Qoraal ka soo baxay Xisbiga Ramaas - Garoowe...
Gudoomiyuhu isaga oo ka hadlaya Kalfadhiga Golaha wakiilada ee Lagu wado in uu
maanta ka furmo Xaruntooda Garowe kaasi oo lagu shegay in uu yahay Kalfadhi
aan caadi ahayn ayuu gudoomiyuhu warbixintiisa kaga waramay ajnadaha iyo
waxa ay yihiin ka baarlamaan ahaan isaga oo ku tilmamaay in ay yihiin iska
soo fadhiyayaal aan wax dan ah shacabka u hayn in ay lacago guno ah afka loo
galiyo maahane.
Sido kalena ay miirteen dhiiga shacabka Puntland loona baahan yahay in wax
laga qabto ka shacab ahaan ee aan la daawan waxaana quman in kal fadhigooda
la joojiyo oo ay shacabku joojiyaan maadaama ay yihiin iska soo fadhiyayaal
aan wax Go'aan ah gaari karin arina aan hor is taagi karo wasiirna aan la
xisaabtami karo Cadde Muusana aan go'aan ku diidi karin oo ay fuliyaan oo
qura wuxuu damco.
Gudoomiyuhu waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka fakaraan aayahooda
mustaqbalka is la markana ay dhag u la haadaan waxa ku soo wajahan iyo
doorashada soo socda taasi oo uu Gudoomiyuhu ku tilmaamay mid u baahan ka
fakar dheeraad ah cida aad u dooranaysid madax iyo in ay san la mid noqon
madaxda hada Puntladn Hogaanka u haysa kuwaasi oo looga bartay buuyiri
Gudoomiyuhu Hogaan jilicsan oo aan wax macna wayn ah dalka iyo dadka u hayn.
Gudoomiyaha Xisbiga RPP daahir Ciiro waxa uu uga digay Shacab waynaha
Puntland in ay iska dhaga Tiraan waxa dantooda ah ooa y ku haleeyaan Golle
baarlamaan ah kuwasi oo iib saday Masiirkii Umada Puntland mar horena
miirtay Dhiigoodii hadana u diyaar ah in ay is daba raaciyaan xoogaaga yar
ee u harsan.
Sanadka Cusub waa in uu ahaadaa mid ka duwan kuwii hore shacabkuna ay la soo
baxaan Xisaabtan iyo kala xulasho dadka wax qabanaya iyo kuwa dhiigmiiradada
ah is la markaana ay ahaadaan kuwo u dhaga nugul danahooda mustaqbalka dhaw
iyo kan Fogba Geedkaad maanta beertaa waa kaad Lixdan jirkaaga Harsanaysid.
Si kastaba ha ahaadee Gudoomiyaha Xisbigamucaaradka ah ee Ramaas Daahir
Ciiro waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeeray
Madaxwaynaha DGPL Gen: Cadde Muuse ee uu ku kala diray Golaha wakiilada
Puntland isaga oo ka carooday Su'aalihii laga waydiiyay Xaalada Gobalka Sool
waxana uu yiri Gudoomiyuhu markii horeba ma ahayn in la doorto nin ka
caroonayay waxa dantiisa ah hadii aad ka caroonaysid Su'aal afka lagaa
waydiyay Maxaad madaxwayne Umada ugu noqonaysay oo aad isu soo sharaxaysay,
Hadii aad ka caroonaysid Su'aal lagu waydiiyay sidee isaga dhicinaysaa
Cadawga Sool qabsaday ma ka gaban mise waad u caroon yaad ka carootay yaadse
u carootay waa yaabe.
Waxaan uga digaynaa Umada Reer Puntland in aysan mardanbe wixii ku dhacay oo
kale aysan ku dhaqaaqin iayga ayaa isugu wacan in ay doortaan wax xun waana
waxaas ooo miiran waxa aan Dadka iyo Dalka Uga digaynaan.
Umadi ma halowdo imaa ay iyagu is Halaabiyaan oo ay ka leexdaan jidkii alle
Yiri raaca maahane umadii leexatana alle wuxuu ku qadiyaa nimcooyinkiisa
waxaana ku dhaca Hoog oo dhan ilaa inta ay ka toobadkeeenayaan.
Waxaan Umada Reer Puntland u sheegayaa in ay qabsadaan dariiqa alle is la
markaana ay ka fakaraan Dantooda gaarka ah iyo tooda Guud is la markaana ay
la Xisaabtamaan madaxdooda oo aysan iska daawacan xumaan iyo samaan waxa uu
samaynayo ee ay u sheegaan waxa uu ku qaldan yahay iyo waxa uu ku saxan
yahay kana fakaraan Mustaqbalka iyo Doorashada Soosocda.
Gudoomiyha Xisbiga Ramaas
Daahir Ciiro
daahirciiro@hotmail.com
Telk:747090
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2007


|