SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

RPP: Cadde Muuse waa in la horkeenaa Maxmakamad danbigiisana Lagu qaadaa.
Cadde Muuse waxa uu lunsaday Hanti ka badan Billyanis.
Cadde Muuse waa danbiile wayn
Cadde Muse waxa uu galay khayaano qaran

 
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Political Partu (RPP) Daahir Ciiro ayaa maanta soo saaray hadal qoraal ah oo uu ku dalbanayo in la maxkamadeeyo Cadde Muuse is la markaana la ga qaado Madaxtinimada maadaama xilkiisii uu dhamaaday loonana xisaabtamo sidii qof shacab ah.

Gudomiayaha Ramaas ayaa hadalkiisa ku bilaabay Cadde Muuse Xilkii waa ka dhamaaday haatan waxaa loo baahan yahay in Maxkamad shacab lasaaro Maadaama uu galay Khayaano qaran is la markaana uu Lunsaday Hanti aan la qiyaasi karin inta cadad ay la egtahay balse ka badan Balaayiin Doolar.

Hada wixii ka danbeeyay Cadde Muuse waa in loola xisaabtamaa sidii qof shacab ah maadaama uu xilkii madaxtinimada ka dhamaaday Cadde Muuse oo aynana jirin khiyaano kale oo shacabku lagu khayaamaynayo intii wax la khiyaamayn karay Cade Muuse iyo saaxiibadii dadka rayidka ah way soo khayaameeyeen balse hada wixii ka danbeeyay waa in aan laga ogolaan khiyaanda qaawan ee Cadde Muuse uuwato.

Cadde Muuse waxa uu Bosaso u aaday waa in uu la baxo lacagta Bankiga Bosaso ku jirta isaga oo sheeganaya Shaatiga Madxtinimada waxaan u sheegaynaa dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Puntland waa in ay ka feejugnaadaan Burcad nimada Cadde Muuse uu wado oo aan loo ogolaan in uu gudaha u galo Banka, Iyo Dekeda Bosaso iyo waliba garoonka, is la markaana laga xiraan Khasnadaha Dawlada si uusan Lacag ula Bixin.
Waad la socotaan hada ka hor in Halmilyan oo Dollar Cadde Muuse looga qaaday Dubai baan guri kaaga gadaynaa taasi oo Cade muuse ku noqoay lama filaan markii uu waayay Lacagtii iyo Gurigiis balse isku qanciyay Maxaa ka macna ah Deked iyo Shacab aan aqoon lahayan baan u taliyaa oo aan soo baaranayaa Jeebkooda.

Waxaan Marlabaad Shacabka u sheegaynaa in lala xisaabtamo xiliga gaaban ee ka faa iidaysiga ah ee uu wado Cadde Muuse oo indhaha lagu hayaa si uusan u lunsan Hanti dadwayne wixii horena lagula xisaabtamaa oo la soo taagaa maxkamad si uu u cadeeyo wixii uu lunsaday iyo wixii uu hayo si bal wax un looga helo.
Mararbadan ayay xukuumada Cadde Muuse ku fashilmatay wax ka qabashada Amniga, hormarka waxaana Cadde Muuse intaa ugu filan in la yiraahdo Naga tag wax dan ah nooma hayside waanu tashanaynaaye ee oradCanada iyo meeshii aad ka timd ku noqo AAsbaryahow wareersan.

Si loo helo Hogaan wacan waa in uu ku quusqaataa kan hada jira sida loola xisabtamo oo la tusaa xisaab adag Cadde Iyo saaxiibadiis laaluushqaatayaal Xaq Bini aadan Cunayaal.
 
Waxaan idiin ka Digaynaa shacab yahow in aad meel iska seexataan oo aydaan ka fakarin Danihiina Gaarka ah iyo kiina Guud waxaa mudan in sida ugu dhakhsahabadan loo soo taago Cadde Muuse maxkamad is la markaana la waydiiyaa Hantidii umada Puntland halka ay martay iyo sida ay ku baxday.
Shacab yahow u istaaga Dantiina waxaan mar walba idin ku boorinaynaa waa in aad tashataan oo aan la idin ka tashan hana noqoninia kuwii seexday oo laga faaiidaystay.

