Gorfayn: Dhaqansidaha GOBAAD...
Dhaqansidaha Afka, suugaanta,
Taariikhda, iyo Arrimaha Bulshada...
WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Email:
cmwacays@yahoo.com
_______________________________
Gogoldhig
Ma aha markii iigu horreysey ee aan akhriyo buug, warqad,
majalad, ama qormo suugaaneed ama mid taariikheed ee uu
qoray qoraa ama suxufi Soomaaliyeed. Hase yeeshee,
indhowaalaba waan kasii fogaanayey akhrintooda, kaddib
markii ay ii caddaatay in xittaa guud ahaan qaybihii kala
duwanaa ee qoraalka iyo hal-abuurka fanka iyo suugaanta ay
qayb muhiim ah ka noqdeen noocyada hubka ee loo adeegsado
sii-hurinta colaadda, is-nacaybka, xaasidnimada, iyo
dagaalka aan hadafka lahayn ee ka dhex aloosan beelaha
Soomaalida.
Dagaalladii
sokeeye kahor, haddii fanka qoraalka iyo hal-abuurka
suugaantu ahaayeen hubkii ay ku dagaallami jireen
garwadeenkii horusucodka ahaa ee xilligaas u taagnaa
badbaadinta iyo horumarinta Soomaalida, nasiibdarro, waxay
maanta noqdeen baansiinka lagu sii huriyo colaadda beeleysan
ee ku dhisan kibirka iyo qabka ku abtirsada sheekooyin
quraafaad ah.
Indhowaalaba, waxaa dhaqan la caadeystey oo weliba lagu
faano iska noqday in qof kasta oo Soomaali ah oo wax uun ku
xarxariiqi kara farta Soomaaliga amaba afafka shisheeye uu
tabar iyo aqoon wixii uu hayeyba isugu geeyo sidii uu ugu
bari-taari lahaa ama ugu hiillin lahaa beeshiisa, isagoo
qoraal kusoo bandhigaya burjiga, qabka, il-baxnimada, iyo
taariikhda la been-abuuray ee beeshiisa. Tani waxay qayb ka
noqotay tartanka iyo is-qabjebinta beeleysan ee aan
dhammaadka yeelan doonin, waxaana loo wada tafaxaytey inuu
qof kasta beeshiisa ka diyaariyo buug, warqad, maqaal, ama
hal-abuur sugaaneed. Buugaagta ama noocyada qoraallada kala
duwan ee haatan jira waxay badidood ku sallaysan yihiin
caadifaddaas aan taariikhda geli doonin.
Anigoo sidaas uga qash-dhacsan akhrinta buugaagta ama
qoraallada kale ee ay Soomaalidu qorto, misana marna aan ka
rajo-dhigin in ay jiri karayaan qorayaal Soomaaliyeed oo xor
ka ah cudurradii maskax-wareenka ku riday Soomaalida, welina
ay lasii kufaa-dhacayso, waxaa sanduuqayga boostada kusoo
dhacday majalad u qaabaysan qaab-buugeed oo uu haddiyad
ahaan iigu soo diray tifaftiraheeda guud, Anwar Maxamed
Diiriye, oo aan qof ahaan si fiican isu naqaan.
Kahor inta aanan billaabin akhrinta majaladdaas, waxaan
niyadda iska iri “Malaha, isaguna wuxuu kuu soo diray buug
uu ku ururiyey gabayada oday adeerkiis ah, ama ay isku beel
yihiin, balse isaga ugu astaysan gabyaaga ugu caansan
Afrikada madow!...”
Hase yeeshee, markii aan cabbaar akhrinayey majaladdaas,
mala-awaalkaygii ma uusan dhaboobin, waxaana ii caddaatay in
uu Anwar si dhiirranaan leh uga weecday waddadii
indhowaalaba la hayey ee lagu wada baadiyoobey, iyo
bullaacaddii lagu wada hoobtay, waana taas tan i gayeysiisey
in aan ka diyaariyo gorfayntan kooban.
