SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wacyi galin ku saabsan caruurta ku dhalatay dal aan dalkooda aheen

Marka horay waxaa mah iskaleh ILAAHA na,abuurtay, naxariis iyo nabadgalyona korkiisa alla ha kayeelo RASUULKEENA Maxamed (SCW)

Abdukadir Adam (abdilucky)
abdi.lucky3@gmail.com


Intaa kadib waxaan jeclaan lahaa in aan ka hadlo fikradayda ku aadan caruurta ku dhalatay ama ku barbaartay dalka sooomaaliya dibadiisa, ha,ahaato Afrika, Asia, Uerope, America amaba Austoralia.

Maxaayeelay walaalayaal waxaad lakulmaysaa waxaad layaabto oo aad iyo aad ukala duwan markaad kasoo tagto wadankaagii hooyo.

Ugu horeen waxaad arkaysaa caruur soomaaliyeed oo dhaqankoodii, diintoodii iyo luqadoodiiba balalay, taasoo aay keenayso ku dhalashada ama ku barbaarida wadanka ay joogaan.

Kasoo bilow markaad kasoo bado xudooda soomaaliya qaas ahaan dhulka aan aniga soo maray, waxaad lakulmaysaa dad badan oo soomaali ah oo ku nool waqooyiga bari ee kenya (N/E), dadkaasi oo ku hadlayo luqad aan luuqadooda aheen taasi oo ah luqada sawahiliga taasi oo keenayso in aay iska dhigaan dad kenyaan ah.

Waa la wada ogyahay caalamka oo dhan in aay dadka soomaaliyeed ay leyihin hal luuqad oo ah (AF SOOMAALI), hal diin oo ah (ISLAAM) iyo hal dhaqan.

Haddana marka aad la shekaysatid caruurtaas ku dhalatay ama ku barbaartay dal aan dalkoodii aheen ayaa waxay iska dhaadhicinayaan adigana kaa dhaadhicinayaan in ay aheen soomaali iyagoo kuu sooqaadanaya waxyaabaha iskuulka laga baray oo ah (citizen ship), haaaa taasi wayjirtaa citizan ship laakiin ma,ahan sida aay ufahmeen.

Kasoo qaad wadanka South Africa maalin aan fogeen ayaa waxaa lagu dilay nin meesha ku dhashay abihisana meesha ku dhashay waxaa dilay qolo borcad ah, markay dileen ninkaas ayaa waxaa layswaydiiyey yuu u dhashay?? bal eeg!!! dhibaatada meesha ka jirta waaa loojeedaa in uu ninka aheen South Afican maxaa yeelay soomaalido wayka duwantahay dadka ku nool Afrikada kale.

Tusaalo kale waxaa jirtay gabar ku dhalatay kuna barbaartay wadanka aan hadda jooga waxayna wax ku baratay halkaani waxayna qaadatay baasaboorka Uganda luqadaha looga hadlona way taqaanay, maalin maalamaha ka mid ah gabadhaasi waxaay fasax gaaban u aaday kenya oo ah dalka la dariska ah ugandha, soo laabadkeeda gabadhaasi waxaa lagu qabsaday xuduuda iyadoo lawaydiinayo baasaboorkaan halkee ka heshay su,aalo kadib yaan warka kugu badininee gabadhi waa laga qaatay baasaboorkii, iyadoo lasoo hordhigay Buug wayn oo aay ku qorayihiin qabiilada ugandha, markaasi ayaa lagu yiri ma ku aragtaa halkaan (somali clan), jawaabtu waa MAYA.

Walaalayaal yaan hadalka idinku daalininee horay ayaa waxaa looyiray " Nin walboow wadankaa wax kuu dhaamo maleh" sujuu ahoow ama ha ahaan saaxiib waxaad noqondoontaa nin dareema ama arka cadaabta ka jirto wadan aan wadankaaga aheen, micnaha sujuuna waxaa afrikada bari looga yaqaanaa in aan luqadiisa garaneen.

Abdukadir Adam (abdilucky)
abdi.lucky3@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 207

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH