SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Yusuf Hassan:- Murashaxa ugu dhow ee matali kara Somali-da deegaanka Kamankuji.

 

 27, bishan ayaa la filayaa in doorashada madaxtinimada dalka Kenya in ay dhacdo, waxana ku tartamaya Jagada madaxtinimada 3 Xisbi oo kala ah PNU oo uu horkacayo madaxwaynaha haatan haya madaxtimada dalka Kenya  ee Mwi Kibaki. Xisbiga ODM oo uu hogaaminayo Raila Odinga. Iyo xisbiga ODM-K oo uu horgacayo Kolonco Mosyoka
       
Madaxwayne Kibaki..      Odinkaga Murashara Xisbiga   Kolonso Musyoka Mushara xisbiga  ODM. ODM-k. Sawirada Google.

 

Marka laga soo tago doorashada madaxtinimada waxaa degmada Kamankuji ee ay Somalia u badantahay ka socda dadaalo fara badan kuna saabsan sidii oo heli lahaa Xildhibaan matala deegaankan,xaafada Islii oo in ka badan 18 kun oo Somalia ah ay dagantahay.

 

Yusuf Xassan Abdi oo ah musharaxa kaalinta 1-aad kaga jira 25 ka murashax e u taagan doorashadan ee ah in la helo hal Xildhibaan ee matala deegaankan dhibaatada fara badan ay ku heesato dadka kala duwan ee dagan gaar ahaan dadka Somalia ah.

 

Deegaan-kan oo ah mid inta badan Ganacsi baaxad ah uu ka socdo, haddana amaankiisu uu iska yahay Allow na furo ayaad mooda in markan ay dadka Somalia-da ah garteen in ay u baahanyihiin qof xaqooda u dooda in ay helaan si dhibaatooyin fara badan ee jira wax looga qaban lahaa.

 

Yusuf Xassan oo markii hore ka tirsanaa Xibsiga ODM ayaa haatan ku biiray Xibsiga kale oo ODM-K, Yusuf waxa uu waayadan waday shirar iyo wadatashiyo uu la yeelanay bushada Somalia gaar ahaan, Aqoonyahanada, Ganacsatada, Warbaahinta, Dumar-ka iyo guud ahaan dadka kale ee ku nool degmada Kamanakuji gaar ahaan dadka dagan xaafada Islii.
Yusuf Hassan Abdi, oo xildhibaanimo u tartarma.

 

Kullankii ugu danbeeyay ee taageerida sidii loo dooran lahaa lahaa yusuf Hassan ee ka dhacay Hotel Banaadir ee xaafada Islii ayna ka soo qeeb galeen dad fara badan oo ka kala socday dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaan ka ahaa goob joog, runtii dadkii meeshaasi isugu yimid dhamaantood waxa ay cadeeyen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay codkooda siyaan mudane Yusuf Hassan oo runtii u qalma in loo doorto jagadan.

Yusuf Hassan oo ah nin aqoonyahan ah kana soo shaqeeyay meelo badan oo caalamka ah, intaas waxa u dheer in uu yahay nin bahda warbaahinta ka tirsan waxna ku soo bartay dalalka Britain iyo USA. Runtii aqoon lagu maamuli kale deegaankan oo kale oo ay dhib fara badna ka jirto In uu leeyahay ayaan la filayaa.
Musharax Yusuf Xassan iyo ibraahim da'ud "Gentleman"

Yusuf waxaa tartanka kulla jira Ibraahim Axmed, 2 nin oo markii hore ka wada tirsanaaa Xisbiga ODM, inkastoo Yusuf uu ka baxay ODM, haddana wali Ibraahim waxa uu u tartamayaa Xisbiga OMD.

Raila Odinga supporter on camel-back
ibraahim axmed oo ah musharaxaku jira tartanka musharnimada
isaga ooo faras saaran kuna jira olala doorashada ee dalka ka jira sawira BBC.

 

Ugu danbeeyn Somalia waxa ugu muhiisam oo ay u baahantahay waa sidii loo heli lahaa qof Baarlamaanka dalka Kenya u fadhiista oo xaqooqa u dooda, dadka Somalia-da ah iyo Ganacsigooda intaba waxa uu u baahan yahay in wax laga qabo maamul fiican ay helaan.

 

Wixii ka soo baxa doorshada dalka Kenya dib ayaan idiin-la socodsiin doonaa.

Ibraahim Da'ud "Gentleman"

sayfudiin@hotmail.com

Niarobi-Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com