Xal U Helida Tahriibta
Cadbiraxman Xariri-Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Inkastoo Maamul
Goboleedka Puntland uu dhowr jeer isku daydey inuu wax ka qabato
mashaqada tahriibayaasha oo aad moodo inay noqotay falaar
dhabarka kaga taal umada soomaliyeed, hadana sida muuqata dowlad
goboleedku waxaad moodaa inay aakhirkii faraha ka laabatay xal u
helida masiibadaas oo ay ukala baxday Doonyo-leeyda mujirmiinta
h iyo dhalinyaro dhimashada ka door biday xaalka wadanku yahay
filayna in badaase ka xigto nolo karaama leh.
Hadaba marka la eego baaxada mashaqada, lama filan karo in
maamul goboleedku gebi ahaanba joojin karo tahriibida iyo
safarka dhimashada wata ee ay isku biimeeyaan dadka doonyaha
dhimashada raacaa, mana aaminsani in awood kasto oo ciidan oo la
isticmaalo ay midho dhalin karto waxaanse ku talin lahaa sidan.
Adeegsiga Bulshada Rayidka ah
Waxaad moodaa inay meesha ka maqan tahay doorkii ama kaalintii
ay ahaayeen bulshada rayidka ah ee reer puntland sida
Aqoonyahanahda, culimaaudiinka, wax garadka, iyo ganacsatada
kuwaasoo wax badan ka bedeli lahaa xawliga ay u socdaan
tahriibayaasho hadii ay sameeyaan "Urur ama gudi taageera
Tahriibayaasha" waxyaabaha gudigaasi ama urukaasi qaban kari
lahaa waxaa ka mid ah
Inay tahriibayaasha ku wacyi geliyaan ugana sheekeeyaan khatarta
ay leedahay Tahriibtu kuna qanciyaan inan Yaman tegideedu ayan u
qalmin in nafta lagu bedesho, nolol ka duwan ta soomaaliyana
ayan Yaman iyo Saudi Arabia toona ool.
In ay doonyo-leeyda la xisaabtamaan, fahamsiiyaana in aan
aakhiro iyo aduunka toona la dhaafayn hadii qof islaam ah si ula
kac ah bad loogu tuuro oo naftiisa loo gooyo. Lana takooro oo la
ogaado kuwa dadka bada ku daadiya ama dila rakaabka
Inay hubiyaan in doonyaha la raacayaa yihiin kuwo u qalma ama
iska xejin kara safarka "Seaworthy" ayna uga digaan
tahriibayaasha haday arkaan in doonyaha iyo matoorkoodu ay
ciladaysan yihiin ayana gaari karin xeebaha yaman.
Inay diiwaan geliyaan dadka safraya
Waxaan shaki ku jirin in dad badan oo ku dhinta badda ay u sabab
u tahay iyagoon aqoon dabaasha sidaa darteed wax yaabaha ay
qaban karaan bulshada rayidka ahi waxaa ka mid ah inay
Tahriibayaasha siiyaan (ama ka iibiyaanba) jaakadaha dabaasha
"Life Jackets"
Isku soo duubo la dagaalanka tahriibtu waxay u baahantahay inay
ka qaybqaataan dhamaan soomaalida meelkastoo ay joogaanba iyagoo
la kaashanaya caalamaka iyo inta ay dhibayso arwaaxda shacabka
soomaaliyeed ee badda ku halaagmaysa.
Walaahu Aclam
Cadbiraxman Xariri-Saudi Arabia
xariri@hotmail.com