
PEACE & CO-EXISTENCE
Contact:
Tell: +254-725375783
+254-727614510
E-mail:
xoriyohrc110@yahoo.com
Date: 03/02/2007
BAAQ KASOO BAXAY XARUNTA XORIYO EE NABADDA IYO WADA-JIRIDDA
- iyadoo la tix-gelinayo ahmiyadda ay leedahay nabadda
sokeeye ee bulshada iyo tabagelinteeda,haddaba si :
- loo daboolo ama loo
buuxiyo maqnaanta nabadda,maamulka iyo sharciga,isla mar
ahaantaa la tayeeyo awoodda waxqabad ee dadka ku hawlan
hawshaas.
- looga gudbo marxaladda dagaal oogayaasha taasoo ku caan
baxday ku tumashada xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka
aasaasiga ah ee muwaadinka sababtayna dib u dhac dhinac
kasta leh
- loo daboolo baahida baniaadamnimo ee muwaadinka sida la
tacaalidda gaajada ,cudurada,jahliga iwm.isla mar ahaantaa
loo soo celiyo loona hormariyo adeegyadii bulshada ee lagama
maarmaanka ahaa sida caafimaadka waxbarashada,jidadka iwm
- loogu tallaabsado hormar ballaaran oo taabanaya dhinacyada
beeraha,kalluumaysiga,xoolaha loona helo aqoon sare oo ku
qotonta cilmi baaris,loogana hortago xaalufinta deegaanka
iyo baddaba
- wax looga qabto xaaladda dhaqan habawga ah ee soo wajahday
da’yarta soomaaliyeed,iyadoo in badan oo kamid ah ay seegtay
waxbarasho,kuwa kalana ay shaqo la’ yihiin.
- looga hortago musuqmaasuq,eex,qabyaalad iwm taasoo
ragaadisay maamuladii hore sababayna xaaladda hadda la
marayo looguna badalo daacadnimo hawlkar iyo hufnaan.
- loo soo celiyo midnimadii iyo wadajirkii ummadda,meeshana
looga saaro soo noqoshada khaladaadkii sababay kala go’a
- dhidibada loogu taago nidaam dimuqraadi ah oo tusaal
fiican noqon kara,isla marahaantaa salka ku haya dhaqanka
suuban ee bulshada.
- loo yagleelo nabad iyo xasilooni waarta oo ka mashxaradda
geeska afrika taasoo ku qotonta istixgelin is ixtiraam iyo
iskaashi ummadeed iyo mid maamulba.
- Loo soo celiyo kaalinta soomaaliya ku lahayd gobolka iyo
caalamka.
- looga hortago xaalufinta deegaanka iyo baddaba.
iyadoo laga amba qaadayo xaqaa’iqa kor ku xusan waxay
Xaruntu soo jeedinaysaa in:
- la taaba geliyo nabadda
iyo isdhexgalka deegaanada kala geddisan taasoo ay ka qayb
qaadanayaan hoggaanka dhaqanka,ururada bulshada,
aqoonyahanka, dhalinyarada ,haweenka, siyaasiyiinta, taasoo
ay dhiiri gelinayaan maamulada deegaanadu.
- dhidibada loo taago hay’adaha dhaqan-gelinta sharciga sida
booliiska,maxkamadaha iyo xabsiyada, iyadoo la tixgelinayo
kaalinta sarrayneed ee sharcigu leeyahay
- la dardargeliyo hawlaha maamul u samaynta degaanada aan
hore u lahayn, ,hawlahan oo ay tahay inay iska kaashadaan
DFKMG,ururada bulshada oo ay tahay inay door muuqda ka
qaataan si loo helo qorshe dhamaystiran oo ku aadan maamul
wadaag ,iyo maamul wanaag .
- in dadaal weyn loo galo sidii maamulka soomaliland loogu
qancin lahaa dib ugu soo noqoshada xayndaabkii midnimada
taasoo loo marayo wadahadal,wadatashi iyo damaanado
caddaladeed.
- in la sameeyo haya’do la dagaalama eexda iyo musuqmaasuqa
kuwaasoo qabanqaabiya siminaaro ku saabsan dhibataada ka
iman karta taasoo ay wehliso abaalmarino iyo ciqaabo ku
wajahan caddaladda iyo eexda sida ay ukal horeeyaan.
- in la abaabulo doodo siminaaro iyo aqoon isweydaarsiyo ku
wajahan ahmiyadda dimuqraadiyad ka hana qaadda dalka taasoo
dhawraysa ,kaalinta muhimka ah ee xoriyadda hadalka ,xoriyadda
fikirka ,iyo dhaleeceynta turxaan bixinta ah.
- in la sameeyo kulamo ,doodo iyo aqoon isweydaarsiyo ku
wajahan timaadada geeska afrika iyadoo maanka lagu haynayo
aayaha ay wadaagaan ummadaha geyigu
- in isbedel wax ku ool ah lagu sameeyo manhajka waxbarasho
ee dalka si loogu saleeyo qiyamka dhaxalgalka ah ee bulshada
iyo danta guud ee ummadda, isla mar ahaantaa la dhiiri
geliyo macaahida xirfadaha si loo tayeeyo shaqada iyo
shaqaalah loona xadido heerka shaqo la’aaneed.
- in la abaabulo hawlo iskaa wax uqabso oo dadweynuhu
waqtigooda iyo hantidoodaba ku taageerayaan soo celinta
adeegyadii kala duwanaa iyo waliba in la sameeyo yaboohyo
caalami ah oo lagu taageerayo hawlahaas.
Maxamed Maxamuud
Guddoomiyaha Xarunta
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
4, 2007
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|