Dheeraad nin doona iyo mid ku dhega xaqiisa!
Qalinkii Axmed Iid Aadan,
ahmediid@hotmail.com
Hordhac
Dhaqanka bulshooyinka af-soomaaliga ku hadlaa sida dhaqammada dadka
kale ayuu qaybo wanaagsan iyo qaybo xun ba leeyahay. Adduunka ma
jiro dhaqan wada fiicani, sidoo kale ma jiro mid wada xumi. Waxa
jirta maahmaah tiraahda “Geed walba in gubta ayaa hoos taalla”. Waa
run, dhaqan kastaa waxa uu leeyahay qayb isaga ka mid ah, oo haddana
isaga laftiisa guuldarro ku ah. Qaybtaasi waxay inta badan
sababsataa caddaalad darro, ama dulmi kale, ama edebdarro, ama
intaas oo dhanba.
Nin baan mar ka maqlay isaga oo leh: “Haddii dhaqankeenna cillado
yar yar oo ku jira laga saari lahaa, bulshooyinka adduunka ku nool
oo dhan ayuu dastuur u noqon kari lahaa.” Hadalkaasi waa hadal la
garan karo, hase yeesho ee haddii ay sidaa noqoto dhaqankeenna oo
keliya arrintu kuma koobnaanayso, ee kuwa kalena waa la mid, oo mid
kasta oo inta xun laga saaraaba waxa uu soo bixi karayaa mid fiican
oo dadkiisa iyo dad kaleba anfaci kara. Dawladnimaduba sow markeedii
hore may ahayn habdhaqan ay bulshooyin gaar ahi leeyihiin, kaas oo
markii lagu qancay ay dadka kalena qaateen, ciddii lahaydna kaga
daydeen?.
In ay ummaduhu samaha iskaga daydaan ama kala qaataan dan weyn ayaa
ku jirta. Dadka arrimaha nolosha wax ka qora ee shisheeyaha ah qaar
ka mid ah ayaa mararka qaarkood sheega in nabadgelyo xumada meel ka
dhacdaa aanay halis ku ahayn dadka halkaas ku sugan oo keliya, ee ay
halis ku tahay xataa dadka kale ee adduunka ballaadhan meel kasta
kaga nool. Wanaaggu isna waa uu faafaa, oo wixii horumar ah ee meel
ka bilaabma ummmadaha kale ayaa xataa ka qayb qaadan kara oo ay dani
ugu jirtaa.
Guud ahaan bulshooyinka soomaalida waxa u wanaagsan in ay dadyowga
kale ee ka aqoonta badan kaga daydaan sida danaha guud loo wadaago,
dhaqanka qoraalka iyo aqoonta, iwm. Labadaa dambe waxay wataan nabad
iyo degganaansho; nabad iyo degganaanshana waa wax maanta si weyn
loogu baahan yahay.
Qaybaha aan wanaagsanayn ee dhaqanka soomaalida ku jira
Qaybaha aan wanaagsanayn ee dhaqanka bulshooyinka soomaalida ku
jiraa waxay shiiqiyaan ama cad saaraan qaybaha kale ee fiican,
waxana ka mid ah qabka aan waddaniyadda waafaqsanayn, quudhsiga,
naxariisdarrada, sadbursiga iyo qabyaaladda siyaasadaysan, iwm.
Qabka aan waddaniyadda ku salaysnayni waa ka tollalka iyo dadka
ehelka kala gura ee ay mararka qaarkood dad iyo duunyo labadaba ku
waayaan. “Qab qab dhaafay baa laba qabiil, qaran ku weydaaye”. Marka
ay dadku garan waayaan in ay siman yihiin, ee ay qolaba qolada kale
hoos iyo gondaheeda ka eegto runtii dhibaato ayaa dhacaysa,
dadnimaduna waa ay dhimanaysaa. Waxaa inta badan waxaa keena garasho
yari ama barbaarin aan wanaagsanayn, ama labadaas oo wada socdaba.
Quudhsigu qodobkaa hore ayuu ku taxan yahay, waana caado xun oo la
qabatimay. Waa dulmi lagu hayo qaybo dhan oo muwaaddiniinteenna ka
mid ah. Waa iyada oo dad lagula kaco waxaan qabannin, xuquuqdoodana
laga dhigo sidii caleen xagaa caddeeyay oo kale – waxba kama jiraan.
Waa waxyaalaha u baahnaa in wax laga qabto, hase yeesho ee markii ay
dadkeennu ku guuldarraysteen in ay xal u helaan ay ku maahmaaheen:
“Caado la gooyaa cadho Alle ayey leedahay.” Xaggay ka leedahay, ma
caado xun oo la gooyo ayaa cadho Alle keenaysa?!
Naxariisdarradu waxay ka mid tahay dabeecadaha lagu yaqaanno dadka
aan aqoonta lahayn, inta badanna dadkeennu faan ayey ba moodaan.
Mas’uulka awoodda qaranka ee aanu keligii lahayn dadka ku
dhibaateeya, amaba wax laaya waxaa lagu ammaanaa in uu yahay nin
adag oo geesi ah! Macallin ardayda karbaasha waa la qaddariyaa
malcaamaddiisana waa laga jecel yahay ka dhiggiisa ah ee naxariista
iyo waanada wax ku wada. Carruurta yar yar kuwa caqliga iyo fahmada
hibada u leh lama dhiirri-geliyo, ee waxaa la jecel yahay kuwa
qalqaaliga ah ee madaxa ku socda, waxana lagu sheegaa firfircooni.
Laakiin firfircoonidu ma aha qalqaalinimo iyo in madaxa lagu socdo!