Bidhaamin
Dhqansidaha Gobaad, tirsigiisa koowaad, wuxuu ka kooban
yahay 154 bog, wuxuuse guud ahaan himilaynayaa in uu koobo
dhinacyada afka, sugaanta, taariikhda, iyo arrimaha
bulshada, isagoo ka eegaya xagga dhaqanka Soomaalida.
Majaladdan waxay u qoran tahay qaab-buugeed loogu talagalay
in uu saldhig u noqdo kaydinta dhaqanka Soomaalida,
laf-dhabarna u noqda kobcinta aqoonta ardayda Soomaalida,
cilmi-baarayaasha shisheeye ee daneeya wax-ka-ogaanshaha
dhaqanka Soomaalida, iyo guud ahaan akhristayaasha
Soomaalida.
Sida ku cad gogoldhigga majaladdan, dhaqansidaha GOBAAD
oo haatan loo asteeyey in uu soo baxo sanadkiiba mar, kuma
dhalan gurdan-raac iyo hiyi-kac, balse wuxuu soo maray
marxalado kala duwan oo tijaabo-gelin ah, wuxuuna sanadihii
2002-dii iyo billowgii 2003-dii soo bixi jirey bishiisa mar,
isagoo xambaarsan qormooyin nuxur leh oo dhaqanka, afka, iyo
suugaantaba wax uga bidhaamin jirey akhristayaashiisa.
Guud ahaan, tirsiga koowaad ee Dhaqansidaha GOBAAD wuxuu
xambaarsan yahay siddeed qormo oo ay ku farayaraysteen
qalin-maal Soomaaliyeed, kuwaas oo qaar ka mid ah aan
dib-u-milicsi kooban ku samayn doono.
Xiddigiska Soomaalida
Cilmiga Xiddigisku wuxuu lafdhabar u ahaa dhaqanka
Soomaalidii hore, waxayna aad ugu fiirsan jireen xiddigaha
iyo muuqaallada ay sameeyaan, iyagoo aaminsanaa in ay
saamayn xoog leh ku leeyihiin waxyaabaha dhulka ka dhacaya,
cimilada, iyo noloshoodaba.
Akhrinta qormadan waxay i bartay in Xiddigisku lafdhabar
u ahaan jirey nolosha Soomaalida. Qof ahaan, xilliyo kala
duwan oo aan safarro gaagaaban ku tegey xeebaha Bari ee
Soomaaliya, waxaan la yaabi jirey heerka aqooneed ee yaabka
leh ee ay reer Barigu ka gaareen adeegsiga cilmiga
xiddigiska, kaasoo illaa maantadan tiir-dhexaad u ah
hab-nololeedkooda.
Majaladdan ayaa si faahfaahsan uga hadleysa saamaynta uu
cilmiga Xiddigisku ku lahaa dhaqanka iyo nolosha Soomaalida.
Hase yeeshee, waxaan meesha ka madhnayn in qormooyinka
noocan ah ay hoos ugu daadegaan saamaynta uu cilmigaasi weli
ku leeyahay hab-nololeedka Soomaalida maanta, si akhristuhu
uusan ugu qaadan in laga taariikhaynayo dhaqan duugoobey oo
aan haatan la isticmaalin.
Ma dhab baa “Somaalida Dhaqankeedaa Burburka Baday?”
Indhowaalaba, doodda sii xoogeysaneysey ee ku saabsan
meeleynta saldhigga burburka Soomaaliya iyo Soomaalida waxay
si isasoo taraysa farta ugu fiiqeysaa in Soomaalidu uu
dhaqankeeda burburka baday. Xeel-dheerayaal badan ayaa ku
doodaya in burburka Soomaalida ku dhacay sababtiisu ay kasoo
jeeddo dhaqankeedii soo-jireenka ahaa, kaasoo si cad u
xalaalaynaya dilka, kala-dambayn la’aanta (anarchy) iyo
gar-ma-qaatenimada (Said Samatar, 1991).
