Shir looga hadlaayey
Tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo lagu qabtey Xarunta PDRC
ee Garoowe.
Ismaaciil Xaaji
Somali Youth Action Group
Garowe Puntland
Xaflad
si weyn loo soo agaasimey ayaa maanta ka dhacdey Xarunta
Hormarinta iyo Cilmibaarista Puntland (PDRC), shirkaan ayaa
waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin aad u faro badan waxaana
kamid ahaa Wasiirka Waxbarashadda ee Puntland Mudane Axmed
Siciid Aw Nur, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Mudane
Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga
caalamiga ah, Mudane Cabdi Salad Cali, Wasiirka Hormarinta
Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Caasho Geele Diiriye,
Wasiir ku xigeenka Qorsheynta Gamuute, Agaasimaha Guud ee
Madaxtooyada Caydaruus Cismaan Yusuf, Barasaab ku xigeenka
Gobolka Nugaal Cabdi Naasr Xaaji, Gudoomiyaha PDRC Shuuke
sidoo kale waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotey
hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, iyo dadweyne
aad u faro badan.
Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey NGO ka hawlgala
Gobolka Nugaal lana yiraahdo SAACOM, iyada oo uu fududeeyay
qabsoomida shirkaan hay’adda Action AID fadhigeeda Garoowe.
Hadaba shirkaan ayaa waxaa furey Gudoomiyaha ururka SAACOM
Caasha Cabdi Xuseen waxa ayna halkaas ka jeedisey khudbad ay
kaga hadleysey muhimadda shirkan iyada oo muujisey doorka
haweenku ay ku leeyihiin bulshadda iyo sida ay muhim u tahay
in doorkaas la ogaado lana dhawro xuquuqda hooyada lagana
ilaaliyo noockasta oo tacadi iyo gaboodfal ah.
Sidoo kale waxaa madashii shirka ka hadley Gudoomiye
kuxigeenka Gobolka Cabdinaasir Xaaji , Gudoomiyaha ayaa
sheegay sida ay uga xunyihiin noocyada tacadiga ah ee loo
geysto hablaha Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jira kufsi, dil,
iyo weliba in dhaawac loo geysto qaybaha jirkooda, iyada oo
loo isticmaalayo Gudniinka bahalimada ah ee Fircooniga ah,
waxana uu canbaareyn u soo jeediyey dhamaan tacadiyada loo
geysto haweenka, Gudoomiye ku xigeenku waxa uu amaan u soo
jeediyey Ururka SAACOM ee soo qaban qaabiyey Shirkaaaan.
Intaas kadib waxaa mikrofoonka lagu soo dhaweeyay Mudane
Axmed Siciid Aw Nur oo ka wakiil ahaa Madaxweyne ku xigeenka
Puntland oo goobta uga maqnaadey hawl darteed, wasiirka ayaa
sheegay in uu Salaam ka wado Madaxweyne ku xigeenka Puntland
ahna siihayaha xilka Madaxweyne Mudane Xassan Daahir
Maxamuud, Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la
midoobo rag iyo haweenba oo ah lamaane aan kala maarmin isla
markaasna meel looga soo wada jeesto dhaqamada xun xun sida
Bahdilka, Gudniinka Foosha xun ee Fircooniga, iyo ku
tumashada xuquuqda haweenka ee gaar ahaaneed.
Waxaa madasha shirka khudbad kooban ka soo jeedisey Marwo
Caasho Geele Diiriye, wasiirka Hormarinta Haweenka iyo
Arimaha Qoyska, wasiirka ayaa sheegay in dhibta loo geysto
haweenka aysan geeysan raga oo keliya balse ay qayb lixaad
leh ku leeyihiin haweenku oo ay iyagu dhexdooda is dulmiyaan
waxayna tusaale u soo qaadatey, in Waxbarashada gabadha iyo
wiilka ay hooyadu wiilka hormariso halka gabadha ay u dirto
dheriga iyo dabka, sidoo kale ayey sheegtey wasiirku in
aysan ahayn kuwa u guda hablaha gudniinka bahalnimada ah ee
Fricooniga rag balse ay yihiin Dumar loona baahan yahay in
arintaas laga dheeraado gabdhahana aan xuquuqdooda lagu
tuman.
Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa isaguna ka hadley shirkii
maanta ee loo dhamaa Mudane Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu
taageero buuxda siiyey ololaha looga hortagaayo tacadiga loo
geysto haweenka, waxana uu sheegay in aan loo kala harin
ilaa laga cidhibtidhaayo dhaqamadda xun xun ee lagula kaco
haweenka, wasiirka ayaa sheegay in denbiyada kufsigu uu ka
dhaco Magaalooyinka aduunka ee hormarey waxa la is
dheeryahayna ay tahay in sharciga lala tiigsado qofkii ku
kacay waxaas inaguna maanta waa muhim in wixii waxaas ku
kaca cadaaladda la horkeeno ayuu yidhi wasiirku.
Isla madashii shirka looga hadlaayey tacadiyada ka dhanka ah
haweenka ee uu ugu horeeyo Guduniinka bahalnimadda ah ee
fircooniga waxaa ka hadley mas’uul ka socdey hay’adda iyadu
sahashey shirkaan ee Action Aid, waxana uu ku dheeraadey
muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xuquuqda qofkastaa lee
yahay.
Ugu danbeyntii Waxaa lagu soo bandhigey Xafladdii Maanta
riwaayad ka hadleysey tacadiyada lagula kaco hablaha
Soomaaliyeed Ruwaayadan ayaa muteysatey in loo tumo sacab
aad u faro badan, waxaana dhamaan dadweynihii ka soo
qaybgalay xafladdan ay isku raaceen in meel looga soo wada
jeesto Tacadiyada loo geysto haweenka laguna kaalmeeyo
URURKA SAACOM shaqada uu u istaagey.
Sawirada:::








Waxaa soo tebiyey
Ismaaciil Xaaji
Somali Youth Action Group
Garowe Puntland
somali_youth_action@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
4, 2007
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|