SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


:::NEW YORK TIMES: ONLF:::
ONLF
Sida ONLF u difaaceyso Batroolka
:::SOMALIA: A NATION IN RUIN::

Daawo Xasuuqii Bakaaraha
:::SOMALIA: BLOOD FOR OIL:::
Video
Blood for Oil in Somalia

Agaasimaha Warfaafinta Xisbiga Ramaas oo loo magacaabay Maxamuud Cumar Bille - Dec 18, 2007

Dec 18, 2007: Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano RPP Daahir C/qaadir (Ciiro) ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Agaasimaha warfaafinta Maxamuud Cumar Bille kaasi oo is la maantaba xilkaasi qabtay.

Daahir Ciiro oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa kaga hadlay sida wayn ee Xisbiga Ramaas uu ugu baahan yahay Xubin Fir Fircoon oo Xaga Warfaafinta ah is la markaana Sheegay in Xisbiga Ramaas markii uu la tashaday Xubnaha joogtada ah ee Xisbiga uu u magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Xisbiga In uu noqdo Maxamuud Cumar Bille oo horay uga soo shaqeeyay Saxaafada Gudaha iyo dibedaba.

Maxamuud Cumar Biile oo isaguna halkasi ka hadlay ayaa ka waramay Aqoontiisa uu u leeyahay xaga saxaafada iyo tiisa warfaafineedba waxana uu sheegay waxana uu tafaasiil gaaban ka baxshay aqoontiisa isaga oo ku bilaabay sida tan.

Waxaan ka baxay Jaamacado Dalka iyo Dibedaba ah (online)
PCC Garowe Maamulka iyo maaraynta iyo Xisaabaadka Corespndance xaga saxaafada ahna waan ka abxay
Forte Hare university (South Africa) public Financial Planning Course
Africa Virtual University AVU ( Nairobi) Budgeting Course
Freetown College ( English Language and Reportage Skills Correspondance
Sidoo kale maxamuud Cumar Bille waxa uu keeshay in uu leeyahya Khibrad shaqo oo xaga Saxaafada ah waxana uu yiri
waxaan u soo shaqeeyay Haada LVIA Italia Xoghayn
Xisaabiyaha punpetco and Kalis
Xisaabiyaha Nugal Electricity (NEC)
Xisaabiyaha Puntland State University (PSU)
Isla markaana ahaa sarkaal ka tirsan mamulka
Maamulaha Xarutna Center for Professional Studies (CPS) Garowe
Agaasimaha Guud ee Radio Garowe
wariye u soo waramay saxaafada Gudaha iyo Dibadaba isaga oo sheegay in uu warka siin jiray Idaacado maxali ah iyo kuwo madaxbanaanba islamrkaana warka u diri jiray jornaalistayaal badan oo isugu jira ajaanib iyo Somali kuwaasi oo ku warma luuqadaha Somali iyo English.
sida buuyiri
Kaah Bari garowe
Radio garowe
Daily star paper ( South africa)
Focus on Africa
Network Africa
Radio China international
Websites

Hadana si ku meel Gaar ah ula shaqeeya Haayadaha Caalamiga ah
Intaa ka dib ayaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah waxa uu shegay in uu shirkan Jaraaid ku saabsan yahay Araasimahan la magacaabay iyo taariikhdiisa aqooneed balse maal maha soo oscda si wayn Xisbigu uga hadli doono xaalada dalka iyo wixii shalay ka dhacay Hoolka Shirarka ee Baarlamaanka DGPL isaga oo Gudoomiyuhu sheegay in ka Xisbia ahaan ay si aad ah uga xunyihiin Falkii uu ku dhaqaaqay Madaxwaynaha DGPL kaasi oo ahaa mid aad looga Xumaado qof macquul ahna uusan ku dhaqaaqin.

Faahfaahin::

Agaasimaha Warfaafinta Xisbiga Ramaas oo maanta loo magacaabay Maxamuud Cumar Bille.

Gudoomiyaha Xisbiga RPPP, Mudane. Daahir Ciiro ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ka dib makuu dalka ku soo laabtay kaga waramay xaaladaha dalka iyo socdaalkiisii uu kaga soo qayb-galay shirar kala duwan.
Daahir Ciiro wuxuu sidoo kale u sheegay Saxaafada in ay lagama maarmaan noqotay in Ramaas yeelato qof aqoon iyo khimradba u leh Saxaafada, sumcadna ku leh Bulshada oo la yaqaan.
Gudoomiyuhu wuxuu halkaas ka akhriyey Digreeto uu ku magacaabay Maxamuud Cumar Bille(Medani) Agaasimaha Warfaafinta ee Xisbiga RPP.

Maxamuud Cumar Bille wuxuu ku dhashay G. Nugaal , gaar ahaan dooxada Carmaale 1977.
wuxuu waxbarashada quraanka iyo tan asaasiga ah ku dhamaystay Garoowe.
Maxamuud Cumar Bille wuxuu sidoo kale ka baxay PCC-Garoowe oo uu ka bartay Management, Accountany, Information Technology and Communicative English Language.
Wuxuu sidoo kale, ka baxay Jaamacado dibada ah, sida Indiana Uniersity(U.S.A) oo uu ka bartay Saxaafada habka loo yaqaan Correspondence, Forte Hare University(South Africa) oo uu kaga baxay Public Financial Management Course, African Virtual University oo uu ka qaarat Course Budgeting ah.
iyo Free-Town College oo uu habka OnLine kaga qaatay English Literature and Reportage Skills.

Dhinaca Shaqooyinka.

Wuxuu u soo shaqeyey hay'ad Talyaani ah, oo la oran jirey LVIA.(Xog-hayn).

Wuxuu soo noqday Xisaabiyaha Guud ee Baraanjiga Puntland Petroleum Company and Kallis Garoowe.

wuxuu ahaan jirey Xisaabiyaha Guud ee shirkada Nugal Electricity Co-operative(NEC) Garowe.

Wuxuu ahaan jirey Xisaabiyaha Jaamacada Puntland State Univerity-Garoowe isla markaasna wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska maamulka.

Wuxuu sidoo kale ahaan jirey maamulaha xarunta CPS-Garoowe(Center for Professional Studies.

Wuxuu soo qabtay xilka Agaasimaha Guud ee Idaacada Bulshada Garoowe(Radio Garoowe).

Wuxuu ahaan jirey weriye madaxbanaan oo wararka siiya saxaafada gudaha iyo tan caalamiga ahba, wuxuu wararka siiyaa BBC World Service, Focus On Africa, Network Africa, African Star Magazine South Africa, Saxaafada China ,iyo websaydyada loogu akhriska badan yahay.

Maxamuud Cumar Bille waa nin dhalinyaro ah oo ay wada yaqaaniin suxufiyiinta Puntland oo aad firfircoon wuxuu u doodaa Cadaalada iyo Sinaanta, waa ninkii dhalinyarada ahaa oo ugu horeeyey oo canbaareeya musuq-maasuqa iyo Cadaalad-darada ka jirta maamulka iyo Fursadaha shaqo ee Puntland , isagoo dood ay rabtay in ay u qabato VOA Laanta Afka-Soomaaliga isaga iyo Hay'adaha , iyo Wasiiro sida Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland , C/nuur Maxamuud Cilmi Biindhe uu waiirku taleefoonka ka densaday xaqiiqda jirta awgeed ee uu Maxamuud sheegi lahaa.

Ugu danbeyn Maxamuud Cumar Bille waa nin dhalinyaro ah oo wadani ah, aana qabyaalad iyo eex midna ku shaqaysan.

Nimco Cali Siciid- Garoowe-Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com