SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Isbahysiga Dib u Xoraynta Dalka iyo Siyaasadda Cakiran ee Soomaaliya

Jawiga Siyaasadda Soomaliya ayaa waxaad moodaa inuu R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen uu durbadiiba wax weyn ka bedelay ,isla markaana soo celiyey geedi socodkii nabadda ee hore aan loo arag R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen ayaa wuxuu ku caan yahay Nidaam dejinta iyo abuurista Jawi Xasilooni ay ku jirto taasina waxaad ka garan kartaa sida uu ula hadlayo Saxaafadaha iyo Wariyayaasha Madax bannaan markii ay Waraysiyada uu siinayo Abuurista Jawi ay Xasilooni ku jirtana waxaa ka dhalan kara Heshiis iyo is Afgarad wanaagsan oo soo Celin kara Rajadii laga qabay inay soo noqoto Sumcadii iyo kala dambayntii uu Dalku lahaa ,iyadoo iminka la sugayey muddo ka badan 17-Sanadood.

Nuur Cadde
Col. Nuur Cadde

Habbadba ,Isbahasiga maxaa la gudboon ? haddii ay helayaan wada hadal dhexmara iyaga iyo DFKMG ahi waa inaysan fursadaasi lumin isla markaana Ajandayaashooda uu ugu horeeyo ka bixitaanka Ciidamada Cadowguna waa inay soo hordhigaan DFKMG ah ,Hase ahaatee haddii ay Dowladu ka dhega adeegto ka bixitaanka Ciidamada Shisheeye waa inay Go'aankooda ka qaataan ,balse marka hore ay Dib u eegaan Maslaxadda Shacabka Soomaaliyeed ee maanta u baahan in loo dhimriyo lana Xaq dhowro ,laakiin ay tahay mid aan la qaadan karayn Xasuuq ,Barakac,iyo Xarrig joogta ah oo Sharci darra ah .

Isbahaysiga Dib u Xoraynta ayaa wuxuu aad iyo aad uga hormarayaa dhinacyada Siyaasadda Dibadda DFKMG ahi Sababtuna waxay tahay Ciidamada Itobiya iyo Fal-dembiyadeedyada ay geysanayaan oo ay u gudbinayaan Hay'adaha Xuquuqa Aadanaha u Dooda iyo Dadaalka ay wadaan Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Dowladda Lidiga ku ah taasina ay keenayso inuu bilowdo Cadaadis Culus oo DFKMG ku yimaada ugana yimaada Dowladaha reer Galbeedka oo ay hore Saaxiibada ahaaayeen iyo kuwa kaleba Cadaadiskani wuxuu abuuri karaa in DFKMG ah ay mar kale burburto ama la kala diro.

Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Dalka Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Maxaysatada Tigrayga ahi ayaa waxay abuureen inay dhex dhigaan Cadaawad Shacabka Soomaaliyeed si ay danahooda u fushadaan ,isla markaana ay wadaan Xasuuqa iyo Barakaca ay u geysanayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay noqotay Goob uu Xasuuq badani ka dhacayo maalin walba Haddaba sidee nabadi ku imaan kartaa?Waa inay marka hore Ciidamadan Cadowgu ka baxaan gebi ahaan Dhulka Soomaaliyeed ,kaddibna laga wada hadlaa ayaaha Shacabka.

"Dagaal Wiil kuma Dhasho ee Wiil baa ku Dhinta ",Hase ahaatee waa Waajib Difaaca Diinta ,Dadka iyo Dalkuba laakiin marka hore waxaa haboon in la wada hadlo haddii uu Hadal socon waayo waa in Tallaabada aan laga fursan karin la qaadaa ,Maamulkii DFKMG ahaa ee ku Shaqaynayey Argagaxiso la Dirirkii wuu Shaqayn Waayey Sababtoo ah waxaa Dunida Caalamku Aqoonsaday inay Dadka Dagaalamayo ay yihiin Xaq u dirir oo doonayo inay Dalkooda Xoreeyaan ,Haddaba waa in la furaa Wadada Saxda ah ee Wada hadalka Alle Raxmaan Quraankiisa meelo badan ayuu uga hadlay inuu Khayr ku jiro Heshiiska.

Haddii aannu Tusaalle u soo qaadano Labadii Qabiil ee Carbeed ee Dagaalamayey Diinta Islaamka ka hore oo markii Nebi Maxamed ay ku soo degtay Aayadii uu Alle ku yiri "Waxaad Dhammaantiin Qabsataan Xarigga Alle hana kala tegina "Ilaa iyo Dhammaadka Aayadda oo aad arkaysaan inay ka muuqatay is jacayl iyo naxariis aad u weyn iyagoo ku Walaaloobaya Kitaabka Alle ,Waxaannu arkaynaa Ilaa iyo Maanta oo ay ka soo wareegatay 1428 Sanadood (Kun iyo Afar Bolqol iyo Labaatan iyo Siddeed Sanadood )Dadkaasi Dalkaasi wax Dhibaato ah oo Aano Qabiil la Xirritaa kama aysan Dhicin kamana Dhici doonto ,Tusaale kale Maxaakiimtii Islaamka ee Soomaaliya siday Dalka Nabad uga Dhigeen Qof waliba wuu arkayey Midnimadeenu waxay ku xiran tahay Xarigga Alle .

Qoraalkan waxaan kaloo uga hadli doonaa in guusha iyo horumarku uu ku jiro is la isu Tanaasulo isla markaana lala yimaado Xaqa oo ah Kitaabka Alle ee Munazalka ah haddii taa la waayana waxaa imaan kara inuu sii fogaado Dadaalka loogu jiro Geedi socodka Nabadda isla markaana uu ka faa'idaysto Cadowgu Ummadda Soomaaliyeed isaguna uu Danihiisu gaaro ,waxaa loo baahan yahay Caddaalad, Midnimo, iyo Sinnaan in wax lagu qaybsado Alle Raxmaan uu inoo Naxariisan Aduunyada iyo Aakhirana waannu Liibaanaynaa.

Eng.Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Daabacaad: Dec 18, 2007


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com