- Baarlamaanka Puntland oo doonaya
in ay jagadda madaxtinimadda ka qaadaan
Gen. Cade Muuse
- Puntland oo ceyrisay hayadda DRC
Baarlamaanka Puntland oo doonaya
in ay jagadda madaxtinimadda ka qaadaan
Gen. Cade Muuse
waxaa maalmahaan isa soo taraya dooda ka dhex taagan
baarlamaanka DGPL iyo Cadde Muuse taas oo dhalisay in madaxweynu
su'aalo ay weydiiyeen baarlamaanka uu ka jawaabi waayo kadibna
uu amar ku bixiyay in aan dib danbe liskugu soo noqon
arintan ayaa soo jiitameysay mudadaan.
Madaama magaaladda
laascaano lagala wareegay maamulka puntland ayaa madaxweynaha
mar walba iska dhaga tiraa wax ka qabashadeeda.
Dhanka kale qabaa'ilka ku dhaqan deegaanadda puntland ayaa samaystay gaadiidka dagaalka oo aan cidna ka amar qaadan
arintan oo sababi karta amman darro.
Ayadoo waqtiga madaxweynanimada ee Cade Muuse
gabaabsi yahay, kulanka baarlamnka ee axad ah muxuu keeni
doonaa ayaa shacabku is weydiinayaa. Puntland oo ceyrisay hayadda DRC
Waxaa Sabtidii laga ceeriyay magaaladda Garoowe hayad caalami
ah, oo lagu edeeyay in ay ku lug laheyd afduub loo geestay wariye
u dhashay france oo koox burcad ah afduubeen,
madaxii hayada DRC ayaa wasaarada qorsheynta ee puntland ku
amartay in uu isaga baxo puntland,
arintan ayaan aheyn mid ku cusub hay'adaha samafalka ka gaysta
deeganadda puntland ayadoo sanadkii aynu soo dhaafnay sidaan oo kale
laga eryay magaalada gaalkacyo hay'ad samafalka aan xuduuda laheyn MSF spain
taas oo kaliftay in ku dhawaad 200 oo qof shaqo la'aan ku dhacdo
qaar kalena ay macluul ugu dhintaan isbitaalka weyn ee magaaladda
gaalkacyo.
DRC waa hay'ad ay ka shaqeeyaan dad aad u fara badan
hadii gobolada puntland laga eryo waxeey keeni kartaa,
shaqo la'aan soo wajahdda dadkii shaqaalaha ka ahaa,
sandiyago oo wareysi siiyay somalitalk ayaa sheegay in arintan uusan
waxba kala socon amarka deg dega ah ee wasaaraddu soo saartay
wuxuuna sheegay in arintan ay u baahantahay ka fiirsasho.
Magaalada bosaaso oo wadooyinkeeda qaar la xiray xiran
Waxaa Sabtidii gabi ahaanba joogsaday isu socodkii baabuurta iskaga gooshi jirtay
magaaladda bosaaso wada weyn ee aada airporka ayaa xiran.
ayadoo wadooyinka lagu arki karay ciidamo hubeysan,
waxaa gabi ahaanba la'furay wadada isku xirta airporka bosaaso iyo gaaca
taas oo ah mid ay in mudo ah ka cabanayeen dad weynaha ku dhaqan bosaaso
khaasatan ganacsada.
daroowaladda ka ganacsadda tasiyadda yar yar ayaa arintan soo dhaweeyay
ayagoo sheegay in gudoomiyaha cusub ay soo dhaweyn doonaan
arintaana tahay arin ku dayasho mudan
arintan oo kale ayaa hadda ka hor laga sameyn magaaladda bosaaso
ka dib casilaadii duqii hore ee bosaaso iyo golihiisii deegaanka
ay is qab qabsi badan madaxweynuhu kala eryay
c/risaaq xareed ayaa waxaa loo doortay gudoomiyaha degmadda bosaaso
bishaan aan ku jirno asagoo muujinaya fir fircooni.
Sawir-Qaade
Faransiis ah, Gwen Le Gouil, oo Weli Afduub lagu Haysto meel u dhow Boosaaso
sawir qaadaha u dhashay dalka Faransiiska ayey weli haystaan dadkii
Afduubay.. warbixinkooban/sawirro.
c/qaadir xasan gooni
somalitalk.com
bosaaso
002525-90-751276
gooni2004@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2007


|