SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Baraarujin qaybtii 9aad ----- 28-12-2007

Dagaalku waa mid diineed

Itoobiya waxay Soomaaliya haysataa hal sano hadaan iswaydiino, sanadkaas ay haysatay Soomaaliya, maxay dhibaato gaarsiisayeen, qoraal kuma soo koobi karno, laakiin waxaa jira dad qora taariikhda haddii Rabbi idmo maalin baa la heli doonaa dad ka qora buugaag cadawga dhibaatada uu na gaarsiiyay.

Horay ayaan u qoray dhowr maqaalo, maanta waxaan kaliya oo aan idin xasuusinayaa in uu dagaal yahay mid diineed, arintaasna waa ogyihiin dadka leh caqliga saliimka ah. waxaan horay uga soo hadlay Dawladihii ka danbeeyay in ay dumiyaan Maxkamadihii Islaamiga ahaa, ulajeeda arintaas loo sameeyana waa islaam la diririd.

Waxaa jira buugaag looga hadlay ciwaanka aan soo sheegay , Hadaba waxaan jeclaystay in aan wax yar kasoo qaato sadex buug,waxaan rajaynayaa in ay noo noqoto waano taariikhi ah.

1- waxaa jira Buug la yiraahdo Innaga iyo xabashi oo ka hadlaya taariikda dahsoon ee soomaaliya iyo Xabashida, si gaar ah taariikhdii Iimaam Axmed Gureey, waxaa qoray Maxamed axmed Al-caamiri , waxyaabaha buuga ku qoran waxaa ka mid ah warqadii uu qoray Boqorkii xabashida Menelik 2aad 1883 dawladaha reer yurub ee kirishtaanka ah, ayuuna warqada u qoray wuxuu yiri isagoo sheegaya xuduuda dalka Xabashida waxay ka bilaabataa xuduudyada dhabta ahi badda cas ilaa badyaradada Sanburu(dhulka hadda keenya), wuxuu sheegtay in Xabashidu tahay jasiirad kirishtaana oo ku dhex taal badweyn gaala ah(gaalada wuxuu ka wadaa Muslimiinta)14 qani. Wuxuu sheegtay in uu niyada ku hayo in dhulkaas uu xoog kusoo qabsado, wuxuu sheegtay in uu aaminsan yahay rabbiga dawladaha kirishtaanka ah ku hanuuni doono iney u soo celiyaan xaduudyadii badda ama qayb ka mid ah.

Hadaba arintaas Xabashidu waa wax ay qabto ama diid ama yeel.
Waxaa kaloo xusid mudan in la sheego Axmed guray oo ragaas la dagaalamay 15 sano, intuusan dagaalka bilaabin wuxuu ka shaqeeyay in uu mideeyo Muslimiintii si gaar ah wuxuu qaylo dhaan u dirsaday Soomaaliya, qaylo dhaantaas oo ay ka jawaabeen qabiilo badan oo Soomaali ah.

Waxaa kaloo xusid mudan in uu talooyin uu soo gudbiyay tarjumaha buuga oo ah in aan midowno si gaar ah Culimada iyo odayaasha, oo ah in Alle laga baqo, xoogeenana aan midayno, oo aan gaalada meel uga soo jeedsano, khilaafka dhexdeenana aan hilmaano, Soomaali oo dhan hal doon ah bay saaran tahay,gaaladuna iyagoo dhan bay u socotaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Diinta asalladeeda ka midah in qof kastoo muslim ahi,muslimka kale weli u noqdo.oo u gargaaro,oo difaaco,oo dhibka gaara ka xanuunsado, guushiisana ku farxo, gaaladana necbaado, oo uunan gacan siinin,oo Muslimiinta uga hiilin.waxaan filayaa intaas nagu filan......

