SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Aminga ee Maamulka Maakhir oo ka hadlay Amaanka guud ee Gobolka.

Wasiirka wasaarada rimaha gudaha iyo Aminga ee Maamulka Maakhir ayaa ka hadlay Amaanka guud ee Gobolka waxana uu sheegay inuu amaanku meel wanaagsan marayo ayna dhamaan hawl galaan lamaaha kala gadisan ee sugid Amaanka sida ciidamada la dagaalanka xaalufinta iyo kuwa la dagaalama deegaanada la ooto ama la seereysto.

Wasiirka arimaha gudaha iyo Aminiga ee Maamulka Maakhir Axmed Xuseen Yuusf (Doonyaale) ayaa saaxafada kula hadlay Magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Booxaaro(ex-Haylaan) waxana uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo Amaanka Gobolada ay ka arimiso Maamulka Goboleedka Makhir si meesha looga saaro wax alaale wixii amaanka Hoos u dhimiya.

Doonyaale waxa uu rajo fiican ka muujiyay Amaanka mandaqada oo uu sheegay inuu meel fiican marayo oo ay dhamaan shaqeeyaan dadkii loo qoondeeyay inay ka hortagaan amaan darada,isaga oo sheegay inay soo kordhiyeen dhawaan qorshe cusub oo ah in la dar dar galiyo tababarida laamaha Amaanka ee Maamulka Makhir kuwaasi oo dhawaan tababar looga furayo caasimada Maamulka ee Badhan.

Doonyaale ayaa waxa uu intaa ku darey oo sheegay inay lagama maarmaan noqotay in ciidamo lagu kordhiyo Magaalooyinka Badhan iyo Dhahar kuwaasi oo loo qoondeeyay ciidamo gaadhaya 50 Askari oo dheeraad ah oo lagu soo kordhiyay kuwii halkaasi horay u joogay iyagoo ciidamadani si toos ah ugu shaqeyn doona Dowladaha Hoose ee labada magaalo ee ugu waaweyn ee Badhan iyo Dhahar.

Magaalada Dhahar waxa lagu soo kordhiyay 15- Askari oo si gaar ah ula shaqeeya Maayarka Degmada, halka Magaalada Badhan ee caasimaha ahna lagu soo biiriyay 35- Askari oo iyana si gaar ah ula shaqeeya Duqa Degmada Badhameed.

Hadlka Doonyaale ayaa ku soo beegmaya xili amaanka Gobolku uu aad wanaagsan yahay oo aanay jirin wa qayla ah oo ka soo yeedhaysa, in kastoo Maamulada Dariska la ah Maamulka Maakhir ay ka jiraan Rabshado lixaadleh iyo Amaankoodu uu hoos u dhacay sida Maamulka Puntland.

J A Feyte+C/rizak Xaji-Cali..

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com