SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlada Hoose ee Garoowe oo qaaday Olole Balaaran oo Nadaafadeed.

Garoowe: 24/12/2007 Dowlada Hoose ee Garoowe ayaa qaaday Olole Nadaafadeed oo ay ka samaynayso magaalada dhamaanteed. Ololahaan dhinaca nadaafada ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay D/Hoose ee Garoowe oo uu hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Degaanka Garoowe, ahna Duqa Caasuumada DGPL, C/qaadir Cismaan Samatar(Food-cadde) waxaana ka qayb-qaadanayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Degaanka Garoowe, Shaqaale aad u fara badan, gawaarida,nooca Soomaalidu u taqaan Iska-Roge. Ololahaan oo ah kii ugu balaarnaa ee dhinaca nadaafada ah ayaa waxaa halku dhegyo u ahaa erayo sida" Inta Qashinku kuu jiraa, cudurku kuu jiraa,"Nadaafadu waa Iimaanka barkiis," Gurigaaga ka qaad qashinka, hana geyn guri kale," Sii jidka xaqiisa hana, ku shubin biyaha wasakhda ah laamiga iyo jidadka dadku marayaan ee ku shub haamaha aanu ugu talo galnay, IWM.

Ololahaan oo bilowday 24/12/2007, ayaa la sii wadayaa tan iyo inta laga dhigayo nadiif goobaha qashinka dadku ku qubeen, sida meeshuu ka bilowday olaluhu oo ah, buundada dhinca bari ka xigta magaalada ee loo yaqaan Ex-Control, Suuqyada, meelaha ay degan yihin dadka soo barakacay, jidadka magaalada dhexmara, wadada wadnaha lo yaqaan ee ugu muhiimsan wadooyinka Garoowe taas oo isku xirta magaalada iyo goobaha ugu muhiimsan magaalada sida , Isbitaalka Guud ee Garoowe, jaamacadaha, PSU, GTEC, dugsiga sare ee Gambol, Xarunta Agoonta Garoowe, Xerada Ciidamada ee 54-aad iyo meelo kale oo aad muhiim u ah.

Qashinkaan ayaa waxaa la, geynayey goob loogu talo galay oo magalada u jirta masaafo dhan 9 Km, halkaas oo markaba dab lagu qabad-siinayey si aan cuduro uga dhalan.

Shacabka reer Garoowe ayaa aad ula dhacsan shaqada ay wado dowlada Hoose ee Garoowe, oo ay ku tilmaamaan tii ugu shaqada badneyd ee abid so marta, iyadoo D/Hoose ay shaqooyin muhiim ah ka qabatay guud ahaan bilicda caasumada sida jidadka oo ay u samaysay jidad dhaadheer oo waasac ah kuwaas oo soo jiitay in magaaladu ay aad u sii fido oo qiimahoodu uu gaaro halkii ugu sareeyey halka aan awal xataa lacag la'aan lagu qaadan jirin, iyadoo sidoo kalena ay halkaas ka dhismeen guryo aad u qurux, waxaa sidoo kale ay D/Hoose ku guulaysatay qaab-dhismeedka magaalada oo kaba qurux badan qaar ka mid ah caasuumadaha caalamka.

Hadaba, inkastoo ay shacabka Reer Garoowe aad ula dhacsan yihiin shaqada Dowlada Hoose u hayso, hadana nasiib daro waxaa muuqata in shacabku ay ka gaabiyeen doorkoodii oo aysan si wadaninimo ah u bixin canshuurta intooda badani, sidoo kalena aysan ku tabarucin wax-qabad ku aadan degaankooda, sidi lo horu marin lahaa , sidaas darteedna ay ku culus tahay D/Hoose in kaligeed daboosho baahiyaha jira.

Si kastaba, waxaa la filayaa in Ololahaan balaaran uu soo geba-geboobo maalmaha fooda inagu soo haya(Insha-Allaah).

Gooni , Garowe

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com