Bandhigga warbixinta Himilooyinka Horumarinta
Millennium-ka ee Soomaaliya:
Himilooyinka Horumarinta Millennium-ka
ee Soomaaliya:
MDG
Report (English Version)
Size:1.54 MB
MDG
Report (Somali Version) PDF
Dulmar
kooban
Bishii
Sibtember 2000, 147 Hoggaamiyayaal
waddan iyo dawlado wadar ahaan gaarayey
ilaa 191 ayaa meel-mariyey Baaqa
Millennium-ka oo xambaarsanaa
Nabadgalyo, xasilooni iyo arrimo dhinaca
Horumarinta la xiriiray. Intaas waxaa
weheliyey sida ay ugu dhaqaaween
taageerada dhinacyada dimuqraadiyada iyo
Xuquuqda bini’aadmiga, waxayna dejiyeen
siddeed Himilo oo taageerayeen
bartimaameedyo gaar ah oo ku wejahnaa
horumarinta iyo ciribtirka saboolnimada,
si loogu guulaysto sannadka 2015.
Warbixintan HHM-ku waxay sawir kooban ka
bixinaysaa horumarka Soomaliya ee ku
wejahan meel marinta bartilmaameedyadan
oo dhab ahaantii barta kala qaybisa inta
u dhaxaysa min bilowga 2000 iyadoo la
qorsheeyey in ka xaqiijin doonon
sannadka 2015.
Xaaladda Soomaaliya
Deegaanka
Soomaaliya waxa soo maray dhibaatooyin
lixaad leh oo ay saameeyeen dagaalladii
sokeeye iyo nabadgalyo la’aantii jirtay
in ka badan 16 sano, taas oo ay si
ba’an u waxyeeleeyeen misiibooyin kale
oo dabiici iyo dad samee ah sida
abaaraha, daadadka iyo adeegsiga
miino-dhuleedka.
Qiyaastii
in ka yar nus. Dadweynaha Soomaaliyeed
ayaa ku nool saboolnimo xad-dhaaf ah
kuwaas oo dakhligoodu ka yar yahay hal
US$ maalintii, halka seddex meelod meel
ay ku nool yihiin saboolnimo in ka yar
labo US$ maalintiiba.ilaa 400,000 oo
soomaali ah(qiyaastii 7% dadweynaha)ayaa
gudaha ku bara-kacay(IDP) iyadoo
haweenka iyo carruurtu ay saamayn weyn
ku yeesheen.
In ka yar
shan meelood meel Soomaalidu waa dad
aan aqoon lahayn, dalkuna waa kan ugu
hooseeya heerka ku biiritaanka Dugsiyada
waxbarashada qiyaaas
ahaan(18.8%).Saboolnimada, gaar ahaa
miyiga oo ay weheliyaan saamaynta ay
dagaallada sokeeye ku yeesheen aya lagu
qiyaasay ilaa 1.5 milyan oo carruur ah
inay ka horjoogsadeen dugsiyadii ay
tegoi lahaayeen. Furasadaha waxbarashada
iyo xirfad la’aanta awgeed ayaa u
horseeday in dhallinyaro badan meelaha
qaarkood inay ku biiraan maliishiyada
hubaysan oo u noqotay tub ay nolol ka
helaan.
Dhinaca
dhegddig-laboodka ayaa iyaguna ah arrim
mudnaan gaar ah leh,iyadoo tiro gabdho
ah oo aad uga yar wiilashu ay dugsiyada
tagaan.
Natiijada
waxbarasho la’aanta dheddigga- oo ay
bar-bar socdaan arrimha kale ee
dhaqanka iyo bulshada-ayaa gacan ka
gaysta dhibaatooyinka la xiriira
fursadaha xogta daryeelka caafimaadka,
taas oo gacan ka gaysata kororka xaddiga
dhimashada hooyada uurka leh taas oo ka
mid ah kuwa dunida ugu liita.
Dhimashada
Carruurta iyo dhallaanka, ayaa iyaguna
ugu sarreeya dunida.cudurrada
shubanka,caabuqa neefmareennada iyo
duumada ayaa iyaguna dilaagga ugu ba’an,
iyadoo daryeelka caafimaadkana ay
saboolnimadu xakamaysay.
