28-ka December, Maalin
Murugo, & Gocosho Badan!.
Maalmaha la soo maray
Maantaynu Noogniyo,
Maalmaha la sugayee
Ma 28-ka Decemberee
Maalin la maida maqasheen?
Malamalayn maxay Tari?
Mala'awaal muxuu Qaban?
Maalin yahay Madoobee
Murugada Badneedee
Magaalooyinkii Dalkaygee
Muqdishoo Anuunka ah
Maxmiyad ku Tuurtee!
Misfinoo Maciinee
Miles Gacan ka Galisee.
Maalin yahay qarabinee
Masiibada lahaydee
Mugdi Galisay Aayee
Mowdkiina Badisee!
Mindhaciradiina Gowsee.
Mooryaan adeegtoo
Maqaawiir Quwaaxoo
Maankooda Fadhinoo
Magac aan lahaynoo
Madax sheeganaysoo
Masuulnimo u Dhiibtee
Midigtood ku Sallintee.
Madaafiic Garaacii
Marastii qaxeenoo
Maatadiina Le'atee
Muluqyadiina Salashee.
Miskiin Xoogsanaayiyo,
Macalinkii Baraayiyo,
Mowlu maal kis haystee
Maalin yahay Maxbuustee.
Mudashada Wanaaggii
Mowlow Ilaahow
Maalintaan xumaysee
Magaceena Bi'isee
Miyaanay Qiyaasnayn?!
Ma Dunidaa nadayacdoo
Meel nagu Ilowdoo
Mus Jaan nagu Xootayoo
Marnaba noo dhimrinoo
Mise inagaan Nuglaynoo
Maamuus u Qalminoo
Mudnaynin Qaranimoo
Madax bannaani Garanayn!
Miyaad naan lahayn Dhiig?!
Ma dareenaanan Qabin?!
Maad sidaan is dhaantaan?!
Macruuf maad samaysaan?!
Midnimo wada Guddoontaan
Mowqif wada Qaadataan
Mar wada Istaagtaan
Maya, fara galin tiraahdaan
Militari Shisheeyana
Ma rabnba Tiraabtaan
Markaasaa Sharaftiyo,
Magac Qaran yimaada
Mahdintuna Xigaysaa!!!.
Maano Deel Qaaf ah, ama Maansada
Qalin-Ku-Qorka Qoraaga.
Maalmuhu kala wanaagsan,
Dadkuna kala Aayan wacan, Shucuubtuna kala Aaya hagaagsan, Adduunkuna waa mareeg
Maalmuhu ku wareegaan, Maalmuhu waxay isugu jiraan: Qaraar iyo Macaan, Xun iyo
Wanaagsan, Madow iyo Cad, Murugo iyo Farxad, jaadadkaas maalmaha waxay yihiin
hadba sida ay u soo marto Qofka, Bulshooyinka, Shucuubta, Umadaha iyo Qaramada,
tilmaantaa ay qaadanayso maalmuhu waxay kaga imanaysaa saamaynta iyo raadka ay
reebto maalintaas Nolosha Dadka, iyo natiijada ka dhalata, sargoynta maalinta
waa wixii dhaca oo dhacdooyina 24-ka saac ee ay ka kooban tahay iyo sida ay u
hareyaan Nolosha.
Soomaaliya waxay soo maartay
maalmo kala duwan: maalin xun iyo maalin wanaagsan, haba u badnaadeen maalmaha
xun, iyadoo waliba ay heerar kala ahayd marka lagu sameeyo is barbar dhig,
maalmaha xun ee na soo maray, waxaa ugu sii xumaa burburkii Dawladda, 17-kii
sano ee murug maarugta, colaadaha iyo dagaalada sokeeye, ee Dalka ku baahday
gees-ka-gees Fawdada iyo jaantaa rogan, 17-kii sano ee tiiha lagu jiray iyo
xarig jiidka aan dhammaadka lahayn, waxaa Soomaaliya soo maray maalmo kala
sarreeya kuna duwan(soocan) xummaanta, maalinba waxay maalin noo dhibto, waxay
soo muujisay maalintii ugu xumeed dhammaan maalmaha!, waxay soo ban dhigtay
maalinteedii ugu murugada badnayd wixii maalmo la soo maray idayl!, waa maalinma
maalintaas?, waxaan ku qaadi dhigi doonna qormadeennaa.
