SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GARGAAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Gabar Soomaaliyeed oo Muddo Dheer La ildaran Wadne Xanuun oo Gargaar Codsaneysa :

Karaama Bishaar Xaaji Muunye waa Hooyo soomaaliyeed oo 27-jir ah dhashey 2caruur ah , waxay muddo 11 sano ah la xanuunsaneyd wadne xanuun ,sababey inay howlgab noqoto ,sida ay noo sheegtey haweeneydan ayaa ninkeedii dhaley labada Ciyaalka ah uu u furey xanuunka haya darteeda .

Gabadhan ayaa noo sheegtey inuu xanuunkan uu asiibey 1996 kii tan iyo markaasna ay dabajoogtey dhakhtar iyo daawooyin ,waxayna dhakhaatiirta ay u tagtey ka xustey Dr Dufle, Dr Fuje iyo Dr Cusmaan Aadan Cadde, waxayna sheegtey inuu xanuunkan uu u qabto laba weji oo kala ah :

Mar ay neeftu aad u garaacmeyso oo uu naqas ku xirmo iyo mar wadnuhu shaqada yareeyo dabadeedna ay neef qabatinto,waxaana labada jeerba la kulantaa Barar wadnaha oo aad looga Garanaayo dhinaca uu wadnuhu ku yaallo .



Mar ay ka hadlleysey waxa ay dhaqaatiirta mudada dheer ku xirneyd u sheegeen ama ay kula taliyeen ayay ku sheegtey inuu dhakhtarkeeda khaaska uu ahaa Dr Cusmaan Aadan Cadde uu u sheegey in xanuunka haya uu yahay mid Culus qalliin mooyee aan si kale wax looga qaban Karin ,wuxuuna kula taliyey inay isku soo daaweyso Dubaay .

Sidoo kale Dr Cusmaan ayaa kula taliyey ,inaysan dhakhtar dambe oo soomaaliya Jooga aysan isku halleynin ,isagoo sabab uga dhigey inaan wax laga qaban Karin,sidoo kale dhakhtarkan ayaa ah kan keliya ee ugu sarreeya xanuunnada Wadnaha waana taas sabata uu u sidaas ugu sheegaayo mar haddii asagu wax ka qaban waayey(oo aysan dalka oolay aalad wax looga qaban karo) ,meel aan dibadda ahayn inaan lagu daaweyn karin (waqtigan la joogo).

Karaama ayaa sheegtey in muddo 11 sano ah ay howlgab tahay hurdadeedana ay tahay barkin ay ku tiirsato sidaasna ku seexato inta aan naqaska lagu xirin,waxayna sheegtey inay hal galaas oo biyo ah aysan Darsan Karin. Mar ay ka warrameysey inay gargaar ka heshey wax haya’ad ama dad kale ,ayay sheegtey inaysan haba yaraatee wax gargaar aysan helin.

Sidoo kale Dhakhtarka ayaa sheegey in muddo 2 sano gudaheeda haddii aan laga gaarin ay nolosheedu halis ku jirto.

Ugu dambeyntii waxay Karaama Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta meel kasta ha joogaane ka Codsaneysaa in laga kaalmeeyo sidii ay iskaga qali lahayd wadnahaas ay ka xanuunsaneyso ,sidoo kale waxay muslimiinta caalamka ka codsaneysaa in Nolosheeda la badbaadiyo .

Hooyadan dhibaateysan ayaa waxay haysaa boorsooyin dhan oo ah waraaqaha uu dhaqtarkeedu ku qaabili jirey ,hase yeeshee markii u dambeysey inaysan mar dambe u soo noqon ku amrey mar haddii aan qallin lagu sameyn Karin .

  • Sawirka hoose eeg: Waa waraaqaha dawooyinka ama daawada

waxaa shacabka soomaaliya laga codsanayaa in Gabdhaas dhiban la kaalmeeyo ,qofkii kaalmo ka geysan kara badbaadadeeda ha kala Xiriiro telefoonkeeda oo ah:

0025215556513.
Shabakadda warbaahinta DMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
bokoola@hotamil.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2007


Sawirkani waa dukumiinti muujinaya waraaqaha dawooyinka

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH