Ma Ilaah bay caabudaan mise Zenaawi?
Ilaah baa mahad leh nabadgalyo iyo naxariisna Nabi Maxamed korkiisa
ha ahaato.
Waxaan aad uga xanuunsanayaa in dalkeygii uu gumeysi ku jiro
dadkeygiina xasuuq laggu hayo, waxaa intaan aduunka ku noolaa igu naxtin
badnayd maanlintii dalkeygii la qabsaday ee cadow ka soo duulay Addisa
Ababa la wareegay caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho. Balse waxaa iiga
sii darneyd markii aan daawaday cajalad laga soo duubay xasuuqii loo
geystay shacabakeena, oo kumanaan meydad ah la iskor saaray siddii
raashiin la rarayo oo kale oo meydadka qaarkoodna ay dildilaaceenba.
Waxaa taa ka sii darnaa markii ciidamada kufaarta ee tigreega ah ay
ku dabaal degayeen xaruntii hore gaadiidka ee xaafadda Xamar jabjab,
horay ayay Soomaalidu ugu maahmaahday “Cimrigaaga oo raagga geel
dhalayo ayuu ku tusaa”, miyaanse moodayay iney tani ii harsan tahay,
midba middaa kasii daran, tanna waa tan iigu dhalisay ama igu xambaartay
inaan maqaalkan ka qoro. Markii aan Universal TV ka daawaday
dhibaatadii ay kufaarta Tigreega u geysteen masaajidyada oo ah inay ku
saxaroodeen meelwalba masaajidka kamida kitaabadiina ku tunteen, isku
soo duuduubo dhamaan intaan kor kusoo xusay iyo inkale oo farabadan oon
halkan lagu soo koobi karin waxaa na baday dabadhilifyada u shaqeeya
kufaarta Tigreega iyo gaalada kasoo duushay Itoobiya sanad ka hor.
Kaafirka Zenaawi oo muddo ku noolaa Soomaaliya ayaa weligiiba ku
hamiyi jiray inuu qabsado gayi’geena oo ilaa iyo 17dii sano ee lasoo
dhaafay ku howlanaa kala qayb qaybinta shacabka Soomaaliyeed wuxuuna
adeegsan jiray dabadhilifyadiisa loo yaqaan hogaamiye kooxeedyo oo ah
kuwa ugu liito dadkeena, kadib markii shacabka kacdoomay ee iska eryey
dabadhilifyadii Zenaawi; markaa kadibna ay samaysteen maamul islaami ah
oo nabad kusoo dabaalay dhamaan gobollada koonfurta Soomaaliya ayay lama
huraan u noqotay dowlada Maraykanka iyo Zenaawi inay kusoo duulaan
wadankeena si loo baabi’iyo maamulka Isbahaysiga maxkamadaha islaamka oo
waqti yar dhisnaa.
Dabadhilifyada Zenaawi oo marnaba mugdi inoogu jirin inay caabudaan
kaafirka Zenaawi, taasi waxaa tusaale inoo ah qof walba oo jago sare loo
magacaabo intaan la dhaarin wuxuu aadaa Addis Ababa si uu ugu soo
sujuudo Zenaawi. Waxaa xaqiiqo ah dabadhilifiyada gumaysiga usoo
horseeday gayi’gayaga markay la kulmayaan mas’uuliyiinta maamulka
Tigreega inay si sujuud ahaan u salaamaan, waxaa kaloo cadayn inoo ah
inay caabudaan Zenaawi markii dadkooda oo la xasuuqayo iyo masaajidyadii
oo ihaano loo geysnayo aysan ka damqan kari waayeen kana jiriricoon
waayeen miyeysan taa inoogu filnayn inay caabudaan kaafirka wayn ee
Zenaawi, mise waxbaa inoo harsan……?
Markii ay hadlayaana waxay yiraahdaan waxaan la dagaalameynaa
Islaamiyiinta tasoo macnaheedu lamid tahay ineysan iyagu islaam ahayn
aysana caabudin Ilaahay (SW). Waxaan u soo jeedinayaa suxufiyiinta
Soomaaliyeed iney si taxadir ah iskaga ilaaliyaan marka ay aqrinayaan,
qorayaan amaba soo tebinayaan wararka ereyada qaarkood ee ay ka mid
yihiin Islaamiyiinta IWM. taasoo micnaheeda noqon karta weriyaha warka
akhrinayo ama qoraya inuusan aheyn qof Islaam ah.
Horaa dabadhilifyada waxaa ugu fidyooday culumada Soomaalida ugu
waaweyn kuna tilmaamay murtadiin, marka haddii aanu sidaa ogaanay maahan
inaan waqti ku lumino ama ku mushquulno murtadiintaan caabuda Zenaawi.
Haddaba haddii xaalku sidaa uu yahay Maxaa la gudboon shacabka
Soomaaliyeed?
Aragtidaydu waxay tahay waa sidan:
- Waa inaan mideynayaa xoogageena oo idil taasoo inoo
noqonayso laf dhabarka guusha, sidaan la soco islaamka wax badan
ayuu ka hadlay midnimada uuna inooga digay tafaraaruqa sida
aayadan inoo cadeynaysa “Qabsada xariga ilaahay idinkoo wada
jiro, hana kala tafaraaruqina”.
- Waa inaan u dagaalanaa ilaahay dartii si aan u difaacno
dalkeena iyo dadkeena aysan ku jirin ujeedo kale oo ka dambaysa,
si daacadnimo ahna ay ku dheehan tahay aanan sugina inaan ku
helno jago ama hanti badan.
- Waa inaanu ku sabirnaa dhibkasta oo naga soo gaaro jihaadka
aan kula jirno gaalada nagu soo duushay waayo sida ay aayad
quraan ah noo sheegayso “In gaaladu laftooda uu xanuunka gaarayo
mid lamid ah kan idinka idiin gaarayo, walowse aad idinku dheer
tihiin rajo aad ilaahay xaggiisa ka sugaysaan iyaguse aysan
waxba sugaynin”.
Waxaan hadalkayga kusoo gabagabaynayaa 3dan qodob ee aan kor kusoo
xusay oo ay muhiim u tahay u dagaalanka xaqqa, sidaanu la socono gaaladu
markaad dusha ka fiirisid waxay u muuqdaan kuwo midaysan laakiinse aysan
ahayn kuwo midaysan oo shakhsi walba leeyahay dan gooni ah; mana laha
sabir ama adkaysi ay ku adkaystaan markuu dhibka ku dhaco. Sida runta
maalmihii lasoo dhaafay guushu way soo bidhaamaysay cadowguna wuu
jabayay (Ninkii dalka dhoof ku yimidaa geeridu dhibaysaa), taana waxay
ku timid shacabka oo gacmaha is qabsaday. Waxaana inagu haboon inaanu
is xisaabino qof walboo maxaad gacan ka gaysatay taariiqduna way qori
doontaa Ilaahayna raali ayuu inoogu noqonayaa.
Marka walaalayaal waxaa inoo balan ah inaan xaqa u dirirnaa
inshalah.
Waxaa qoray C/qaadir Axmed Muumin (Gaduudow)
Email:
abuuyusra10@hotmail.com