Xaalufka
baahsan ayaa caqabad ku noqday
heer-nololeedka bulshada, taas oo sii
xoojisay cabsidii ka dhalatay burburkii
qotada dheeraa ee hore u saameeyey
deegaanka. in ka yar nus dadweynaha ayaa
hela fursado faya-dhawr iyo in ka yar
afar-meelood oo hela fursad biyo-nadiif
ah. Loolanka ilaha biyaha ayaa xilliyada
abaabraha iska-horimaadyo ay ka
dhashaan.
Adeegyada
asaasiga ah iyo fursadaha suugayntu waa
ay xaddidan yihiin, iyadoo caqabado
dheeraad ahna lagala kulmo dhinca
kobcinta dhaqaalaha. Maadaama ay maqan
yihiin hay’adihii dawliga ahaa, waxaa
fursadihii adeegyada buuxiyey hay’adaha
gaarka ah, bulshada maxaliga ah iyo
ururrada bulshada halkaas oo ay ka soon
if-baxeen hannaan loogu adeegayo baahida
asaasiga ah ee dadweynaha.
Nooca
iskaashiyeed ee ku dhisan maxalliga iyo
heer gobol iyo hay’adaha caalamiga ah oo
gacan ka gaysta heer qaran si goobaha
qaarkood loo xaqiijiyo HHM-ka.
Barnaamijyada iyo hawlgallada ayaa
xoojiyey kororka ku biiritaanka
dugsiyada hoose/dhexe, hoos-u-dhigidda
dhimashada carruurta, kobcinta
caafimaadka hooyada iyo xakamaynta
saboolnimada xad-dhaafka ah iyo
gaajada.
Dhanka
kale, qaar ka mid ah tilmaamayaasha ayaa
iska taagan ama xitaa sii xumaaday,
iyadoo qaarna aan la qiyaasi Karin
iyadoo aysan jirin xog sugan oo laga
hayo.
Somaaliya
hoos uma dhigi karto saboolnimada,mana
xaqiijin karto HHM-ka haddii aysan
dardar gelin kordhinta dhaqaalaha.
Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysigu waa
laf-dhabarka dhaqaalaha, waana inay
xuddun u noqdaan istraatiijiyada
hoos-u-dhigidda saboolnimada. U
suuragelinta deegaanka dhinaca
maalgashiga ganacsiga yar yar, iyana waa
muhiimad la mid ah. Maadaama
saboolnimadu ay sii kordhisay kharat
dagaalka sokeeye iyo ammaan darrida,
hoos-u-dhigidda saboolnimadu waa muhiim.
Haddii aan nabadgelyo iyo amaan la leh,
waxba lama xaqiijin karo.
HHM-ku
waxay matalaysaa heshiis u dhexeeya
waddamada saboolka ah iyo beesha
caalamka inteeda kale. Waxay Soomaaliya
u baahan tahay iskaashi waddamada
deriska ah iyo mid baahsan oo ay la
wadaagto deeq-bixiyayaaha.haddii dalku
uu ka soo kabanayo sanooyinkii dagaalka,
ayna u hawlgalaan muwaadiniintiisa.
Warbixinta HHM-ka ee Soomaaliya waxay
tilmaamaysaa baahida dadaal dheeraad ah
oo dhammaan lagu xoojinayo asaaska
toganaha ah ee loo dhigayo xaqiijinta
inaan dalku mar kale dib ugu laaban
colaadihii hore u soo maray.
S iyo J
- Ma
jiraan wax ku cusub HHM-ka?
Taasi waa dhab,
mana jiraan wax ku cusub ama muhiim ah arrimaha
HHM-ka. Waxa cusub in la cusboonaysiiyo qaababka
lagu ansixiyey heer caalami iyo Waddan ee lagu
taabbagalinayo siyaasasaha la filayo inay
horseed ka noqdaan guulaha HHM-ka.