Sadbursiga iyo qabyaaladda siyaasadaysan ayaa iyaguna ka mid ah
waxyaalaha la eeday. Waxa la calafsanayo ama waxa sadbursiga lagu
doonayo marar badan ayaan dan laga gelin sida ay ku imanayaani in ay
sax tahay iyo in kale, ee la iska qaataa uun. Dadka xilalka haya
qaar baan hantida lagu aamminay ilaalin isla markaana xishoon jeer
ay ilkuhu xanaf darreeyaan ama ay hantidaasiba gabaabsi noqoto.
Qof kasta oo afka soomaaliga ku hadlaa, dalka uu doono ha u dhashee,
waa uu garanayaa sadbursiga iyo qabyaaladda siyaasadaysani in ay
yihiin dhibaatooyin la eeday, haddana lama dayn karayo ee waa la
wadayaa. Sababtu waa maxay? Ma wax awooddeenna ka baxsan baa? Waxa
ugu daran qaar ka mid ah dadka dibedaha wareega ee barafaseernimada
sheegta, kuwaas oo mararka ay idaacadda BBC ka hadlayaan isu
egaysiiya sidii dad qabyaalad iyo wax la mid ah ka gudbay, haddana
doodahooda aad ka dareemi karto dareen qabyaaladeed ama dadnacayb ku
salaysan waxaan la fahmi karayn. Qabyaaladdu waa wax inta badan laga
siman yahay, marka laga reebo dad kooban oo aafadaa dhibteeda
garanaya.
Haddii uu qof xukun qabto la iman maayo dhaqan dawladnimo, ee waxa
uu u dhaqmayaa sidii uu u dhaqmi jiray markii uu xaafaddooda joogay
oo kale. Waxa laga yaabaa in uu moodaba in xafiiska qaran ee loo
siman yahay ee uu joogaa uu yahay mid uu reerkooda oo keliya xaq u
leeyahay, dadkana ay xaq u leeyihiin xafiisyada kale ee ay joogaan
dadka iyaga la haybta ahi. Taasi waxay keentaa in xafiisyada la isku
dulmiyo, hawshii guud ee danta ahaydna ay curyaanto.
Waxa markaa dhacaysa in ay dad badani xuquuqdooda waayaan. Marka ay
sidaasi dhacdo dadku waxay u kala qaybsamayaan labo qaybood: qayb
intoodii iyo dheeraad ba haysata, iyo qayb wax raadinaysa oo
aamminsan in ay ku raadjoogto xuquuq ka maqan oo ay gar u lahayd, si
badheedh ahna loo duudsiyey. Halkaa marka aynu marayno bal aynu isha
ku yara dhufanno beydad arrintaas ku saabsan oo ku jiray maansadii
Dhahar ee uu tiriyey abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).
Wuxuu yidhi abwaanku:
Inta qaran dhiskiisiyo
Dhidibkiisu taagnaa,
Dheeraad nin dooniyo,
Nin ku dhega xaqiisoo,
Dhacsanaayey baa jiray!
Saamaynta dhaqanka iyo caddaaladda
Dhaqanka ay ummadi leedahay waxa uu muujiyaa garashada ummaddaasi
heerka ay gaadhsiisan tahay, waxay jeceshahay, waxay aamminsan
tahay, fekerkeeda iyo waxyaalo kale oo geedahaa baxaya ka badan.
Waxa uu saamayn ku yeeshaa xoogagga nolosha, siyaasadda oo ka
dhalata isdhexgalka bulshada iyo degaan-juqraafiyeedka, aragtiyaha,
hadba danta loo jeedo, halbeegga qiimaynta dadka iyo jihaynta
dadaalka iyo waxqabadka dadweynaha. Bulshadii dhaqankeedu wax dhiso
waxaa lagu tilmaamaaa bulsho garasho sare leh oo ilbax ah, halka
bulshada ay dhaqankeeda qaybaha dambeeyaa ku badan yihiin na lagu
tilmaami karo bulsho aan garasho badan lahayn, oo u baahan in ay
dadaal badan samayso.
Dhibaatooyinka dhaqanka qaybihiisa dambeeya ka iman karaa haddii ay
kooban yihiin iyo haddii ay galalka Oogo ka badan yihiin ba waxa
lagaga bixi karaa uun caddaalad iyo xeerar wanaagsan oo la isla
oggol yahay in la dejisto. Caddaaladda la sheegaa wax kale ma aha ee
waa in si fiican loogu dhaqmo xeerarka la dhigtay, oo aan laga
dhigin wax marna afka laga sheegsheego, markii la doonana laga
tallaabsado.
Dadkeennu in badan bay maqleen ama maqlaan iyada oo lagu celcelinayo
ereyga “caddaalad”, hase yeesho in yar baa malaha aragtay iyada oo
ereygaas ficil ahaan la isugu dayayo. Ummadaha horumaray qowmiyado
kala af iyo kala diimo ah ayey caddaalad iyo sharaf ku maamulaan,
halka aynaan innagu labo xaafadood kala saari karin. Caddaaladda
waxaa lagu gaadhi karaa uun in xeerarka lagu dhaqmo, ciddii ku
dhaqmi weydana aan loo dulqaadannin.
Soomaalida waxa kala dilayba waxay ahayd caddaalad darro: in ay cidi
dheeraad doonto, cidina ay xuquuqdeeda weydo. Soomaalida, inta
garansan maahee, inta kale waa in ay ogaataa in ay danteedu ku jiro
in la kala noqdo dawlado kala madax bannaan oo xidhiidh sokeeyanimo
leh, iyo in la helo xeerar fiican oo caddaaladda dhidibbada u
adkeeya. Sidaa si aan ahayni waa uun isqabqabsi iyo
iska-daba-wareeg; isqabqabsi iyo iska-daba-wareegna faa’iido
malaha!.
Qalinkii Axmed Iid Aadan,
ahmediid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan