Nuur-cadde oo ku taagan raadkii Geeddi!.
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
__________________
___________
____

Bishu waa diseembar (December). Dabayl dhaxan wadata ayaa
dhacaysa. Dhar culus ayaa la xiranyaha. Waxaan fadhinnaa
makhaayad aan ka qaxwaynno. Iswaraysi qaybtiisi koowad oo markaa
dhammtay, ayaa waxaa soo galay nin asxaabta ka mid ah oo waraaq
gacanta ku sita. Inta nagu soo dhextuuray ayuu qaxwe kulul
doontay. Ragga meesha fadhiya nin ka mid ah ayaa inta la booday
ku dhaygagay, wuxuu ku dheereeyaa akhrinta karikateerada “Amiin
Caamir”. Qosol aan kala go’ lahayn inta ku dhuftay buu kii u
dhawaa u gudbiyay, dabadeed midba mid u sii dhiibay. Kolkii laga
bogtay buu yiri: “yaa micnaha karikateerka ku jira garan kara?!.
Ruuxba carruu isku qaaday!. Mar labaad, inta sawirkii laacay buu
yiri; “midkiinna ma garan!”! Geedka ninka hoos fadhiya waa
Geeddi, isaga waad wada taqaanaan, hareerihiisa fiirsha, waa
dalkii oo lama dagaan isu rogay, geedka uu dhabarka saaray oo
wayn oo cagaaran waa, dawladda Itoobiya, boorsada (shandadda) uu
dhulka u diiday waxaa ka buuxa deeqihii uu caalamka ka soo guray
intii “Addis Ababa” looga baaday mooyee baaqigii uu leexsaday,
waraaqaha dhulka daadsan waa heshiisyadii uu Zanaawi ka
saxiixday nuqullo ka midah, wajigiisa farxad baa ka muuqata, ha
yeeshee wuxuu u fadhiyaa sidii ruux hawl badan soo qabtay oo
daalay, labada lugood wuxuu sare ugu hayaa midka raadkiisa soo
haya in uu garto halka raadkiisu ku dhammaday in aan la dhaafin,
saaxiibayaal, sidaa ma u garateen?!. Kan raadka soo haya waa
Nuur-cadde (caddaantiisu wax ay ku toorantahay ma garan!), waxaa
laga rabaa raadka kii ka horreeyay inuu qaado oo dhanna ugu
leexan, dhididka ka duulayaa waa hawshii oo aan wali bilaaban
karkabo la soo daristay!, waa nin laga rabo “Buurta Bannooda” oo
dagmada Buurhakaba dhankay jidka ka saarantahay in uu ka raro oo
dhanka kale ka soo jeediyo, mana awoodo!, isba waa naflay
qoxooti Yurub ku raagay, tacab-goosina u soo dhoofay. Hadda,
karikateerku ma idiin caddaaday?!”
Akhyaartii aan wada fadhinnay fasirkaa waa ku qanceen, aadna
madaxa ugu luleen, aniguse; si waa u qancay, sina waa u
saluugay!. Goobtii inta ka jafjaftay baan kaligay lugeeyay,isla
sheekaysina waddada ku sii maray anoo saladda duhur oo taagan
tiigsanaya. Horta, ma falanyihiin mise, waa isyeelyeelayaan!;
“bilawgii sagaashankii markaan Nairobi ku soo qaxay, waxaan
arkay dhisme wayn oo loo yaqaan;“Nyayo House”, kolkaan dadkii
iga soo horreeyay waraystay, waxay iigu fasireen; “Nyayo
(inyaayo)” waa raad, ulajeedaduna waa; “waxaan qaadaynaa raadkii
Joomo kenyaata, madaxwaynihii gobanimada halgan ku keenay”.
Sidoo kale, waxaan iswaydiiya; “soo ruuxii madax laga dhigo
kolkuu xilka la wareegayo ma oran jirin; “waxaan raacayaa raadka
hebelkii iga horreeyay”. Haddaba, halkee cayn wareeggu ka
yimid!?!”.
Maya, saaxiib isxasili!, markan xaalku sidaa waa ka
duwanyahay oo, saaxiibadaa waxay garteen;“Geeddi axad raadkiisa
la raaco in uusan ahayn”. Haa, isaga Kan raadkiisa raacay, bal
ka warran?!.
kolkay halkaa dooddi noo marayso aniga iyo naftayda, ayaan
soo xusuustay (Nuktah-Barsaleeto)-sheeko siyaasad salka ku haysa
oo lugu qoslo, waxna lugu cabbiro, waa karikateer hadal ah-
dalka Masar caan ka noqotay oo ah:“Jamaal Cabdinaasir (AUN) ayaa
jeclaystay in uu magacaabo madaxwayne ku-xigeen fahmo gaaban,
amar uu bixiyayna aan soo celin. Wuxuu soo helay “Anwar
Alsaadaat” (AUN), Saadaat, tabtii buu raacay, wuxuuna soo helay,
“Xusni Mubaarak”. Mubaarak isna tabtii inuu raaco ayuu doonay,
dalka Masar ayuu toos iyo gudub u xulay, labaatan sano iyo wax
dheer ruux tilmaantaa leh oo madaxwayne ku-xigeen ka dhigto,
Masar ka maa helin!.
