SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Ma Hadho (Gabay: Xaaji aadan af qalooc)
waxaa i diin soo xulay maxamad bashiir jaamac

scw: salaan ka dib inta aanan gelin  u jeedada maqaalkayga waxaan naxariistii alle u baryayaa abwaan xaaji aadan afqaloc gabyaagii weynaa ee soomaaliyeed ilaahay albaabada fardowsa ha u furo isaga iyo waalidiintiisiiba,ma garanaayo duco taa ka fiican oo uu iga mudanyahay oo aan uga baryi lahaa alle aamiin.

gabayga soo socda ee mahadho waa gabay ka jawaabaaya su,aal kasta oo aad uga baahatid in aad ka ogaatid itoobiya iyo waxa ay tahay ,waa gabay aad afka kaga dharbaaxi kartid kuwa doonaya in ay inaga dhaadhiciyaan in amxaaro maanta tahay saaxiibada soomaalida ayna raadinayso wanaag soomaaliyeed.

gabaygan ayaa kaaga filan ahna maxakamdii u gar qaadaysay soomalida amxaarada wadata iyo kuwa diidan ,alle ayaan uga baryayaa in ay ku cibra qaataan inta aan si fiican amxaaro u aqoon. cali geedi iyo cabdulaahi yuusuf iyo xuseen caydiid ma akhriyayaan mar hadayba dareemaan in amxaaro wax laga sheegaayo,balse kuwa ag jooga ayaa kolba u geyn dona gabaygan oo aan filaayo in in badani aanay maanta ka hor maqal. xaaji aadan af qallooc  alle ha u naxariistee wuxuu yidhi:

Ma Hadho

Qarnigii siddeed iyo tobnaad sanac xumaantiisa
Siddeetan iyo dhawr sano waqtiga saaka laga joogo
OO uu saancaddii qarab arliga sabab la'aan boobay
OO idinka idin siiyay qaar aradka Soomaali
Sodcaalka uu Jermaaniya kutegey saaxirkii Menelik
Afriiqiya sidii loo dhacaad sabab ahaydeenee
Midow oo dhan waxaad siisateen soriya maalin ehee
Sirtaa naga gasheen baa aheyd sun iyo waabay eh
Sina uma qaddarin midabka iyo  soohdinti iyo jaar eh

Gumeystaha dadkaan ula sinneeyn soo degoo yimid ee
Wax saayid ah addoonsiga madoow kugu sameeyaa ee
Xaqqana lagama seexdo oo nin lihi waa sid tiriyaa ee
Goortay u soo martaa buu wuxuu sugaayay doontaa

Samir iyo Allow maleh sidaad  noola dhaqanteen ee
Waa mahadho saanqaadka kora lala sugayaa ee
Dhiig saafi ah lagu qoray iyo saan biciid adagee
Duq kastaaba sabiguu dhaluu  saa ogow  yidhi ee
Gartayadu xuduud kuma sinna iyo soohdin iyo jaar eh
Waa saamigaad qaadateen samankii Baarliin

Sakarashada iyo quudha iyo dilkuba saamaxaad malahee
Isticmaarku waa kala sifee kiinu waa suruq e
Sahyuuniga iyo Suud Afrikiiyo iyo saaqidkii Ismiid ah
Saddaxdoo israacbaan faleen waxaad sameyseen ee
Seeddi iyo abti iyo waalidiyo sowjad iyo hooyo
kala soocde qoys keli ah oo seeda wada yaala
suldaan amar leh shiekh saahid ah iyo seen caddaa odey ah
soddonku nin u buuxo iyo haween sida carruurtooda
Sidqa habar ah inan seeratey iyo kuwii sagaal jooga
ayagoon saxarna dhimin Baad  dhammaan sibiq u leyseen
sarraf yidhi Amxaar jamac dhan  oo wada sujuudaaya
saqiirka iyo umulahaad disheen malaha soo qaade

Kun baa subax disheen aamin ah oo seexdey oo kacay
Saddex boqol kabadan culimadii suuqa herar tiile
Iyaga oo salaad jamac galaad seef ku mariseene
Saqda laylka dhaxe waxaad gasheen soolkii Dhagax-buur eeh
Samada iyo dhulkaba ciidankii riday sawaariiqda
Kama seydhin ruux keliyah oo joogay subaxaasi

Sujaacdii Awaare afdam oo sida xun loo laayay
Saxariiradii naagahaan  weli sasayaa
Saqiir iyo kabiir reer Ashaco oo nabad kusoo hoyday
Sardhaday galeen baad qumbulad sun ah kutuurteen eeh
Surimada Jigjiga leegadii sida xun loo laayay
Surkaad wada jarteen wiilashii timaha soohnaa ye
Saqajaanka beesha iyo guryaha socod xumaaddiina
Nin sidaa ku dhaqanteen ogaa  waa siqsiqiyaa ee
Suldad Xabashiyeed nimay heshaa waa sac kuu taliyee
San kuneefle aad is shaabahdaan baan dunida saarneeynee
Saxi maayo  axad sheeg is yidhi sidaad sameyseen
 
    waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqalooc(alle ha u naxariisto).
    waxaa i diin soo xulay maxamad bashiir jaamac
xusuus:amxaaro iyo soomaali arintoodu sida abwaanku cadeeyey waa ka weyntahay xuduud iyo dhul iyo derisnimo maanta laga wada hadlo ,waa arin culus oo jiilba laga rabo inuu jiilka kale u sii gudbiyo,waa qadiyad aan la hilmaami karin kuwa doonaya inay na hilmaasiiyaan taariikhdaasna waa ku fashilmayaan maadaama aanu haysano taariikhdii oo nooga tagtay dhaxal iyo qoraal cad aanuna u gudbin doono jiil kasta oo soo kaca.
  wabilaahi towfiiq

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH