Marxuum C/qaadir Cali jaamac (xoosh) oo ku geeriyoodey shil baabuur
- Garoowe Tacsi Naxdin leh
Waxa tacsi hawada marinaya
dhamaan Somali Media madaxdeeda iyo
shaqaalaheeda jooga wadanka Maraykanaka iyo gudaha Soomaaliya. Tacsidan
oo ku timid Allaha u Naxariisto Marxuum C/qaadir Cali jaamac (xoosh) oo
ku geeriyoodey shil baabuur isagoo marayey duleedka magaalada Garoowe.
Waxa kale oo la geeriyoodey Korneel Col. Jaamac Xasan Kaarshe (Jaamac
Yare). Marxuumka Xoosh, ayaa waxa uu qayb weyn kaga jirey warbaahinta dhinaca
shabakadaha internetka. Waxana uu asaasey shabakada lagu magacaabo
Alldarwiish.com, isagoo horeyna ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagey
widhwidh online. Marxuumka Xoosh, ayaa waxa aan Alla subxaana watacaala uga
baryeynaa in
uu janada ka waraabiyo, qoyskii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.
AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN. Wabilaahi Towfiiq
AbdimalikAskar
Somali Media
aabdimalik@hotmail.com Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2007


|