-
Dhibaatooyinka
haysta dadka ku soo barakacey qeybo ka tirsan
degmooyinka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
-
Xaflad looga
hadlayey Dhibaatooyinka ka jira Degmada Mataban ee
Gobolka Hiiraan oo maalintii Khamiista ka dhacdey
degmadaasi.
Dhibaatooyinka haysta dadka ku soo barakacey qeybo ka tirsan
degmooyinka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Dadka ku soo barkacey qeybo ka mid ah degmooyinka gobolada Galgaduud iyo Hiiraan
ayaa biyo la’aan ku haysataa degaanada Dhusamareb, Guricel, Balanbale,
Caabudwaaq iyo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Inkabadan 10,000 oo qoys ayaa dhibaatooyin ay isgu jiraan Cuno la’aan, Hooy
la’aan iyo biyo la’aan ay ku haystaa degaano kamid ah gobolada Hiiraan iyo
Galgaduud, deganada ay dadka sida ba’ani ugu soo barakaceen ayaa waxa akamid
Degmada Guriceel oo ka mid ah degmooyinka ay dadka sida faraha badan ugu soo
barakaceen iyagoo ka dhistey kaamamkii ugu horeeyey kuwaasi gaaraya ilaa sadex
kaam oo ka dhisan duleedka magaalada dhan koofureed iyo dhanka waqooyiba,
Qoysaskani soo barakacey ayaa tiradoodu gaarayasaa gaaraysaa in kabadan 5000
qoys iyagoo u baahan gargaar deg-deg ah.

Qaxootigaan ayaa qaarkood ku nool yihiin kaamamkaasi iyaadoo kuwa kalena ay ku
kor nool yihiin qoysas ay qaraabo yihiin, sidoo kale Dhibaatooyinka ugu waaweyn
ee ka jira waxaa ka mid ah, Biyaha la’aan baahsan, Raashinka oo aad ugu yar
iyagoo aanan awoodin inay iibsadaan, sicir bararka jira aawgiis, Nadaafada oo
aad u liidata iyo Hooy la’aan (Kaamaka ka dhisan duleedka magalaada oo intooda
badani aan si wanaagsan udhisnayn).
Sidoo kale degmooyinka ay dadka sida aadka ugu soo barakaceen waxaa ka mid
Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayadoo markeedii hore ay ku yaraayeen dadka
degan degmadani Matabaan haatana dadka ku soo barakacey waxa ay gaarayaan
tiradooda in kabadan 2750 qoys iyagoo ku kor nool dad ay qaraabo yihiin iyo kuwo
kale.
Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira waxaa ka mid ah, Biyaha oo gabaabsi ku ah,
Degmadani oo aanan lahayn goob Caafimaad, Hooy eey u ku nooladaan dadka soo
barakacey, Raashinka oo aad ugu yar iyo Nadaafada oo aad u liidata.
Degmada Balanbale ayaa ka mid ah degmooyinka ay sida aadka biyo la’aanta uga
jirto iyadoo fuustadii biyahana ay gaarayso 80,000 Sh.So. oo u dhiganta $4.00,
biyo la’aantaan ka jirta degamadaan iyo tuulooyinka ku hareersan ayaa waxa
sababay kadib markii ay sadex ceel oo ka mid ceelisha oo ku yaala degmadaani
inay jabeen iyagoo markoodii horena ahaya ilaa shan ceel taasina waxay sababtey
in qiimaha Biyaha sarakac ku yimaado, tuulooyinka ku hareersan degmadani sida
tuula Xeraale ayaa qiimaha Biyaha ay ku helaan ilaa 100,000 Sh.So. oo u dhiganta
$5.00
Isku soo duubo dhamaan dadkani soo barokacay ayaa u baahan gargaar deg-deg ah in
lala soo gaaro waayo goboladni waxa ay ku tiirsanyihiin dhaqaalahoda Xoolaha,
gaar ahaan gobolka Galgaduud abaaro maalin walin waliba malainta ka dambeysa
abaaraha ay ka sii darayaan taasina waxay dhibaato weyn ku abuurtey xaaalada
dadka so barakacay
Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
Xaflad looga hadlayey Dhibaatooyinka ka jira
Degmada Mataban ee Gobolka Hiiraan oo maalintii
Khamiista ka dhacdey degmadaasi.
Xafladni oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadaha
dibada ee Degmada Matabaan ayaa looga hadlayey
arimaha amaanka iyadoo ay kasoo qeyb galeen
odoyaasha, Culumaaudiinka, Maamulka,
dhalinyarada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee
bulshada ku nool degmadani, waxaana looga hadley
arimaha amaanka, dhibaatooyinka ka jira degmada
iyo sidii lagu xalin lahaa.
Degmadaani ayaa ka mid ah degmooyinka ay sida
weyn dagaaladii sokeeye u waxyeeleeyeen iyadoo
iminka aanan lahayn goob caafimaad, saldhig,
ceelal, inkasto bishii October 2008 ay hay’ada
wadaniga ee Ileys Foundation ka furtey dugsi
H/Dhexe kaasi oo ahaa kii ugu horeeyey ee
Degmada Matabaan laga furo kadib dagaaladii
sokeeye.

