Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Dad Shacab ah Ku Laayey Deegaanka Suuqa
Xoolaha
Deegaanka suuqa xoolaha ee magaalada muqdisho oo
dhowaanahaba ay aafeeyeen dagaalo xoogan oo u dhexeeya ciidamada ethiopoanka iyo
kuwa dowlada FKMG oo isku garab ah iyo xoogaga kasoo horjeeda ayaa shalay waxaa
ka dhacay dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah islamrkaana ciidamada ethiopianka oo
isku faafiyey halkaasi ayaa saaka waxaa halkaasi lagu arkay meydadka dad rayid
ah oo ay xasuuqeen ciidamada ethiopianka ah .
Meydadkan oo gaaraya ilaa iyo 3-qofood oo rayid ah ayaa la
sheegay inay ciidamada ethiopianka oo shalay galab gaabkii oo isku faafiyey
deegaanka degmada huriwaa ay dilalkan gaysteen ,sida uu saxaafada u xaqiijiyey
mid kamida goob joogayaal ku go,doonsanaa deegaankaasi oo magaciisa codsaday
inaan la shaacin .
Sidoo kale dad shacab ah oo lagu qiyaasay ilaa 200-oo qofood
ayaa xalay ku go,doomay guryahoodii kadib markii ay ciidamada xukuumada ethiopia
ay kala xireen xaafadaha deegaanka degmada huriwaa taasoo ay dadka qaarkiis u
hoyadeen geedaha hoostooda islamarkaana ay qaarkood kala go,doomeen hooyooyin
iyo caruurtoodii .
Dhinaca kaler Xaalada suuqa xoolaha ee degmada huriwaa ayaa
saaka kusoo laabatay kadib markii ay ciidamada etjiopia iyo kuwa dowladaFKMG
iskaga bexeen halkaasi .
Ciidamada Xukumada Ethiopia ee ku sugan magaalada caasimada ah
ee muqdisho ayaa badanaaba gaysta xasuuq iyo dilal kala duwan kadib marka ay
xoogaga kasoo horjeeda ay dagaalo kala hor yimaadaan islamrkaana ka aargoosta
dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan .
Waa Sidee Xaalada Weriyayaashii Ka Cararay Xaalada Amaan Daro Ee Caasimada
Muqdisho.
Xaalada cakiran ee nabad gelyo xumo ayaa keentay inay iskaga
baxaan magaalada caasimada ah ee muqdisho weriyayaal ka dhex shaqaynayey
magaalada xiligii dagaaladii sokeeye iyo weliba xiliyadii ka horeeyey kadib
markii ay naftoodii la cabsadeen.
weriyaashan oo qaarkood ay naftooda ula carareen magaalada
hargaysa ee xarunta maamulka somali-land islamrkaana ay dowlada somaliland
eedaymo kaga yimid darteed kaga baxseen hargaysa ayaa la sheegay inay halkaasi
uga sii ambabaxeen halkaasi si ay naftooda ula tacaalaan .
hadaba wararka ka imaanaya jamhuuriyada jabuuti ayaa sheegaya
inay weriyayaashaasi ay halkaasi weli ka helin wax gacan qabasho ah islamrkaana
ay noqotay nin walboow jeebkaaga .
Xaalada cakiran ee xiisadaha colaadeed ayaa sahlay inay
weriyaasha ku sugan goobaha colaada sida muqdisho oo kale ay qaarkood kala
kulmaan dhibaato baahsan oo cabsiyi ku dheehan tahay taasina ay naftoodii ku
qasabtay inay isku biimeeyaan meelo kala duwan oo aysan wax dhaqaalo ah u haysan
.
Si kastaba ha ahaatee xaalada weriyaashaasi oo ka koobnaa
14-weriye ayaa laga soo dayrinayaa kadib markii ay dhaqaalo xumo jirta awaadeed
kala kulmeen halkaasi mana cada ilaa iyo iminka cid sheegatay inay ka caawin
doonto.
yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007


|