SHARCIGA XAALADDA DEGDEGGA!!
MA MAARSHAAL LAW BAA??.
Dr. Abdi Dhaan-Wade. Sweden.
dhaan_wade@hotmail.com
Waxaa fasiraado kala duwan laga bixay Sharciga xaaladda
degdegga ee uu Barlamaanka Somalia ku ansixiyay magaalada
Baydhabo toddobaadkii hore. Waxaa ugu qaylo dheeraa
fasiraahaas kuwa ka soo baxayay xoogagaa Qaran-diidka ah ee
gacanta ku haya idaacadaha loo yaqaanno BUQBUQOOYINKA iyo
maamulayaashooda dadku ugu yeeraan FADHI_KU-DIRIRKA.
Idaacadaha noocaas ah waxaa ugu caansan laanta Af-somaliga
ee British Broadcasting Corporation iyo maaamulaheeda.
Si ay dadka u jiha-wareeriyaan Waxay waraysiyo ka qaadaan
dad aan xog-ogaal ahayn iyo kuwo suuq-joog ah oo ay ku
sheegaan aqoon-yahan iyo gar-yaqaan
Haddaba si ay dadku u helaan xaqqiqda iyo nuxurka dhabta ah
ee shargaan ayaan halkaan idiin ku soo bandhigayaa noocyada
sharxciyada degdegga iyo xaaladaha loo isticmaalo aniga oo
ku iftiiminaya tusaalooyin camali ah. Waxaa kale oon idin
soo hor-dhigaa qoddobada uu ka koobabyahay shargaan ka soo
baxay Barlamaanka Qaranka ee Baydhabo. Waana tan:
Qawaaniinto waa noocyo fara badan. Qaar waa kuwo xagga
Alle-wayne ka soo degay oo Nabiyada loo soo dhiibay SCS.
qaarna waa kuwo Aadamuhu dejay. Labada noocba waxay
nidaamiyaan nolosha Aadamaha.
Qawaaninta maanta Caalamku ku dhaqmo badankeedo waxay ka soo
jeedaan qawaanintii kacaankii Faransiiska ee qarnigii 18aad.
Culimadii qaanuunka ee kacaankii faransiisku waxay ka soo
xigteen shareecada Islaamka aqlabiyadda qawaaniintii ay
dejiyeen.
NOOCYADA QAANNUNKA :
Qawaaniintu inkasta oo ay guud ahaan wadaagaan Nidaaminta
noolasha Aadamaha, haddana waa qaybo badan, oo qayb-kasta
waxay nidaamisaa dhinac ka mid ah noolasha Insaanka. Sidaas
ayaad u maqlaysaa magacyada kala jaadhk ah ee qawaaniinta
sida : Qaanuunka ciqaabta, qaanuunka madaniga, qaanuunka
badda, qaanuunka ganacsiga, qanuunka caalamiga ah …iwm.
QAANUUNKA DASTUURIGA:
Qawaaniinto waxay u qaybsamaan guud ahaan laba nooc oo
waawayn. Kan hore waxaa yiraaha Qaanuunka Caamka ah. Wuxuu
nidaamiyaa arimaha ay dawladdu daraf ka tahay iyada oo
wakiil ka ah Mujtamaca.
Kan labaadna waxaa lagu magacaabaa qaanuunka Khaaska ah.
Wuxuuna nidaamiyaa arimaha u dhaxeeyaa afraadda mujtamaca.
Labada qayboodba way sii kala baxaan.
Qaauunka Dastuuriga oo ka mid ah kuwa caamka ah waa kan
khuseeya arinta mawdduuca aan ka hadlaynno ee Xaladda
degdegga ah . Qaanuunka dastuurigu wuxuu la xiriiraa
hab-qaybinta AWOODDA Dawladda. Wuxuu qeexaa nooca Nidaamka
dalka ,. Ma boqortooyaa mase waa Jamhuuriyadda? Ma
barlamaani baa mase Ri’aasi (presidential )? Waxaa kale uu
qeexaa qaanuunkaani xiriirka saddexda qaybood ee awoodda Dal
ee Sharci-dejinta, Fulinta iyo gar-soorka.
Qaanuunka dastooriga wuxuu caddeeyaa xuriyadaha asaasiga ah
ee muwaaddinku leeyahay iyo xquuqdiisa lama taabtaanka ah.