Ka xisbi ahaan waxaan diyaar idiin la nahay in aan si wayn uga qayb qaadano maxkamadaynta cadde Muuse iyo Baraarujinta Dadka Shacabka ah oo aan mar walaba garab is taagno waxa Dalka iyo Dadka u dan ah ooaanan ka seexan Horumarkiina iyo wacyi galintiina idinkuna aad ahaataan kuwo marwalba u tooghaya dantiina waxwalabana oo xuna ka dhiidhiya.
 
Cadde Muuse waxa uu marar badan ku dhaqaaqay Khiyaano qaran isaga oo hadalkiisii ugu danbeyayna ku sheegay in uu Somaliland lagalay Heshiis qarsoodi ah kaasi oo aysan ka warqabin Xubnihiisa madaxa u ruxa ee Baarlamaanka iyo Wasiiradiisa shaaha lacaba oo qura oo aan wax dan ah u hayn shacabka iyo dalka.

Sidoo kale Cade Muuse waxa uu mar walab wataa dantiisa Gaarka ah isaga oo Canada uga yimid sidii uu u heli Lahaa Hanti uu Tabcado maadaama uu qaxootinimo ku waynaaday horayna u ahaa Jamhadii SSDF oo aan wax maal ah ee aduunyo Tamcan maanta doonaya oo qura in uu ka faaiidaysto Hantida Umada Puntland isaga oo Halmilyan oo Dollar guri Dubai kuyaala u quuray kaasi oo laga xatay ama laba qalin la isugu dhuftay waxaana ka Go'an in uu Gato Guri wayn oo qaali ah oo kuyaala Meel ka mid ah Dunida Horumartay waxana uu ku haminayaa waa in uu ku bixiyo Lacag kabadan Balaayiin Doolar Guri uu ku raaaysto inta nolashiisa ka dhiman Lacagtaasina waxa uu la damacsan yahay in uu kala baxo Bankiga Iyo Khasnada Dawlada maadaama hada algu jiro xili kala Guura oo xilkii Madaxtinimada Puntland Dhamaaday, Una aaday Bosaso Hada in uu sameeyay Lunsasho Hanti Umadeed.

Taasi oo u Baahan in lagula Xisaabtamo Cadde Muuse intii uu xilka soo hayay wixii uu qabtray iyo wixii uusan qabana wiixi uu balan qaaday waxa uu ka qabtay iyo waxa uusan ka fulin taasi markaa u bahaan hadii laga waayo wax wax qabadan ah in La soo taago Maxkamd Shacabkuna ay ku dacweeyaan Hantidoodii Luntay halka ay martay.
 
Waxaa lagama maarmaan ah in ay shacabku u tooghayaan qofkasta oo Masuul loogu soo magacaabo in ay ogaaddaan waxa uu aqoon u leeyahay iyo wexa uusan aqoon u lahayn oo markaasi lagula xisaabtamo xilkiisa meesha ku haboona loo magacaabo oo ay sidaas iayguna indha ugu hayaan hadii uu wax qaban waayana mudo Gaaban Gudahood xilka loogaqaado oo ay shacabku xilka kaqaadan.

Xisbiga Ramaas Marwalba waxa uu Danaynayaa Danta umada Reer Puntland waxa uu ka dhiidhinayaa dhibaatadaha Shacabka lagu hayo waxa uu soo dhawaynaya Qofkasta oo horumar u haya SHacabka waxa uu la dagaalamayaa Jahliga waxa uu ka soohorjeedaa Doorasho la'aanta waxa uu u doodayaa Doorashooyin Xor ah oo Dimuquraadiyadeed ( One Person One Voice).
 
 
Ramaas Political Party RPP
Gudoomiyaha Xisbiga RPP
Daahir C/qaadir Muuse ( daahir Ciiro)
daahirciiro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com