Dhismihii Maxkamadaha &
Isbahaysiga la dagaalanka Agagixisada:
Burburkii Dawladdii dhexe ka
dib, Dalku wuxuu soo maray marxaldo kala duwan, horraantii sanadkii 2006-da
waxaa magaalada Muqdisha ka hana qaaday dhaqdhaqaaq xoogan oo ay hor kacayeen
Wadaaddo huwanaa magac Maxkamado Islaam, wax yar ka dibna uu dhex maray hardan
io dagaal Qabqablayaashii kala qoqobay Magaalada Muqdisha, iska hor imaadkii ugu
horreeyey wuxuu dhacay 18-kii Feberayo isla sanadkii 2006-dii, ka dib Magaalada
waxaa ka dhashay laba gaashaan buursi oo kala ah: Ururka Isbahaysiga la
Dagaalanka Argagixisada & soo Celinta Nabadda, oo lagu dhisay Degmada
Dayniile oo xarun u aheed Maxamed Qanyare, Isbahaysigaan oo ay u
idlaayeen dhammaan Dagaal oogayaashii Magaalada Muqdisha kuwooda ugu caansanaa,
waxayna isugu jireen aas-aasayaashii Isbahaysigaan: Qabqablayaal, Ganacsato,
iyo Wasiiro ka tirsan Dawladdda Empagathi, sida: Maxamed Qanyare
Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Finish, Barshiir raage Shiiraar, Cabdi Waal,
Isbahaysigaan oo taageero dhaqaalo u fidisay Dawladda Maraykanka, waxaa kale oo
Magaalada looga dhawaaqay: Midowga Maxkamadaha Islaamka, oo ay ugu
cadcaddaayeen raggii hor boodayey: Col:Xasan Daahir Aways, Xasan Turki,
Yuusuf Siyaad Indha Cadde, Shariif Sh. Axmed, iyo qaar kale oo badan,
hardankii iyo loolankii dhex maray Maxkamadihii iyo Qabqablayaashii waxaa ku
itaal roonaaday Reerkiina usoo haray wadaadadii Maxkamadaha, Dagaal
oogayaashiina noqdeen: hal Laash ku Tahriiba, hal Caddaysta inuu Toobad
keenay(Yuu u Toobad keenay?) iyo sidii caadada ahayd hal Xabashida dabada
gashta, halkaana ka soo abaabula dagaal dhuumaalaysi ah!.
Wada hadalkii Maxkamadaha &
dawladda Embagathi:
Maxkamadihii waxay waqti
gaaban gacanta ku dhigeen Magaalada Muqdisha(Unugga Dhibka Soomaaliya),
waxayna billaabeen is ballaarin iyo dhul fidsi, Soomaaliyana waxay soo jiidatay
indhaha Dunida, waxaa billowday dhaqdhaqaaq xoogan, waxa isla dhawaaqay
Caalamkii hal mara oo yiri: dawladda iyo Maxkamaduhu waa inay wada hadal furan,
ka dib waxa furmay Shirkii Khartoum 15-kii July 2006-dii, wuxuu ku soo dhamaaday
in la joojiyo Colaadaha iyo af dagaalka, la isna aqoonsado wada hadalkana la sii
wado, balse Nasiib darro wada hadalkii u dhexeeyey Maxkamadaha iyo Dawladda
Empagathi wuxuu ku soo afjarmay guul darro, waxaana lagu kala dareeray shirkii
ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Khartoum 30-kii October ee dabayaaqadii
isla sanadkii 2006-dii, waxaana ka dib bilow hub urursi iyo qoryo isu diyaarsi,
maalintaas Maxkamaduhu waxay ka talinayeen ugu yaraan: 7 gobal, sadax arrimood
way la gudbooneed inay mid ku dhaqaaqaan oo kala ah: Dalka waxaa jirta Dawladd
Federal ah sidaa darteed inay ku dhawaaqaan Maamul gobaleed, kan xiga inay
Dawladda la galaan wada hadal dhab ah oon ku xirnayn shuruud, kana qayb qaataan
awood waybsiga Dalka, waa tan ugu danbeysee waxay ahayd: inay dhul ballaarsiga
ku daraan hoyga Dawladda Empagathi ee Baydhabo, oo ku qabsadaan dagaal iyo cudud
military, iyana waxay suura gal ahayd wixii ka horeeyey bishii 7-aad ee July,
wixii ka dambeeyeyse waqtiga Wadaadada waa ka ku soo yaraaday!.
Bootin Libaaxle, Kuftin Dawacaale!
