceeyo sida muslimiinta kale. Gaar ahaan
sababta uu Wadaadka Soomaaliyeed dadkiisa ugala bakhaylayo inuu Ilaahay u
baryo markuu Minbarka taagan yahay. Ducadu ma aha xoolo uu Wadaadku
bixinayo, xilna kama saarna in la aqbalo iyo in kale. Waa arrin Eebe u
taalla, laakiin midda tixgelinta u baahan waa in ducada wadarta ahi ay ka
fiican tahay ducada kalida ah.
Walow uu Sheekhu markii denbe ducadiisa ku soo gabagabeeyay “….Ilaahayow u
gargaar muslimiinta loogu itaal-sheeganayo meel kasta….” oo halkaas ay
Soomalidu soo galayso, haddana isku meeqaan ma aha cidda la gaar-yeelay iyo
cidda caamka laga dhigay.
Wuxuu qofku is-waydiin karaa; Xaggay Soomaalidu u baxsan haddii
Dagaal-oogayaashuna ay maalinba gado dagaal oo hor leh la beegsanayaan,
Wadaaddaduna ay kala bakhaylaan inay uga duceeyaan sharka Dagaal-oogayaasha
iyo dalalka nacabka ah ee ay dabada ku wataan?!!
Waxaa malahayga aad ugu wayn in Sheekhu aanuu moogayn masiibada cusub ee
hadda Soomaalida haysata. Waxaan hubaa inaanuu moogayn khatarta ay ku sugan
tahay madaxbannaanidii Soomaaliya, ka dib markii uu awood millatari ku
qabsaday cadowgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya. Waxaan shaki igaga jirin
in Sheekhu uu ka dharagsan yahay dhibaatada aan la koobi karin ee ciidammada
Itoobiya ee Soomaaliya qabsaday ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku
dhaqan goobaha ay awoodda ku qabsadeen. Waxaan u badinayaa inuu hayo wararka
ka imanaya cidhifka koonfureed ee dalka Soomaaliya ee ciidammada Itoobiya
iyo kuwa Maraykanku ay dagaalka ka wadaan, ciidammada Kenyana ay u
af-celinayaan, isla markaana xuduud-beenaadka ugu moosayaan cid kasta oo ka
soo firxata dagaallada awood sheegadka ah ee is-bahasatada Itoobiya iyo
Maraykanku ka wadaan goobahaas.
Waxaan filayaa in qof kastoo soomaali ah ama bani’aadamnimo ku denbayso uu
ka nixi lahaa dhibaatada haysatada dadka ku dhaqan degmooyinka koonfureed ee
Gobolka Jubbada Hoose. Waxay dadka deegaanka ahi sheegayaan in diyaaradaha
Maraykanka iyo Itoobiyaanka isugu jira ee goobahaas duqaynaya ay gaysteen
dhibaatooyin aad u ballaadhan oo dhinac walba ah. Marka laga soo tago
khasaaraha nafeed ama maal ee duqayntaas ka dhashay, waxaa sidoo kale
dhibaato xumi soo gaadhay deegaanka.
Hubka ay diyaaradahaasi isticmaalayaan ayaa ah mid shaki wayn laga muujiyay,
waxaana loo tirinayaa inuu yahay hub aan sharciyan la oggolayn
isticmaalkiisa, sababtoo ah wuxuu hubkaasi gubayaa kaymihii oo dhan, iyadoo
dhulkii kaymaha ahaa uu hadda isu rogay dhul bannaan ah oo geedihii iyo
cawskiiba ay gubteen, arrintaasoo khatar wayn mustaqbalka ku keeni karta
nolosha dadwaynaha iyo xolohooda labadaba.
Waxaa laga yaabaa inuu Sheekhu yahay nin diblumaasi ah oo aan jeclayn in
ducadiisa la dhibsado!!! Laakiin su’aashu waxay tahay Xaqa haddii lagugu
dhibsanayo, ma inaad afkaaga ka dhawrataa?!!!
Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa dhici karta inuu Sheekhu niyada ku hayay
dhacdo ka dhacday isla magaaladan maalmo ka hor. Waxay ahayd duco la isku
qoonsaday oo iska horimaad wayn dhalisay, taasoo sababi gaadhay in la xidho
mid ka mid ah masaajidyada magaalada ee Soomaalidu maamusho. Sida warku igu
soo gaadhay Sheekh salaadda Jimce tujinayay ayaa ducadii ku soo daray jumlad
macneheedu ahaa (Ilaahayow Itoobiyaanka naga qabo oo awooddaada nagaga
caabi).
Markii salaadda laga baxay waxaa billowday dagaal qadhaadh, oo in kastoo aan
gacmaha la isula tagin, hadda aad la isugu buuqay oo la isugu hanjabay.
Dagaalkaas ka dib waxaa lagu kala guuray masaajidkii, oo dadkii maamulkiisa
hayayna ay dhinac u baxeen, dadkii hawlaha waxbarashada iyo dacwada ka
wadayna ay dhinac kale u baxeen.
Sheekhii ducada qoonsimaadka ah keenayna waxaa lagu eedeeyay inuu salaaddii
siyaasad ku soo daray. Dadka qaar ayaan iyagu waxba maldihin oo ku
dhawaaqayay inaan Itoobiya waxba laga sheegi karin, iyagoo sabab uga
dhigayay in Itoobiya ay Soomaalida caawinayso oo ay mudan tahay in iyada loo
abaalgudo, intii la habaari lahaa.
Hadda ka hor waxaan marar badan la kulmay dad Soomaaliyeed, oo culimo iyo
caamaba isugu jira, oo diiddan inay u jiidh-naxaan Soomaalida ay Itoobiya
gumaysato, isla markaana inkirsanba in Ogaadeenya ay ku hoos jirto gumaysiga
Itoobiya. Dad badan oo Soomaali ahi waxay ku doodaan in Ogaadeenya ay tahay
qayb ka tirsan dalka Itoobiya, iyadoo la ogsoon yahay in qaybtii u denbaysay
ee Ogaadeenya lagu wareejiyay Itoobiya sannadkii 1954. Tan iyo xilligaasna
ayna dadwaynaha Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ku dhaqan oggolaanin
Itoobiyaanimada, ayna ka dagaallamayeen.
Waxaan markaa u haystay in qolyahaas uun la garab wagliilayo, laakiin
waxaaba muuqata in arrintani ay tahay nasiib darro haysata ummada
Soomaaliyeed, oo Ilaahay u gartay inay iyadu cadowga isu loogto, oo haddana
kaba daranee eedda ka ilaaliso cidda gafka ka gasha.
Waxaan hadda ka hor is af-dhaafnay nin Soomaaliyeed, oo u bogi waayay
aragtidii aan ka qabay dagaalkii caanka ahaa ee Muqdisho ku dhex maray
ciidammadii Maraykanka iyo taageerayaashii Caydiid. Waxaan ku sugnayn hoyga
mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar oon
xilligaas labadanaduba wax ka baranaynay. Waxaan anigu qabay in
awood-sheegadka uu Maraykanku ku hayo Soomaalida ay tahay arrin mudan in
laga dhiidhiyo, isaguna wuxuu qabay aragti kale oo middaas ka duwan, mana
aanuu rumaysnayn in Maraykanku wax khalad ah sameeyay.
Hadal iyo dhammaantii dadka Soomaliyeed ee tabaaladu ka soo gaadhay
xadgudubyada Itoobiya samaynayso waxay mudan yihiin in loo gargaaro oo la
garab istaago ee ma mudna in, taageero iska daayee, xitaa lagala bakhaylo
ducada ama doodba laga keeno ducada loo ducaynayo, waxa kaliya ee aan
middaas ku tilmaami karaana waa Marin-Habowga bulshada Soomaaliyeed
caadaysatay ee hadda gaadhsiiyay heer jiritaankeeda muran la galiyo.
Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5,
2007
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|