Hase yeeshee, Dr. Maxamed Daahir Afrax, oo ah qalin-maal
iyo xeeldheere ku fogaadey arrimaha dhaqanka iyo suugaanta
Soomaalida ayaa qoraal dheer oo uu ku qoray majaladdan wuxuu
ku doodaya fikrad taas ka duwan.
Dambigii dhacay yaa ka mas’uul ah? Ma run bay sheegayaan
dadka ku doodaya cidda ka mas’uulka ah in ay tahay guud
ahaan hiddaha iyo qaabka fekerka Soomaalida, gaar ahaanna
dhaqanka qabyaaladda ee ay weligeed kusoo dhisnayd bulshada
Soomaalida? Dhaqanka Soomaalida iyo adduun-aragga uu da’aha
soo koraya ku barbaariyo ma wuxuu ahaan jirey mid dadka u
jiheeya dhanka burburinta, isu-xoog-sheegadka,
gar-ma-qaatenimada, iyo kala-yaaca, mise wuxuu ahaa mid u
jiheeya dhanka dhismaha, iskaashiga iyo nabadda?
Dr. Afrax, weydiimahaas kor ku xusan iyo kuwo kale oo la
ayni ah ayuu soo hordhigayaa akhristayaasha, isagoo dabadeed
unkaya dood culus oo jawaabo loogu raadinayo su’aalahaas
qallafsan. Guud ahaan dooddaas iyo qaybaheeda kala duwan oo
aad ii xiiso geliyey waxaad kaga bogan kartaa majaladdan.
Hal-abuur Hiddeedka Haweenka Soomaalida
Qormadan oo aad u xiiso badan waxay si faahfaahsan usoo
bandhigeysaa kaalinta haweenka Soomaalidu ku leeyihiin
hal-abuurka tixda, iyo weliba awooddooda gaarka ah ee xagga
maansaynta. Qoraha qormadan wuxuu “buraanburka” ku
tilmaamayaa inuu yahay “boqoradda” tixda, halka uu gabaygana
ku magacaabayo “boqorka” tixda suugaanta Soomaalida. Hase
yeeshee, marka aan maqalno “hal-abuur hiddeedka haweenka
Soomaalida” waxaa durba xusuusteenna kusoo dhaca “buraanbur”
oo keliya, iyadoo aan is-moodsiinno in guud ahaan
hal-abuurka haweenku uusan dhinacna u dhaafi karin curinta
“buraanburka”.
Qormadan waxay si xiiso badan uga warramaysaa guud ahaan
qaybaha kala duwan ee hal-abuurka haweenka oo weliba uu ku
jiro “gabayga” oo ay kaalintooda ku leeyihiin, iyo sida
tacab-suugaaneedkaasi saamayn toos ah iyo mid dadbanba ugu
leeyahay nolosha iyo qaybaha bulshada, intaba. Qoruhu wuxuu
horteenna keenayaa tixo gabayo ah, haweenkii tiriyey, iyo
sababihii ay u tiriyeen, kuwaasoo akhrintooda kugu ridaya
waddadii uu qoruhu kula rabey ee ahayd in aad garwaaqsato
kaalinta haweenka ee xagga hal-abuurka suugaanta, iyo in
marrarka qaarkood ay baro dheer yihiin ragga xagga tirinta
gabayada.
Malahayga, gebagebada qormadan, waxa keliya oo aan tebey,
taasoo aan is leeyahay “qoruhu kama ilduufine malaha
tirsiyada dambe ayuu kusoo bandhigi doonaa” waa: haweenka
iyo kaalintooda fanka iyo suugaanta casriga ah. Dhanka kale,
qormadan waxay u muuqataa in ay isku koobtay hal-abuur
hiddeedka haweenka kasoo jeeda dhaqanka reer-guuraaga,
iyadoo ay meesha ka maqan yihiin dhaqannadii beero-qodotada
iyo kii banaadiriga oo runtii tiir-dhaxaad adag u ah guud
ahaan hal-abuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Mar kale,
waa suurtagal in uu qoruhu dib u dhigtay mawduucyadaas.
