SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BARAFKA

Minnesota oo Sabtidii/Axadii uu Ka Da'ay Baraf Xooggan...

  • 137 shilal gawaari oo ka dhacay Minnesota baraf ka da'ay hal maalin...

Wadada aad gaariga dhigatay in la xaaqayo waxaad ka ogaan kartaa linkiyadan:


SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Dec 2, 2007


File photos

Subaxnimadii Sabtidii iyo Axadii gelinka hore la soo dhaafay (Dec 1, 2, 2007) waxay Reen Minneapolis (Minnesota) ku soo waaberiisteen dhulka oo aad moodid in lagu daadiyey xoorta caanaha geela oo laga daadiyey haruub-geelka - Malaha waa sababta ay Soomaalidu u doorteen in ay degaan Minnesota si ay u xusuusnaadaan caanihii geela. Waa barafkii iyo qabowgii oo iskeenay. Waa xilligii dhirtu gebi ahaanba caleenta dhulka dhigi jirtey, una ekaan jirtey jirme abaar jooga.

Meelo ka mid ah Minnesota waxaa laga soo weriyey in bararka ku da'ay uu gaaray ilaa 7 inches.

Waaxda Minnesota u qaabilsan gaadiidka ee loo yaqaan MnDOT waxay sheegtay in barafkii Minnesota ka da'ey Axadii (Dec 2, 2007) in uu sababay ilaa 137 oo ah shilalka gawaarida, kuwaas oo dhacay intii u dhexaysay 9:00 am (barqanimo) ilaa 1:00 pm (duhurnimo), waxaana 88 shilalkaas ka mid ah ay ka dhaceen magaalooyinka mataanaha ee St. Paul iyo Minneapolis.

Xilliga uu da'do baraf xoog leh waxaa magaalooyinka lagu soo rogaa xaalad degdeg ah oo la xiriirta barafka (Snow emergency), taas oo ah in waddooyinka iyo meelaha gawaarida la dhigto in loo sameeyo jadwal barafka looga xaaqayo ka horta inta barafku uusan dhulka ku dhegin.

MnDOT waxay sheegtay in gobolka Minnesota ay ka hawl galaan ilaa 800 oo ah gawaarida barafka lagu xaaqo ee loo yaqaan "snowplows" oo ay ka shaqeeyaan ilaa 1,500 shaqaale ah.

Haddaba haddii aad gaariga dhigatid wadada dhinaceeda oo wadadaasi tahay tii la xaaqi lahaa markaas gaarigaaga waxaa laga qaadi doonaa bartaas (towing), waxaadna gaarigaaga soo kaxaysan kartaa marka aad bixisid lacag. Sidaas daraadeed waxaa haboon in aad sii ogaatid jidadka la xaaqi doono si aan gaaarigaaga lagaaga jiidan..

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri

Eeg linkiyadan oo aad ka ogaan kartid jadwalka wadooyinka xilliga barafka la xaaqayo, sidoo kale telefoonada halkaas ku qoran ayaad wixi kartaa:

Gobolka Minnesota waxa uu ka mid yahay meelaha ugu qabwoga badan dalka Maraykanka, bilaha ugu qabowna waa November (qaybteeda dambe), December, January iyo February.

Xilligaas waxaa dhib lagala kulmaa marista waddooyinka, sidoo kale waxaa halis noqonaya dariiqyada lagu lugeeyo, gaar ahaan marka uu barafku engego oo loo yaqaan "Black Ice" - barafka ayaa isku kaa madoobeynaya, waxaadna u malayneysaa meel aan wax baraf ah lahayn, marka aad lugta saartidna waxaad arkeysaa adigoo taraaraxaya, nasiib waxaad lahaan doontaa haddii aadan jabin, waa marka aad lugayneysid - waa meesha ay ka timid weydiinta marka la arko qof dhutinaya laweydiiyo "war heedhe ma baraf ayaad ku kuftay", haddiise aad gaari wadatid halistu intaas ka badan haddii gaarigu lugta la helo barafka noocaas loo yaqaan "Black Ice", waayo adigu markaas gaariga ma xukumi kareysid... Waxaa kale oo xusid mudan in bilahaas uu socdo barafku in aan la arkin qorrax, haddiiba ay soo baxdona aysan wax kulayl ah lahayn.... Badbaado Allah..

Waxaa marka Soomaalida reer Minnesota, iyo kuwa kale ee jooga dhulka barafka leh la gudboon in ay xilligan barafku da'ayo taxadar dheeri ah muujiyaan.


File photos

Dadka mudada dheer joogey dhulka baraf ah waxay ku taliyan: In gaariga loo diyaariyo barafka, si taas loo sameeyona waa in lagu shubo Oil cusub, biyaha nooca aan barafka ku fariisan (Anti-Freeze), waa in taayirada ay ku jiraan hawo qiyaasan, gaaskuna waa in uusan ka yaraan nus-taangi. Haddii aad safar geleysid ha ilaawin in aad qaadatid Buste, Toosh, Tarraq iyo Shumac, oo haddii ay dhacdo meel kharfe ah (cid la') in uu gaarigu kaa istaago in aad ugu yaraan haysatid dab aad gacmaha ku kululaysatid (kulaashid shumuca) iyo buste aad lugaha dhaxanta kaga celisid... walee Afrika loo darsey...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com