SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gumeysi, Gardarro, Gibir iyo Gumaad Geyigeenna uma Ogollin

Taariikhda Soomaaliya iyo tan dunidaba ayaa waxay ka gashay maanta baal Madaw oo naxdin leh Dec.28.2006 waa maallintii uu Gemeysiga Madaw ee Itoobiya Gardarrda Qaawan uu ku soo qaaday Geyigeenna Hooyo ee Soomaaliya oo ay hore u buburiyeen Dagaaladii Sokeeye ee ka socday in ka badabn 16-Sanadood ,Ciidamadan Maxaysatada ee Tigrayga ahi waxay ku soo galeen Dalkeena si aan Sharci ahayn waxayna u gefeen Shuruucda Dunida ee dhinacyada Xuduudaha "International Law",waxayna ku andacoonayaan inay Caawinayaan DFKMG ahi taasina waa been abuur ay ku Heshiiyeen kuna doonayaan inay ku Xaqiraan Xuquuqda ay leeyihiin Muwaadiniinta Soomaaliya ee Xaq u dirirka ah ee Dalkoodii Xoogga lagu Qabsaday loona geysanayo Xasuuqa , Xarrigga ,Dhaca iyo Boobka.

Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha u Dooda ee Dunida iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay Hoggaaminayaan Hay'adda loo yaqaan Somali Institute Peace & Justice oo ay Xarunteedu tahay Minneapolis MN USA ayaa waxay soo diyaariyeen Shirweyne aad iyo aad looga soo Shaqeeyey laguna buraarujinayey Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Dalkoodii Xaq darrada lagu Qabsaday iyo sidii looga Xorayn lahaa Dalka Gumeystaha Gardarrda ku yimi , ee Shacabka ku haya Xasuuqa, Xarrigga Sharci Darrda ah , Dhaca iyo Boobka ,sidoo kale loogu qaadi lahaa Tallaabooyin la Xiriira Dhicyada Sharciga ee Dunida ku Xadgudubka Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta lagu soo bandhigay Xarunta Zuhura ee Shirarka ee Minneapolis MN USA .

Dadkii isugu Shirkani ayaa waxaa Wejiyadooda laga dareemayey inay diyaar u yihiin Af iyo Addinba inay diyaar ula yihiin sidii Dalka looga Saari lahaa Maxaysatada Naf-lacaariga ah ee Dalka Xoogga ku haysata ,waxayna halkaasi ka soo jeediyeen Fikradahoodii iyadoo Halkaasina ay uga Jawaabayeen Saraakiil iyo Garyaqaano ka Socda Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha u Dooda ee Dunida ,Shirkan ayaa wuxuu ka mid ahaa Shirar Dhowr ah oo Maanta loogu talagalay inay isku Mar kawada Dhacaan Dunida oo Dhan Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba , Maadaama Maantu ay ahayd Maallintii Soomaaliya ay Nasiib darrada ku Dhacday oo Dalkeenii uu Mar kale gacanta Gumeysta uu galay .

Haddaba ,waxaa haboon in lays weydiiyo Maxaysatadu goormay Dalkeena ka baxaysaa Soomaaliyeey "Fadhi iyo Fuut Yicibeed laysla Waa" Waxaa Qof waliba saaran Waajib Allena wuu ku Xisaabin doonaa waa inaannu Midnimadeenna Adkeynaa soona Celinanaa Sumacadii iyo Sharaftii uu Dalku lahaa ,Heeryada Gumeysahana iska tuurnaa haddii aysan Midnimo jirin Gumeystuhu weligii uu joogayaa Haddii ay Midnimo jirtana Habeen kuma Hoyanayo Dalkeena ,Xasuuqa uu u geysanayo Shacabka Soomaaliyeed ma ah mid loo adkaysan karo ,barakaca iyo Carruurta yar yar ee Xabsiyada lagu hayo ma ah wax la qaadan karo Dalku wuxuu u baahan yahay in si deg-deg ah loogga saaro Ciidamada Itoobiya.

Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliya ayaa waxay muujiyeen rajo nabadeed oo Ummadda u noqon kara horumar ay ku hirato ,Sababtoo ah waxaannu arkaynay sida ay durbadiiba u soo Celiyeen kala dambayntii iyo is jacaylkii ay Shacabka Soomaaliyeed ay Hiddaha iyo Dhaxalka u Lahaayeen oo ah Ktiaabka Alle ee Muzalka ah ku dhaqankiisuna uu yahay Waajib horumarkuna uu ku jiro mar walba oo haddii la qaato lagu Liibaanayo,Isbahaysiga Xoraynta Dalka oo iyana Muujiyey Dadaal dheeraad ah oo isku Xiray Shacabka Soomaaliyeed oo hore u kala fikrado gedisanaa haddana ku Midoobay sidii Dalka looga Xorayn lahaa Ciidamada Tigrayga ah ee Maxaysatada ah ee Gardarrada ku yimi Dalka


Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com