2-waxaa kaloo jira Buug uu qoray Jalaal Al-Caalam oo ka hadlaya in lagu tashaday in Islaamka la burburiyo, dadkiisana la baabi,iyo, isagoo ka hadlaya qorshaha naloo degey wuxuu soo qaatay tobon qodob, waana kan tobankii qodob ee fiiriya, waxaa la socday faahfaahin badan, marka qodob qodob adigu u faahfaahso ma jirtaa mise ma jirto,waana mid wali taagan!!!

1- Tirtirka iyo ka hortaga in Islaamka garsoor iyo xukun laga dhigto.
2-In qur,aanka la suuliyo.
3-Waa in la kharibaa Muslimiinta akhlaaqdooda, garaadkooda iyo xiriirka ay Alle la leeyihiin intaba, raaxo iyo tumasho oo kaliya la jeclaysiiyaa, riwaayado,aflaan,heeso anshaxa iyo asluubta wanaagsan lagula dagaalo lagu mashquuliyaa, dumarkooda la fasaadiyaa, laguna diraaoo la nacsiiyaa xishoodka iyo Xijaabka Islaamka amray, iyo khayrka uu la dooni, ragana ay dugsiyada iyo xafiisyada kula jiraan oo ay isku dhafanaadaan oo aan la kala soocin, si xumaha ugu dhex barbaaro.
4-Midnimada Muslimiinta waa in la baabi,iyo.
5-In Muslimiinta laga shaki geliyo Diintooda.
6-Carabta oo jileecada ku baaqi ahaata.
7-Dunida Muslimka waa in xagga siyaasadda laga dhex aasaasaa Diktatooriya.
8-Muslimiinta oo laga fogeeyo xooga Warshadaha, layskuna dayo inaysan waligood ka bixin ku dhaqanka alaabta reer Galbeedka.
9-Dadaalka joogtada ah oo ay u marayaan sidii Muslimiinta kartida leh looga fogayn lahaa in ay Dawladaha Muslimka ah madax ka noqdaan, yaysan hinqan oo kicine ayagoo Islaamka horumar ku sameynaya.
10-In haweenka la fasaadiyoayadoo dhilaysiga la dhaqan gelinayo,lana fududeenayo.
Sidoo kale isagoo ka hadlaya dagaaladii dhex maray Soomaaliya iyo Xabashida 1977,wuxuu sheegay in dagaalkaas shuuciyadda hub iyo ciidan ku taakulaysay xabashida reer galbeedkana gaar ahaan Marykanka,ingariiska,faransiiska iyo Jarmalkuna waxay xooga saareen in aan Soomaaliya hub la siin. ama aan laga iibin.

Sidoo kale waxa uu buugu ku qoray in hal maalin Masaajid lagu dilay 1000 qof, oo tukanayey Salaad, arintaasna waxay ka dhacday Magaalada Qabridahare, wuxuuna sheegay in falkaas dugaagnimada ah aysan ka hadlin hal Dawlad oo reer Galbeedka ka mid ahi..Taasina waxay daliil cad u tahay xumaanta ay noo qabaan, colaada ay noo hayaan bayna ku tusinaysaa..

Arimahaas iyo arimo ka badan baa jira, hada waxa Soomaaliya ka dhacaya waan u jeednaa waxaan kaliya oo nagu filan Gaal iyo Gaalo raacba wax ka hadlay ma jiraan.

Dhibaatada lagu hayo shacabkeena, Alle ayaa quraanku noogu sheegay oo wuxuu yiri:(waxay ka muuqataa caradu afkooda, waxay qarsan laabahooda yaana ka weyn) suurada aal-cimraan aayadda 118
Qolada Sheegata golaha amniga ama UN, mar walba kama hadlaan xasuuqa loo gaysanayo shacbiga Soomaaliyeed, horay waxaa uga hadlay rag badan oo suugaan ku cabiray in meeshaas ay tahay xero shaydaan...

Horaa abwaan soomaaliyeed u yiri: Ninna kama dhaxaysee jamciyad, Nacas qaruumaadka dheh..