WAA MAXAY XAALADDA DEGDEGA?
Waxaa looga jeedaa xaaladaha degdega in ay soo foodsaaraan
dal duruufo ADAGG oo u baahan in qaanuunkii dastuurka dalka
wax laga bedelo si looga gudbo duruufahaas adagg.
Waxyaalaha laga beddalayo dastuurka ama qodabada la LAALYO
ayaa lagu qeexa shaci ay soo saaraan hay’adda xaqa u leh
dejinta sharciga ( Barlamaan )
Haddaba waxaad halkaas ka garan kartaa :
1- Sharciga Xaaladda degdgaa ma laha qaab midaysan oo
dalalka oo dhan si isku mid ah ugu dabaqmaya. Balse dal
kasta waxuu samaysanayaa Sharcigiisa degdega ah isaga oo ku
salayna duruufaha iyo dhibaatooyinka soo waajahay iyo tabaha
ama xeeladaha uu u arko in uu kaga gudbi-karo. Sharcigaan
gaarka ah waxaa lagu xaddidaa makaanka iyo samaanka la
dabbaqayo xaaladdan gaarka ah.
2- Xaaldda degdegga waxay saamaysa oo qur ah arimaha ku cadd
qodobada sharcigeeda. Ma aha sida uu ku addacoonayaan
qaarkood in Barlamaankii, Xukuumaddii, Maxkamadihii iyo
qawaaniintii dalka la wada baabi’iaya
3- Qaanuunka degdega Waxaa loo adeegsada sida qaalibka ah
marka ay dal la soo gudboonaadaan duruufo amni daro,
dagaallo ama musiibooyin dabiici ah sida dhul-gariirka,
abaaraha, duufaannada iyo daadadka. Wuxuuna siiyaa AWOOD
dheeraad ah hay’adaha qaabilsan wax ka qabashada
dhibaatooyinkaas.
4- Sharcigan gaarka ah sida inta badan lagu magacaabo waxuu
saamayn karaa waddanka oo dhan. Waxaana dhici karta in lagu
xaddido Gobol ama goboloo ka mid ah dalka.
Waxaad marar badan la socotaan in USA marka ay dhacaan
musiibooyin dabiici ah sidaa dhul-gariir ama duufaan in uu
Madax-waynuhu ku dhawaaqo xaalaadd degdegg ah meelahaas
mashaqado ka dhacday.
5- MARTIAL-LAW:
Waxaa la maqlaa waddan lagu soo rogay martial law oo
macnihiiso yahay XUKUN-MILILITARI ama askareed. Waxaana
looga jeeda in awooddii dalkaas ay si buuxda gacant ugu
dhigayn kooxo askar ah ama ciidan ah.
Tani waxay dhacdaa marar dhif ah oo lagu tilmaami karo
meesha lagu soo rogo meel balaayo ku habatay. Xaaladahaas
tirada yar ee Martialka waxaa kamid ah kuwaan :
A- INQILAAB ama AF-GANBI militeri : Markaas oo awoodda
cusubb ee dalka qabsatay ( Askar) waxay baabi’yaan dhamaan
tiirarkii uu ku taagnaa nidaamkii hore ee dalku.
Tusaale ahaan waxay baabi’yaan sharciyada dalka oo uu ugu
horeeyo DASTUURKU. Waxaa kale oo ay kala diraan hay’adihii
Dastuuriga ee dalku lahaa sida Barlamaanka, Xukuumadda,
Garsoorka, Axsaabta siyaasadda, Ururada-bulshada …iwm.
Waxayna ku xukumaan dalka amaro ay soo saaraan oo ay
huwiyaan xoog-sharci
Waxaa kale oo uu Martial lawgu saameeyaa xuquuqda
muwaaddinka iyo xorriyadihiisa asaasiga ah sida xoriyadda
hadalka, qoraalka, qabashada kulamada, isu-socodka ( bando)
, hantida gaarka ah oo la-la-wareego karro iyo qofka oo la
xiro maxkamadd la’aan..
Awoodda cusubbi markaas ka kaddibb ayay la soo baxaan
qawaaniinta iyo hay’adaha ay rabaan in ay ku maamulaan dalka.