Maxkamadihii way is
mahddiyeen, waxay u maleeyeen inay sidaan Dawlad Islaam ku dhisi karaan, kuna
fidiyaan Geeska iyo Bariga Afrika, balse murti ayaa waxay leedahay:(Tuke
Nasiib uu Caano ku helo wuu leeyahay, balse Kas uu ku Cabo mallahan!),
Wadaadadu waxay nasiib u yeesheen inay gacanta ku dhigaan Muqdisha (Unugga
Dhibka Soomaaliya), nabadna ku soo dabaalaan, haddana waxay hanan waayeen
inay uga faa'iidaystaan inay ku raadiyaan Qaran Soomaaliyeed, waxay billaabeen
inay iclaanshaan (Jihaad) ay ku qaadayaan Ethiopia(Itoobiya), si toos
ahna u sheegeen inay Iidda Arafo ee soo socoto ay ku Iidaysan doonaan Addis
Ababa, dhanka kale Ethiopia(Itoobiya) waxay sheegtay inay difaaci doonto
Dawladda Empagathi haddii wareer ugu yimaado dhinaca Wadaadada Maxkamadaha, si
toos ahna dagaalkii wuxuu u wareegay dhanka Ethiopia(Itoobiya) oo qadka si toos
ah u soo gashay, waxaa bilowday dagaalkii ka dhacay Gobalka Baay oo ay ka qayb
qaateen diyaaradaha dagaalka ee Xabashida, oo duqayn u gaystay Garoonka
Diyaaradaha ee Balli-doogle, Maxkamadihii waxay dhowr maalin ka dib isaga
carareen jiiddii hore ee dagaalka, waxay banneeyeen Maagaalooyinkii ayq
absadeen, gaar ahaan: Beledwene, Jawhar, iyo Muqdisha, iyadoon wax
dagaal ah ka dhicin, baqa cararka Maxkamadaha wuxuu noqday mid lala yaabay oo ku
tilmaamaan: Bootin Libaaxle, Kuftin Dawacaale!, maxaa yeelay Xabashidu
iyaga ayaa ku Iidaystay Magaalada Muqdisha!, Wadaadadiina waxay noqdeen hal
qaxootinio ugu carara dibadda sida: Shiriif, iyo hal Kaymaha Jubbooyinka
ku dhoomaalaysta sida: Xasan Turki, sidii Qabqablayaashu u carareen ayey
iyana u carareen!!!.
Galitaankii Xabashida ee
Muqdisha!!!
Ciidanka Xabashidu wuxuu horay
u caadaystay inuu ku soo xad gudbo soona galo xadka uu Soomaaliya la
leeyahay,gaar ahaan gobalada iyo degnooyinka ku teedsan xuduudka sida:
gobalka Gedo, Bakool, Mudug iyo Galguduud, balse 28-kii December
waxay Ciidanka Xabashida ee qalabka sida soo galeen Magaalada Muqdisho,
Xaruntii Dalka, Xuduntii wadanka, Hoygii Umadda, maalintaas waxay ahady
maalin Murugo leh, waxay ahayd maalin Tiiraanyo leh, waxay ahayd maalin Xanuun
badan leh, waxay ahayd maalin Wadani kasta oo Soomaaliyeed is waydiiyey sida ay
wax u socdaan?, iyo sida ay wax u dheceen?, waa hubaal in wadaniyiin badan ay la
ilmeeyeen maalintaas waxa dhacay?, ayna ku reebtay gocosho iyo xusuus aan kala
go'ayn inta ay Nool yihiin, 28-ka December maalin kala barta taariiqda
Soomaalida, wixii la soo maray ee sooyaal ah iyo waxa soo socda ee la xiriira
Aayaha, maalin taariiq cusub u bilaabatay Soomaalida, maalin ay xusi doonto
taariiqdu, balse waa su'aale maxay ku xusi doontaa?!, maxay ku sheegi doontaa?!,
maxay ku tilmaami doontaa?!, siday uga warbixin doontaa?!.