3-Buuga sadexaad waxaa la yiraahdaa Tuugo sharciyaysan!!!!(Official bandit), waa buug ka hadlaya dhibaatadii loo gaystay qaxootigii galay Kenya 1991, waxaana buuga qoray Maxamed-deeq C/madar "Haldhaa" wuxuu ku sheegay in gabdho lagu dhibay xijaabka ay qateen, in kuwo lagu garaacay, sidoo kale in dad loogu galay Masaajidada, kuwana salaada markay soo aadan lagu sugo Albaabka masaajidka, sidoo kale in mar wiil u xabsi ku jiray lagu yiri aad kaniisadda maanta waa Axad.

Dhibaatada qaxootigaas loo gaystay waa badnayd, waxaase jiray warbixin ay soo saartay amnesty International bishii juulaay 1995 waxay ku sheegtay in boqolaal haween ah in la kufsaday intii u dhaxaysay 1992 ilaa 1993, kufsashadaasna waxaa sameeyay ciidamada kenya, waxaa Booliska ku qafilnaa in wax ay doonaan ka samayn karaan.

Waxaa suugaan ku soo koobay wixii ku dhacay Qaxootiga M/ud C.laahi ciise sangub, gabay qayb ka mid ah waa tan:-

Kadeed iyo dhib baa helay dadkii, kenya soo galay dheh.
Kuuja iyo leeta iyo keen, kaydkii raamsade dheh.
Jeebkaygu koley buu yahay, kaydiyaa lacag dheh.
korkayga xafiis laagu furay, kaambo laaluushaha dheh.
kastankoodu waa boob iyo kiis la daydayasho dheh.
Xasuus: Halkaan waxaan xasuusinayaa dadka soomaaliyeed in 30.12.2006, in la xiray xadka Kenya ay la leedahay soomaaliya,iyadoo laga xirtay qaxootigii rabay in ay galaan Kenya kuwaas oo kasoo cararay dhibaatada ciidamadda Itoobiyaanka, amarkaas waxaa bixiyey dawladda Maraykanka,iyagoo ku andacoonaya waxaa nasoo galaya Maxkamadihii, sidaasna waxaa noo sheegay shiikh lagu kalsoonyahay, oo markaas joogay libooyo-Kenya.Taas waxaa ka daran in dadkii la damcay in loo gurmado, loona diidey gurmadkii aadi lahaa!!!!!.Hadaba dadkaas maxay galabsadeen oo loo dulminayaa!!!!
Alle ayaa noo sheegay waxa Si guud Maanta dadka Islaamka loo dhibayo, si gaar ahaaneed soomaaliya, Alle wuxuu noogu sheegay Suuradda al-buruuj aayadda 8 "Waxay ku naceen dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo"

Hadalkayga waxaan kusoo gaba gabaynayaa Hadalkii Alle,: "Ha moodin in Alle moogyahay waxa ay daallimiintu samaynayaan. Wuxuu ugu dib dhigayaa uu,n maalin ay indhuhu libiqsi deynayaan oo ay degdegsanyihiin oo madaxoodu cirka ku laalanyahay, daboolka indhahooduna aanu soo laabma hayn, laabtooduna ay madhantahay" Suuratul-ibraahim 42-43
Sidoo kale Alle wuxuu yiri:"Waase dhib saaran yahay uun(jid lagu leeyahay) kuwa dulmiya dadka kuna kibra dhulka xaqdaro, kuwaas waxaa u sugnaaday cadaab daran".

Qoraalkayga waxaa ku soo gaba gabaynayaa duco Illaahay ha noo aqbalo aamiin, , Ilaahay baan baryaynaa talo saarayna, mar walba isagaana nagu filan...Illaahay waxaan ka baryaynaa in uu xaqqa mar walba nagu sugo, gaalana hoojiyo aamiin,aamiin.

Qaybihii hore ee qormadan halkaan ka akhri.....

Qore: C/raxmaan C/laahi
waaislaamaah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com