Ugu horreyntii,
Himilooyinku waxay leeyihiin bartilmaameedyo
gaar ah oo tirsan. Tan labaad, waxay leeyihiin
waqti sugan. Tan seddexaad, waxa jira waxqabad
siyaasadeed iyo heshiisyo caalami ah oo lagu
wejahayo saboolnimada bini’aadmiga taas oo ah
ajendada saldhigga u ah iskaashiga caalamiga ah
iyo caqabadaha waddamada hodanka ah ee ku
wejahan deeqaha ay fidiyaan.
Dddhab ahaantii,
Waa in Himilooyinku ay waafaqsan yihiin
bartilmaameedyada lagu heshshiiyey ee heer
qaran oo isku-dheellitirka rabitaanka iyo
xaqiiqda jirta. Nidaamka QM wuxuu gacan ka siin
doonaa waddanada dhismaha awoodaynta xirfadaha
heer qaran iyadoo la deegsanayo xogta ku
salaysan dejinta siyaasadda, barnaamijyada iyo
sidoo kale, la socoshada iyo qiimaynta. Waxayna
taageeraysaa horumarinta nidaamka tira-koob
lixaad leh oo heer qaran iyo xog asaasi ah oo
isticmaali doono hab-raacyada warbixinta oo laga
diyaarinayo Himilo kasta.
Waa arrin iska cad
inay caabado la xiriira xaqiijinta xogta waddan
ilaa nus ka mid ah dadweynihisu ay ku nool
yihiin saboolnimo xad-dhaaf ah, kuwaas oo in ka
yar Rubuc ay helaan biyo nadiif, balse
maadaama ay arrimahan sin kooban u wejahayaan
HHM-ka, dhab ahaantii way ku habboon yihiin
Soomaaliya.
Waxay ku baahan
doontaa dadaal weyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo
Himilooyinka, islamarkaana xaaladda Soomaaliya
sina uma fududa meel marinta arrimahan. Balse
waxaa jira tallaabooyin ficil ahaan uga
tarjumaya dadka Soomaalida oo si wacan
noloshooda wax uga qaban karaan – waxa ay
yihiinHHM-ka.Tusaale,waxaa ka jira in ka badan
400 xarumo caafimaad oo fuliya adeegyda
daryeelka hooyada iyon dhallaanka, marxalada
dhalmada ka horreeya iyo xilliga dhalmada,
saamaynna ku yeeshay nafaqaynta hooyada iyo
yaraynta dhimashada dhallaanka, tallaalka
dhallaanka oo yareeya xaddiga dhimashada.
Inskastoo aan la oran Karin adeegyadani waa ay
sahlan yihiin mar walba, balse is-beddel ay
samayn karaan, ayaa Soomaalida qudheedu gacan
ka gaysan karaan.
Lix iyo tobankii
sano ee ay colaaduhu ka jireen Somaaliya, kama
aysan horjoogsan waajibaadka xaqiijinta HHM-ka;
waxayna dhammaan muujiyeen muhiimad lixaad leh
3. Miyey
caddahay inay Soomaaliya fursad yar ku
xaqiijin karto HHM-ka. Maxaa la qaban karaa
si arrimahan loo dhaqaajiyo?
Dhab ahaantii,
dhawr arrimood ayaa imminka Soomaaliya aad uga
hooseeya heerkii dhawr sano ka hor, kuwaas oo u
baahan in la dar-dar geliyo si horumar dhab ah
looga gaaro.
Himilo kasta waxaa
hoos taga arrimo u baahan in la fuliyo.
Middkastana wuxuu u baahandoonaa dhaqaale,
dhisme hay’adeed, teknooloji, kaabayaal iyo
maalgelin kale. Nabadgelyo,xasilooni iyo jawi
siyaasadeed oo deggen ayaa saldhig u ah
xaqiijinta bartilmaameedyadan.
Qorshaha
Dib-u-soo-kabashada iyo horumarinta dalku wxuu
ku salaysan yahay seddexdan arrimood ee
jmuhiimka ah”
- Nabadayn
qoto-dheer iyo dib-u-dhiska maamul wanaag
iyo ku dhaqanka sharciga
- Xoojinta
adeegyada asaasiga ah(waxbarashada,
caafimaadka iyo biyaha)
-
kaabaysaaha iyo hawlaha kale ee kobcinta
dhaqaalaha, shaqaalaynta iyo dakhliga.
