SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY

Dowladda Talyaaniga ayaa waxay hay'adda UNHCR hawlaheeda gargaarka Soomaaliya ugu deeqday 450,000 oo Yuro.

Dowladda Talyaaniga ayaa waxay hay'adda UNHCR hawlaheeda gargaarka Soomaaliya ugu deeqday 450,000 oo Yuro. Deeqdan la yaboohay waxaa lala kaashaday Waaxda Horumarinta deeqaha dibedda ee wassaaradda arrimaha dibedda ee dalka Talyaaniga iyo Safiirka dowladda Soomaaliyeed u fadhiya Magaaladda Nayroobi. Deeqdan waxay UNHCR ka caawin doontaa xoojinta hawlaha loogu talo galay in lagu horumariyo xaaladda nololeed ee dadka gudaha ku barakacay, kuwaasoo ah dadka ugu badan ee haatan ay ku wajahan tahay hawlaha gargaarka deg deg ah ee baniadanimo iyo sidoo kale qaxootiga kaasoo loo xaqiijin doono inay helaan waxyaabaha nolosha asaasiga u ah sida Hoyga, cunadda, biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Deeqdani waxay daba socotaa mucaawino ay dowladda Talyaaniga u duulisay bishii May, taasoo 15 ton of mucaawino kala duwan ah laga soo duuliyey koonfurta Talyaaniga ilaa Baydhabo. UNHCR waxay deeqdaasi u qeybisay kumanaan dad ka barakacay dagaaladii Muqdisho ka dhacay dhowaantan.

Rayid lagu qiyaasay 600,000 ayaa ka barakacay Muqdisho sannadkan kadib markii dagaalo aad u qaraar ay dhex mareen ciidamada dawlaada itoobiya oo garab siinaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo kooxo kasoo horjeeda. Dadkaasi badankood waxay ku nool meelo isku raran ah oo aan laheyn waxyaabaha asaasiga u ah nolosha baniaadamka iyo nolol. Tani waxay ka dhigaysaa hal milyan dadka gudaha soomaaliya ku barakacsan. Dagaalada dhowaan Muqdisho ka hor waxaaa dadka ku barakacay gudah 17-kii sanno ee dawlad la'aanta lagu qiyaasayey ilaa 400,000 oo qof.

Soomaaliya waxaa kaloo yimaada dada magangalyo doon ah oo ka socda wadamada jaarka ah. UNHCR waxay Puntland iyo Somaliland ka sameysaa RSD si loo ogaado inay yihiin qaxooti sax ah oo u qalma in magangalyo la siiyo.

La xiriir :

Catherine Weibel
Associate Information Officer
UNHCR Somalia - Nairobi
Tel: (Office) + 254 20 422 2213
(Mob) + 254 720 017 671.
e-mail: weibel@unhcr.org

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com