Qormooyinka Kale
Qormooyinka kale ee sida weyn ii xiiso-geliyey ee ku jira
tirsigan waxaa ka mid ah: qormo dheer oo ka hadlaysa
sooyaalka iyo suugaanta Abwaan Maxamed Jaamac Ilka-case;
taariikhda lacagaha Soomaalida; sheeko gaaaban; iyo gabay
qiiro badan oo hal-ku-dheggiisu yahay “calanka ooyaaya!”.
Guud ahaan qormooyinkaas waa kuwo xiiso badan oo aanan ka
daalin akhrintooda.
Hal-xiraale
Bahda Dhaqansidaha Gobaad waxay gogoldhigga majaladdan
kaga sii afeefteen in Dhaqansiduhu ka caagganaan doono
arrimaha siyaasadda. Dhanka kalena, waxay ballan-qaadeen in
tirsi kasta ay majaladdan u xulan doonaan “qormooyin tayo
leh, si ay u kobciso, tacliimiso, una xoodaamiso garaadka
akhristayaasheeda, islamarkaana u ibo-furto maskax
dhaqankeeda u dhug leh”.
Haddaba, maadaama Dhaqansidaha Gobaad uu u dhashay, una
taagan yahay ujeeddada kor ku xusan, bahda Gobaad waxaa
looga fadhiyaa kala saafidda ama kal-soocidda DHAQANKII
SOOMAALIDA EE SOO-JIREENKA AHAA, IYO DHAQAN-SIYAASADEEDKA
SUMAYSAN ee haatan lagu dhaqmo, iyadoo haatanba qarka loo
saaran yahay in la wada rumaysto in DHAQAN-SIYAASADEEDKAAS
SUMAYSANI yahay dhaqankii soo-jireenka ahaa ee Soomaalida.
Sidoo kale, bahda Gobaad waxaa kaloo looga fadhiyaa in
xittaa ay kala hufaan dhaqan Soomaaligii soo-jireenka ahaa
oo isaga qudhiisa leh qaybo badan oo aan la saanqaadi karin
nolosha casriga ah.
Sidaas awgeed, hal-xiraalaha ama xujada adag ee hor taal
bahda Gobaad ayaa ah soo-helidda waddadii ay u mari
lahaayeen gudashada xilkaas ummadeed ee ay dhabarka u riteen
iyagoo misana ka caaggan faragashiga arrimaha siyaasadda
Soomaalida. Qof ahaan, waa wax aan dhici kari doonin. Nin
xil qaadayse eed qaad.
Dhaliilaha:
Guud ahaan tirsiga koowaad ee majaladdan wuxuu xambaarsan
yahay qoraallo xiiso badan oo dhinac kasta ka dheellitiran.
Hase yeeshee, waxay mararka qaarkood ishaydu qabaneysey
il-duufyo aan badnayn oo xagga higaadda ah iyo cabbirka
farta oo mar mar kala-kaan ah.
Dhanka kale, waxaa hubaal ah in af Soomaaliga ku qoran
majaladdan uu aad ugu adag yahay dhallinyarada qurbo-joogta
ah ee uu afka Soomaaligu ciriiriga ku yahay, kuwaasoo qayb
muhiim ah ka ah kooxaha ay majaladdan bartilmaameedsanayso.
Sidaas awgeed, waxay ku habboonaan lahayd in qormo kasta loo
sameeyo “eray-koobe ” ama “glossary” lagu fasirayo erayada
qaarkood.
Ugu dambayn, maadaama majaladdan himileyneyso in ay
saldhig u noqoto kaydinta dhaqanka Soomaalida, kobcinta
aqoonta ardayda Soomaalida iyo cilmi-baarayaasha shisheeye
ee daneeya wax-ka-ogaanshaha dhaqanka Soomaalida, waxaan
iyana meesha ka madhnayn baahida loo qabo in qormooyinka
afka Soomaaliga ah ay barbar socdaan dhiggooda oo ku qoran
afka Ingiriisiga.
...Dhammaad...
WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Email:
cmwacays@yahoo.com