4. Ma
jiraan labo ama seddex ka mid ah HHM-ka oo
Soomaaliya loo xuli karo oo xoogga la saaro,
halkii dhinacyo badan laga wejihi lahaa
iyadoo dhaqaaluhu xaddidan yahay
nooc kamkid ah
HHM-ka ayaa u baahn insi gaar ah xoogga loo
saaro.marka la muujinayo himilda sida
waxbarsahada asaasiga ah ee caalamiga
ah,tusaale, ma ah mid waqti dheer qadan doonta,
ka hor inta an loo gudbin noocda calculus ee
isku-dheellitirka dheddig-laboodka, cudurrda la
isku gudbiyo iyo saboolnimada.
HHM-ka lama kala
go’doomon karo ee waa isku xiran yihiin.
Tusaale, saboolnimadu waxay salka ku haysaa
dhibaatooyin fara badan. Haddii Soomalidu aysan
sabool ahayn, dhibaatooyinka kale waa la xallin
lahaa. Waxaa furad loo heli lahaa biyo nadiif
ah,cunto nafaqo leh iyo waxbarasho iyo daryeel
caafimaad. HHM-ku wxuu ku wejahan yahay
cirib-tirka saboolnimada xad-dhaafka ahiyo
gaajda, waayo waxay horeedi karaan horumar goobo
farabadan laga gaaro.
-
Inkastoo dhammaan HHM-ku ay mudnaan siman
leeyihiin, ciribtirka saboolnimadu dhab
ahaantii ma ahan tan ugu muhiimsan?
Miyeysan dhammman dhibaatooyinka kale ee
Soomaliya saamayn ku lahayn arintan awgeed?
Eeg kor
6. Waxaad
xustay waxqabad iyo dhaqaale dheeraad ah oo
deeq-bixiyayaasha laga helo, haddii la
doonayo fursad ay Soomaliya ku xaqiijin
karto HHM-ka. Sidee looga hirgelin karaa
jawi aan xasiloonayn,iyadoo ilaa imminka
waxqabadku aad u yar yahay?
Labo arrin ayaa
jira. Tan hore, waa iyadoo ilaa xad daal iyo
niyad-jab ay deeq-bixiyayaashu kala kulmeen
xiriirka Soomaaliya. .tani dhab ahaantii waa
faham la’aan. Waana culays iyo khatar in laga
hawlgalo jawi aan xasiloonayn, iyadoo
hay’aduhuna niyad-jab kala kulmaan marka ay
arkaan dib-u-dhaca mashaariicda, ayna feejignaan
ka muujiyaan khatarta shaqaalahooda awgeed.
Xaqiiq ayaa jirta,
waana inaan iyada ku shaqaynaa.
Dhibicda labaad,
dadaal joogto ah oo laga sameeyey goobo
Soomaliya ka mid ah ayaa hawlgallada
isku-duwidda iyo horumarintu xaqiijiyeen qaar
ka mid ah sheekooyin xiiso leh. Isticmaalka
Dheryaha Qadceedda Solarka ku shaqeeya oo lagu
daray siyaasadda qaranka ayaa hoos u dhigay
waxyeelayntii dhirka iyo dhoofinta dhuxusha.
Waxa iyan soo kordhaya daaweynta batayeysan ee
adadka qaba dulinka HIV/AIDS-ka,iyadoo carruur
badanna lagy seexiyo maro-kaceeco daaweysan.
Waa inaan hoos loo
dhigin dadaalada noocaan ah iyo natiijooyinka la
xaqiijiyey ama waxqabadka imminka loo baahan
yahay.
- kuma
wejahna oo keliya arrimaha la cabbirin maro
halkii laga xaddidi lahaa. Waa maxay
dhibicda tilmaamaysa in carruurta Dugsiyada
hoose/dhexe ay gaarayaan 45% haddii aysan
buugaag jirin ama tababbarad macallimiintu
ay liitaan?