Af-ganbiyaasha-ciidan waxay ka soo billaabmeen
Laatiin-Amerika qarnigii tagay billawgiisii. Waxayna ku
baaheen Asia iyo Afrika intii u dhaxaysay 1960-1990. Intii
ka danbaysay waqtigaas si aad ah u yaraadeen markii bulshada
caalamka canbaaraysay cuna-qabataynna ku soo ragtay,
Xaladdan Martial- lawga ah Somalia waxay soo martay markii
ciidamada qalabka sidaa oo uu hoggaaminayay M.S. Barre la
wareegeen xukunka dalka 21 Oktobar 1969kii.
B- DAL LA QABSADAY: haddii waddan xoog ku qabsadu waddan
kale Waxauu ku soo rogaa xukun militari ama martial law.
Taasina wax badan ayay soo martay dunido. Sidi markii
Jarmalku uu qabsaday dalal badan oo Europ ah bilawgii
dagaal-waynihii 2 aad ee dunida sida Poland, Austria, jeegga,,
Holan, Danmark.iyo France oo uu dhamaantood ku soo rogay
xukun askareed.
C- QALAANQAL:
Waddan hadday soo waajahaan rabshadu iyo degganaansho-
la’aan Guud. Oo uu farha ka baxo sharciga iyo kala-danbaynto
waxaa lagu soo ragaa qaanuunka martialka si looga daaweeyo
dhibaatada la soo darista dalkaas oo loo soo celiyo
dagganaanshi , kala-danbayntii, sharcigii iyo amnigii lumay.
SHARCI-GAAR AH!1
Waxaa la is-waydiin kara xagee buu gelayaa sharciga degdega
ah ee uu Barlamaanka Somalia meel-mariyay toddobaadkii hore?
Ma martial law baa mase qaanuun gaar ah?
Jawaabto waa ma aha Martial-law. Balse waa sharci GAAR ah oo
CAADI ah. Waxaan uga jeedaa gaarnimada sharcigan in uu
Dawladda siinayo Awood ka ballaaran tii Cahdi-qarameedku uu
u siiyay sugidaa amniga dalka.
Caadinimadana waxaan u la jeedaa qaabka iyo nidaamka (
procedure) loo maray soo-saariddiisa oo la mid ah tan ay
maraan sharciyada kale ee caadiga ah eeuu soo saaro
goluha-shacabku qaranka . Waa sharci-barlamaani ah oo looga
jeedo xoojinta amaanka dalka
NUXURKA SHARCIGGAAN.
Haddaan wax yar oo tilmaan ah ka bixinno qaanuunkaan waxaa
innoo muuqanaya tilmaamaha soo socda:
1- Waa sharci kooban oo ku tacalluqa qodobo kooban oo loogu
xoojinayo ammaanka iyo nabad-gelyada guud ee dadlka.Waxaan
qofna ka daahnayn in dalka oo muddu 16 sano ah ku jiray
xaaladd fawdda ah oo shaci, kala-danbayn, nabadd iyo amniba
la illaaway. Taas oo ka dhigaysa laga-ma-maarmaan in fiiro
gaar ah la siiyo arimahaas.
2- Sharcigani wuxuu khuseeyaa saddex arimood oo la xiriirta
amniga wuxuuna ka koobanyahay saddex qoddobb oo ku wajahan
xoojinta iyo sugidda amniga. Kuwaas oo ay ugu muhimsanyihiin:
A- Mamnuucidda haysashada hubka gaadiidka saran ee loo
yaqaan taknikada iyo kaydsashada waxyaalaha qarxa.
Waxaana la baari kara meelaha lagu tuhmo alaabadaasi waxaana
la qaban karaa dadka lagu maleeyo in ay ku lug-leeyihiin.
B- Manuucidda ururada qarsoodiga ah ee amniga lagu wax-yeellaynayo
ama u dhaqma hab argagixiso ama xiriir la yeesha ururo
argagixiso oo ka jira gudaha dalka ama dibaddiisa.
C- Waxaa la mamcuucaay bannaan-baxyo aan rukhso loo qaadan
iyo shirarka looga soo horjeedo dawladda.
3- Saddexdaas qodobb ee uu ka koobayahay shaciga xoojinta
amnigu waxuu soconayaa muddo 3 bilood ah. Haddii loo baahdo
muddadaas dhamaadkeeda in la sii-wado shacigaan waxaa
kurdhin kara oo kaliya Barlmaanka Qaranka.
4- Sharcigaan ISTICMAALKIISA waxay gaar u tahay oo kaliya
Madax-waynaha Jumhuuriyadda.
Waxaad halkaas ka garananayaa in aysan jirin Martial- law
iyo xaaladd degdeg ah oo lagu soo rogay dalka guud ahaan .
Barlamaankii iyo awooddiisii wax iska dhimay ma jiraan.
Xukuumaddii iyo garsoorkii lama taabannin. Axdi-qarameedka
iyo sharciyadii dalka waxba is-kama-beddelin.
Haddaan garab-dhigno Shaciyada amniga ee ka jira dhammaan
dadlalka Carabta iyo Dalalka Afrika badankooda- oo ah dadlal
aan dagaal ahli ah iyo fawddo soo marin-waxaaynno arkaynaa
in kan Somalidu yahay fardo kula carar.iyo caano iyo nabadd.
Tusaale waxaa innoogu filan Dalka Masar oo ah kan ugu
da’wayn caalamka weligna aysan ka dhicin Dagaal ahli ah
wuxuu ku jiraa xaalaad degdeg ah oo khaas ku ah adkaynta
amiga. Shacigaas Masar:
1- Waxaay socota muddo 30sano ah.
2- Waxaa la cusboonaysiiyaa 5tii sanoba hal mar ( Innagana
waa 3 bilood)
3- Arimaha la xiriira amniga waxaa qaada maxkamado gaar ah
oo la yiraaho MAXKAMATO AMNU_DAWLA. Waxaay la midd tahay
Maxkamadii Badbaada ee kacaankii S.Barre.
Dawladda F.Somalia sharcigaan ay soo-saartay ma abuurin
maxkamadd u gaar amniga, ee kuwa caadiga ayaa iska leh wixii
garsoor ah oo idil.
Sharigaan midd shabbaha ayaa Somalia laga soo-saaray 1964kii
waqtigii Xukuumaddii Md. Abdi-risaaq xaaji Xusseen.oo aan
isagu haddana marna ku isticmaalin. Waxaase sharcigaas
isticmaalay markii ugu horraysay 1968 Md. Maxamed Ibraahin
Cigaal oo madax ka noqday Xukuumaddii ku xigtay.
Waxaa si xadd-dhaaf ah ugu dhaqmay kacaankii M. S. Barre
intii uusan soo dejinin qawaantiisii yaabka lahayd 1970kii
ee lagu magacaabay BADBAADINTA KACAANKA ee ka koobnayd 26 ka
qaddub ee toogashada u badnayd.
GABOGABO:
Mar haddii la ogyahay in dalalka Afirika iyo Carabta ay
badabkoodu leeyihiin shuruuc u gaar ah Amniga iyo Nabadda
Waxaan is-waydiiin karna Somalia oo aysan Dawladd, Sharci
iyo nabaddba ka maqnayd muddadaas dheer, Shaciyo noocee ah
ayay u baahan tahay si loogu soo dabbaalo dagganaasho iyo
amni ??
Anugu waxaan qabaa in Somalia oo burbur iyo balaayo aan
Sheeko iyo shaahid lagu maqlin laguna arkin- ay ka dhacday,
in ay u baahan tahay sharciga ugu qallafsan uguna adagg si
loogu soo celiyo xaaladd caadi ah. Waxaa loo baahnaa
Sharciga MARTIAL-LAWGA in lagu soo rogo manta. Ama shaciyo
shabbaha kuwii badbaadada kacaanka oo kale ee M.S. Barre iyo
Maxkamadihii gaarka ahaa,
Haddayse Xumamaddii iyo Barlamaankii ay dusha ka saarayd
Mas’uulidda dalku-isla-garteen sharcigaan khafiiifka ah
haddii loo qiyaaso duruufta dalka Waxaa la gudboon Umadda
Somalida in ay isla garn-taagaan TAAGEERDOODA HIIL IYO HOOBA.
Oo aysan dhegg u jalaqsiinin tuhunka iyo tashwiishka
qaran-diidka.
Waa: Dr. Abdi Dhaan-Wade. Sweden.
dhaan_wade@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan...
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
4, 2007
Exploring a Comprehensive Stabilization, Reconstruction and
Counter-Terrorism Strategy for Somalia - February 6, 2007
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...
|