Si kale, waxaa qalaw igu yiri sheeko soo shaac baxday
waqtigii Nuur-cadde la magacaabay wax yar ka dib. Cabdullaahi
Yuusuf, waa oday reer Mudug ah oo aan warka la gabban, kana
mer-meerin wixii maskaxdiisa ku soo dhaca. Koox hareerihiisa aan
ka fogaan (hormo jaan) isagoo ayuu ku xanqarsaday, wuxuu yiri:
“waryaaya!, wax badan baad igu dhalliisheen wiil da’ yar oo
macangag ah oo madax adag inaan Wasiirka Koowaad u magacaabay,
maanta waxaan soo helay mid aan da’ iga yarayn, darajo ciidanna
simannahay oo, haddaad itiraahdeen beerka ayuu la’ayahay isna
maskaxda ayuu la’yahay!”. Qosol markay la dheceen ayuu raaciyay:
“Allaa ogoo, niman war haya ma tihin!, laba habrood oo reer
Baarre ah (Condoleeza iyo Jenday) baan ka lug bixi la’ahay!,
adinkuna halkaad gabrantihiin!.
Nuur-cadde haddaan u soo laabto runtii, nin Barlamaanka
dhuuntu waynaatay oo Baydhoba fadhiya maraya saan-saanki ma
laha. Wareegga koowaad, ha tirsan!, mar labaad haddii dib loo
soo magacaabo ma suuragal baa in la jiirsiiyo Barlamaanka.
Dooddaa weeye midda furan, sababuhuna waa kuwa soo socda:
- 1- Baarlamaanka intaan la horgayn ayaa raggii uu soo
magacaabay kala yaaceen.
- 2- Qaybtii xumayd (4.5) saluug fara badan baa ka yimid,
- 3- Kooxda uu magacaabay badankeedu waa raggii duqa.
- 4- Xubnaha dawladda cusub waa kuwii Geeddi oo lugu
sargooyay dhowr magac oo cusub, oo waa “jug-jug meeshaada
joog”.
- 5- Ragga uu Barlamaanka dibaddiisa ka soo xushay oo
saddex ah, waxaa laga dilaa;
Dr. Maxamed Yuusuf wayrax –Wasiirkii Maaliyadda dowladdii
kacaanka- oo “hormo-jaanta” Amxaaro soo hor kacday la taliye u
ah iyo Dr. Maxamad Cali Xaamud oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka
ahaa dawladdii “Mxamed Siyaad Barre” (AUN), waana ninkii
sheekada soo socota ay ku baxday:“Dr. Xaamud oo safar dibadda ah
markaa ka soo laabtay ayaa “Maxamed Siyaad” xafiiskii
madaxtooyada ugu tagay. Warbixin dheer isaga oo ku dhex jira,
ayaa madaxwaynihii isyiri bal ogow arrimaha dalka ka socda inta
uu ka ogyahay, wuxuu waydiiyay;“Absame iyaga ka warran?”, Wuxuu
yiri: wallaahi jaalle, madaxwayne waxay noo soo gudbiyeen qoraal
ay ku tilmaamayaan muhiim in ay tahay labada dal in xiriir heer
safaaradeed ah yeeshaan, arrintaa waa darsaynaa, waxay ku
dambaysana waa kula socodsiin, jaalle madaxwayne”. Qosollo inta
ku dhuftay buu yiri;“ka soco!”. Nasiib darro, xilkii oo aan loo
dharan, baa dawladda Itoobiya oo magacaabidda wasiirrada
ansixisa ka biyo diidday, Dr. Xaamud xafiiska Arrimaha Dibadda
Soomaaliya in uu qabto.
Nuur-cadde oo ah nin (paesano=Baayesaano) –Dhiblaawe ama
miskiin reer magaal ah; sidaan hadalakiisa ka dhadansaday-
haddii intaas iyo in qarsoon hor taal, sharuud xilka uu ku
qabtana ka dhigi waayay;“magaalada Xamar oo aan ku dhashay, inta
Geeddi burburiyay iyo inta la iga rabo in aan burburiyo, haddeer
ha la kala calaameyo!”. Wallee, kolkii Nuur-madoobe loo baxiyo
ayuu: “kabteey ma aragtay ku wardin”. Malaha waxaa loo qaatay
inta qaboobaha (winter-ka) lugu jiro, in uu Dubai ama Nairobi ku
sii gabbado, kolkii kulaylaha (Summer) la galano London,UK ku
soo laabto oo makhaayadihii uu ku taxnaa qaxwaha ka cabbo, kana
sheekeeyo!.
Runtii, waxaa isu kay qaban la’:“arrimo samafal ayuu ka soo
shaqeeyay iyo BM-ka xabashidu Xamar la dacayso ayaan
hoggaamin!”. Odaga, oo cumrigii towba keenka ku jira waa u
baqayaa, aadna uga walwalaa!!!. Wadeeco Allah, Alloow soo
uruuri..
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com