Qiimayntatayeysan
waa xudunta ugu muhiimsan marka loo dhaqaaqayo
asaaska iyo la socoshada hannaanka ka dhanka ah
bartilmaameedka, balse waxaa iyana mudnaan gaar
ah leh xogta tiraynta. Wax badan oo ay adagtahay
in la cabbiro ayaa jira, balse waa ay
haboontahay in wax badan la qiyaaso halka
celcelis tiro oo keliya laga samayn lahaa.
HHM-ka muhiim ma
ahan tayo, balse waxaa loo baahan yahay waxqabad
dhab ayh oo faa’iidooyinkiisa laga dhex-arki
karo hadafka HHM-ka. Tusaale, dhinaca
waxbarashada Soomaaliya, waxaa xusid mudan
iskaashiga ka dhexeeya WFP, UNICEF and qaar ka
mid ah Hay’adaha aan dawliga ahayn(NGOs) oo
quudiyey 117 dugsi goobaha ay abaaraha iyo
dagaalladu saameeyeen, kuwasoo ay ilaa 33,000
arday ay heleen. Waxay kaloo tababarro u
fidiyeen 1800 hormuudyada macallimiinta.
Barnaamijyadanin waxy kordhiyeen tayada iyo
waaya-aragnimada waxbarashada ardayda wallow
aysan xogtu waafaqsanayn HHM-ka.
- sida ay
xustay xogta Soomaaliya ee (koofurta iyo
bartamaha)inay ku tusmaysan atahay xaalad
gurmad bini’aadminimo, sidee ayeye ugu
habboontahay HHM-ka?
Dhammaantood
waxaay kusugan yihiin xaalad qalafsan. Mana
sahlana in si fudud lagu xaqiijiyo, balse dhab
ahaantii waxay muujinaysaa mudnaanteeda.
- Mmmaxaa
ku dhici doona Soomaaliya? Si cad waxa u
muuqan kara inaan la xaqiijin HHM-ka
sannadka 2015.
Waddamadu way kun
kalduwan yihiin marxaladaha socdaalka lahgu
higsanayo HHM-ka. Waa dhan in Soomaaliya ay ka
mid tahay waddamada horumarkoodu hooseeyo,iyadoo
arrimuhu meelaah qaarkood dib-u-dhac ku yimid.
Rajo ayaa jirta,
balse haddii madaxda dalku ay si adag isga
xilsaaraan waajibaadka sare u qaadista heerka
nolosha saboolka ah,arrimuhu waa hagaagayaan.
- Immisa
ayaa bixi doonta xaqiijinta HHM-ka
Soomaaliya? Mase danaynayaan
Deeq-bixiyayaashu inay taageeraan?
Dhab ahaantii waa
ay adagtahay in la ogaado inta ku bixi karta
xaqiijinta HHM-ka Soomaaliya. Barnaamijka
dib-u-soo-kabashada iyo Dib-u-dhiska(RDP) ee
Qorshaha kala guurka ah ee QM iyo warqadda
istraatiijiyadda dalka ee Midowga Yurub(EU) oo
dhammaantood ku wejahan siyaasadda iyo horurka
dhaqaalaha.
Qiimaha
barnaamijka(RDP) ayaa lagu qiyaasay US$2.2bn.
nooca maaliyadan ayaa loogu lato galay
xaqiijinta gargaarka HHM-ka. Hadba sida ay
Soomaalidu uga guulaysato xasiloonida iyo
nabadda ayaa ku dhiirigelin doonta inay hay’ada
deeqda bixiyaa waxqabad dhab ah la yimaadaan.
- DFKMG
ahi diyaar ma u taahya hufnaanta maamulka ee
HHM-ka?
DFKMG ah waxa
horyaalla caqabado shuruudaha abuuritaanka jawi
xasiloon oo Soomaaliya ka abuurma – waa arrin
caadi ah waddamada dunida oo dhan – inay xil
adag iska saaraan mas’uuliyadda muwaadiniinta.