28-ka December, waxay
caro iyo ciil ku abuurtay inta ay ku dambayso laabtooda dareenka Wadaninimo,
heer ay ku sigteen inay is daldalaan ama is marjiyaan, Xabashidu marka ay soo
galeen gudaha Magaalada Muqdisho, waxay isla markiiba baro Ciidan ka dhigteen:
Astaamihii Qaranka, Barihii laga maamuli jiray Dalka, sida:
Wasaaraddii Gaashaan-dhigga, oo ahayd halka laga bixin jiray amaradii
dagaalkii 77-ban, ee dhax maray labada Dal, waxay kaloo degeen Villa
Soomaaliya, Aqalkii Madaxtooyada, taasina waxay daliil marag ma
doonto ah u tahay Ujeedada gurracan ee xabashidu la maagan yihiin Soomaaliya,
bal u fiirso Ciidankii Huwantii ee UNISOM, ee Soomaaliya yimid horraantii
sagaashamaadkii, marna ma degin baro tilmaamaysa Astaan Qarannimo, sidoo
kale eeg Ciidamada Ugandha waxay ku ekaadeen garoonka Diyaarada iyo Dekedda weyn
ee Muqdisha, balse waxa Xabashidu u dageen Wasaaradda Gaashaan-dhigga,
Xaruntii Xisbiga Hanti Wadaagga kacaanka Soomaaliyeed, iyo Villa
Soomaaliya, waxay muujinaysaa danaha ay usoo galeen Soomaaliya ayna ku
doonayaan inay Soomaaliya ku sii haystaan!.
Soomaalidu ma waxay sugaysay
28-ka December oo kale?, Xabashse ma ku soo dhacday inuu Muqdisho ku
dhex maro Dabaado gaashaaman iyo Cudud Military?, dabcan taas waxaa ugu yeeray
wadaadadii Maxkamadaha, waxaana ku marti qaaday Dawladda Empagathi, waa la yaab
in Xabashku wuxuu xeelad iyo xoog ku qaadi waayey in Soomaalidu u suura galiso,
una sahasho sidii ay u xaqiijin lahaayeen!, 28-ka December waa maalin uu
la Ciroobay Sabiga Soomaaliyeed, Cirroolana uu la Calaacalay, Xaamiladiina ay la
dhicisay, xanuunkeeda awgeed iyo walbahaarka ay wadato darteed, 28-ka
December maalin billow u aheed dhibkii Soomaaliya ku habsaday sanadkii
2007-da, Dhimashada, Dhaawaca, Qaxa, Bara-kaca, Xasuuqqa, iyo Boobka
Hantida Dadweynaha, 28-ka December maalin mugdi galisay Aayaha
Soomaaliya, maalin la garwaaqsay Dulliga iyo Ducfiga ay Soomaaliya dul
sabbaynayso, 28-ka December maalin dib usoo noolaysay
Dagaal-oogayaashii daashaday Soomaaliya, maalin kor u qaadday
Tabcanayaasha Yigreega, maalin Xushamadaysay Xigaalada Xabashida, 28-ka
December maalin Murugo!, Maalin Naxdin!, Maalin Gocosho!, Maalin Xumeed!, Maalin
Tiiraanyo!, Maalin Haydaarro!, Maalin dareen!, Maalin Dhiillo!, Maalin walaac!,
Maalin Walaahood!, Maalin Walwal!, Maalin Balaayo!, Maalin Dullinimo!, Maalin
Gunnimo!, Maalin qiyaano!, Maalin Lur!, Maalin Marooro-Dillaac!.
Guntii iyo gabagabdii ka
sheekaynta maalinta 28-ka December way dheeraanaysaa, tilmaamiddeduna kama yara,
balse waxaan ku soo af meerayaa qormadeenna qayb ka mid maansadii Saafi
Ducaale, oo hal ku dhaggeedu yahay: Salaan Macaan, Heestiina waa tan:
Wixii jeer la soo Maray
Waxa Maanta Joogiyo,
Maalmaha Muhiimka ah
Waa Macalin kuu dhiga
Murtidiyo Maahmahday
Kuu marinayaanee.
Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007
December
28, 2006 waa maalintii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya cag- dhigeen Xeebta
Muqdisho...
"...nabad,
dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya"
sidaas waxaa qortay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya...
Akhri:
Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Af-Soomaali loo rogey:::
Waa qoraalkii ay soo saartay Itoobiya ka hor intii aan cidamadeedu gelin
Muqdisho, waxaana uu qeexaya ujeedada dhabta ah iyo siyaasada Itoobiya ay ka
leedahay dalka Soomaaliya...
Akhri halkan...
Akhri:
YAA GABLAMI,
YAASE GOOD DILI?
ee Abdullahi
Spanish
Vido:
Dagaalkii 1977/78 ee
Soomaliya iyo Itoobiya
Dhegeyso: Waraysigii
Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Akhri:
Aw Jaamac: Dhimbil
dib u soo noolaysay Halgankii


|