Ceelka Matabaan
Sidoo kale degmadani malaha goob Caafimaad
iyadoo dad aad u farabadan o gaaraya inkabada
2750 qoys ay kusoo barkaceen ayaa hadana
degmadani aysan lahayn goob Caafimaad, iyo goob
ganacsi marka laga reebo xooga yar oo ganacsi ah
kaasi oo aanan kaafi karin baahida ka jirta
degmada.

Cisbitaalkii hore ee Degmada Matbaan ayaa xiran
kadib burburkii dowladii hoose kaasii oo aanan
dib loo furin oo sidiisii wali u xiran,
degmadani ayaanan hoos tagin maamulka gobolka
Hiiraan iyadoo xad la leh gobolka Galgaduud
taasina ay sabab u noqotey in degmadani ay
dhexda ka baxdo iyadaoo labada gobolna uu mid
waliba midka kale ku haleeyo.

Gudomiyaha Degmada Matabaan Cabdulaahi Warsame
Xirsi Dabagooye ayaa ka Hadley xafladani isagoo
hadlayan waxuu yiri “degmadani dhibataooyin weyn
ayaa ksoo gaarey dagaldii sokeye laakiin hada
waa inana wax kaqabaanaa jaaliyadaha dibadana ay
gacan nagu siiyaan waayo degmadani waxay gashay
isku halay ay labada gobol ee Galgaduud iyo
Hiiraan ay isku haleeyaan mid waliba midka kale
tasina waxa ay sababtay burbur weyn oo soo garaa
degmadani sida isbitaalkii Degmada oo aanan dib
loo furin kadib dagaaladii sokeeye”.

Dabagooye
Gudoomiya oo soo kale ka Hadley dhanka
amaanaka waxuu yiri “Haatana dhanka amaanka
hadii ana ka hadlo aad buu u wanaagsanyahay
iyadoo degmadnina la isku halayn karo cid
walibana ay imaan karto, ciidanka amanaka waa ay
dhisney iyaga ayaa hada kadib shaqayn doono
amaankana sugi doono”.

Ceelka Matabaan
Amaanka degmadani ayaa haatana sidii hore ka
wanaagsan iyadoo la isku halayn karo imaanshaha
degmadani, sidoo kale waxa halkasi ay
dhibaatooyin ba’ani ku heystaan dadkii ku soo
barakacey degmadani Matabaan iyagoo aanan haysan
cuno, hooy iyo biyahii oo gabaabsi ah maadama ay
isticmaalaan hal ceel oo kaliya.

guryo burburay
Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
muxsin55@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 23, 2007


|