Waxaa jiraa dadaal lixaad leh oo ku wejahn
taageerada DFKMG ah min hay’adaha kale ee
horumarinta iyo kobcinta heerka nolosha
Soomaalida.waa muhiim kmarka hore inay DFKMG
ahi la timaaddo waxqabad lagu xaqiijinayo HHM-ka
sida ugu habboon ayna weydiisato kaalmo
deeq-bixiyayaasha iyo La hawlagalayaasha marka
ay u baahdaan.
Dadaalka ugu mudan
waa sidii loo xaqiijin lahaa nabadda iyo
dib-u-heshiisiinta. Dadaalladani waxay raad ku
yeelan doonaan HHM-ka iyo sidii ay
Hoggaamiyaasha dalku iskaga xilsaari lahaayeen
Samafalka dadka Soomaliyeed.
- Sidee
ayey uga faa’iidaysan doonaan HHM-ka dadka
kala duwan ee Soomaaliya marxaladda
coladaha?
Dhab ahantii,
marka xasilooni la helo,muwaadiniinta Soomaalidu
way ka faa’iidaysan doonaan HHM-ka. Mashaariicda
ay beesha caalamku taageerayaan way ka socdaan
qaybo badan oo Soomaaliya ah, dhammaantoodna
waxa la faray taabbagalinta HHM-ka.
- sidee
ayey HHMku gacan uga gaysan doonaan
xad-gudubyada ka dhanka ah habeenka iyo
arrimaha ugu waaweyn ee kala dheeraynta
dhalmada?
Arrimaha dhaqanka
iyo diintu aad bay xaasi u yihiin, waana in loo
wejahaa si taxadar leh. Qaar ka mid ah hay’adaha
La hawlgalayaasha ayaa ku tallabsaday arrimahan
iyaga ah. Marka nabadgelyo laga helo Soomaaliya,
ayaa laga rajaynayaa in dawladdu ay saxiixdo
shuruucda caalamiga ah ee kala duwan ee laga
doonayo inay dawladdu ilaaliso noockasta oo
xad-gudubyada ka dhanaka ah xuquuqda ay
leeyiihn. Iyadoo caalamku kula xisaabtamayo
dalkasta oo ku gabood-fala heshiisyan. QM iyo
la hawlgalayaasheeda Soomaliya waxay si aad u ah
u danaynayan sare u qaadista arrimaha nolosha
haweenka la xiriira.
- Waa
maxay sababta aan warbixintan Somaliland
loogu soo bandhigaynin?
Dhammaan QM way
ka hawlgashaa soomaaliya, taasina way iska
caddahay inay Somaliland ku jiro. Warbixnta
HHM-ku waxay ka kooban tahay xogta min dhammaan
gobollada Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.
Waxaa jirta laba
sababood oo ann loogu soo bandhigaynin halkaas.
Tan kowaad, wa iyadoo dawladda Somaliland aysan
mid doonayn, iyadoo taas ku salaynaysa inay
gooni qaranimadeeda gooni isugu taagtay,
inkasyoo aysan taasi aysan ku salaysaana
warbixinta HHM-ka iyo hawlgallada QM ay ka
fuliso Soomaaliya inteeda kale.
Tan labaad, oo
aad muhiim u ah, QM iyo dawladda Soomaaliya oo
aad u danaynaya in ilaa xad sare loo qaado
saamaynta ay warbixintani ku yeelan karto
goobaha lagu soo bandhigayo ee caqabadaha adag
ay horyaalaan xaqiijinta HHM-ka. Somaaliland
waxay ka jira hay’ado iyo kaabayaal wax ku ool
ah,kuwaas oo si macquul ah looga rajaynayo
horumar weyn marka loo eego Soomaaliya inteeda
kale. Hase yeeshee, waxaa muhiim ah in la
fahmo, xitaa maqnaanshaha noocan kaabayaasha
dawladda iyo mamuulka, arrimuhu waa bilowgii
sidii Soomaaliya hore loogu dhaqaajin lahaa
shuruudaha hawlgallada ee ku wejahan HHM-ka.
La xiriir:
Namita Mediratta
namita.mediratta@undp.org ama
Sue Morrell
sue.morrell@undp.org , ama telephone +254
720 204 992.