Weligiin ma booqateen Al-Basaatiin.. .?!
Sida laga war-qabo, tan iyo bilowgii burburka dalka, waxaa Waddanka
Yemen, si aan kala go' lahayn ugu soo qulqulayay kumaan-kun Qaxooti
Soomaaliyeed, oo dagaallada sokeeye, dar-xumooyinka iyo tacaddiga dalka ka jira
ka soo firdhanaya.
Soomaalida dalka Yemen ku sugan, intooda badani, waa kuwo ku yimid
Doonyaha Tahriibka,kuwaas oo ay u sugnaatay dayac,
dac-darro, jir-dilka Muhaajiriinta iyo weliba dadka oo lagu dhex-daadiyo
Badweynta; falalkaas oo ay ku kacaan duulal dembi-lowyaal ah, oo aanan Dawlad-
dhexe, mid maamul-goboleed iyo doc kale toonna ,aanan xiriir la lahayn,kana
amar-qaadan.
Dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah dalka Yemen, waxay u qaybsamaan
laba qaybood:(1) Qaybi waxay ku jiraan Xerada Qaxootiga ee "Al-kharaz", oo ilaa
140-km. Galbeedka Cadan ku taalla. Dadka ku jira xeradaas, inkastoo ay saluugaan
tirada iyo tayada waxa la siiyo ee quutal-daruuriga ah, haddana waxay u
xaraysan yihiin Hay'adda Qaxootiga ee Qarammada midoobay( UNHCR ) . Gargaar iyo
garab-qabasho kale ayay mar-mar Qaxootigu ka helaan Ururrada sama-falka ah iyo
dadka reer Yemen ee uu Nebigu (NNKH) ku sifeeyay Xikmadda iyo Iimaanka.
(2) Qaybta kale ee Qaxootigu, waxay ku firirsan yihiin magaalooyinka
dalka Yemen , ee ay ka midka yihiin; Sanca, Cadan, Taciz,Xudeydah, Mukallaa,
Shabwa, Ma'rib iyo kuwa kale. Qaxootiga jooga magaalooyinka, iyaga ayaa iskood u
dabbarta noloshooda oo la kacaa-kufa. Hay'adda Qaxootigu waxay siisaa
Qaxootigan magaalooyinka Warqadda Aqoonsiga Qaxootinimo, taas oo ka caawisa
dhinacyada Aqoonsiga, dugsi ku qoridda Caruurta, gelidda heshiisyada guryaha, u
kala socdaalidda gobollada dalka iwm.
Meelaha ay sida la yaabka leh u deggan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed
waxaa ka mid ah; Xaafadda "Al-basaatiin", taas oo markii hore ahaan jirtay
dhul-beereed, magaca "Basaatiin'" oo uu micnihiisu yahay Beer, meesha ayay ka
soo jeeddaa. Waxay ku taallaa duleedka dhanka woqooyi ee magaalada Cadan.
Aniga oo fikrad buuxda iyo warar tifaftiran midna aanan hore uga
heysan, ayaan kal hore hawl uu Xafiiska UNHCR uu leeyahay darteed u booqday
"Al-basaatiin", taas oo la xiriirtay Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsi u samaynta
Qaxootiga Soomaaliyeed". Waxaa jiray saaxiibbo hore iiga siiyay meeshaas fikrad
aanan fiicnayn, marka la eego diinta Islaamka,dhaqanka dadka Soomaaliyeed iyo
Akhlaaqdaba; laakiin markii aan caga-dhigtay, oo aan meesha u kuur-galay, waxaa
ii muuqday, inay saaxiibbadey dhan kaliya wax ka eegeen, hal dheg oo kaliyana
wax ku maqleen, iyaga oo illowsanaa inay bulsho dhexdeed wax kastaa ka imaan
karayaan, dadkuna nooc kasta uu leeyahay, sida ay maahmaahda Carbeed u
tiraahdo:-"Aqal kastaa suuli ayaa ku yaalla".Arrimaha ay Wadaayadey tilmaameen
wax waa ka jiraan,laakin waa laga bad-badiyay.
Ruuxii taga oo dhex-istaaga "Al-basaatiin", wuxuu moodayaa inuu joogo
magaalo ka mid ah Magaalooyinkeennii Soomaaliya. Mar baan shakiyay oo mooday
inaan dhex-joogo degmooyinka Boon-dheere, Waaberi,Kaaraan ama Cabdulcasiis
middood. Inta badan suuqa, baararka, dukaannada, farzada baabuurta iyo adeegga
dadweynaha intaba, waxaa gacanta ku haya dad soomaaliyeed,; waana arrin fiican
oo ay Basaatiin kaga duwan tahay dhammaan Xaafadaha kale ee Soomaalida Yemen.
Arrin kale oo aan aad u jecleystay ayaan Basaatiin ku arkay, taas oo
ah; dhammaan Badeecaduhu waa raqiis, aad bayna uga jaban yihiin sicirrada kale
ee Yemen wax lagu kala iibsado, walow aanan sababteeda aad ugu kuur-galin. Taas
darteed, waxay dadka qaarkii yiraahdaan; 'Basaatiin Baytul-masaakiin'"(Basaatiin
waa gurigii masaakiinta). Tusaale ahaan:Qado ka kooban Saxan Bariis ah,
rubuc-digaag ah,khudrad iyo Cabitaan oo Sanca ilaa 350-riyaal iigu kacaysay,
ayaa Basaatiin(Cadan-Tacis) la iga siiyay 150-riyaal.
Waxaa iyaduna bogaadin leh; Soomaalida magaalooyinka kale ee Yemen, waa
ay kala firirsan yihiin, waxayna deggan yihiin xaafado kala fog-fog, taasoo
wada-kulankooda iyo isku-xirnaanshahooda adkayn karaysa. Al-basaatiin, hal meel
baad ka wada heli karaysaa Soomaalida,sida: Masjid, Madrasah,Makhaayad, Meelaha
ganacsiga ,Meheradaha iyo marinnada oo dhan. Ruuxii booqday baa iiga marqaati
noqon kara inuu Faras-magaalaha Basaatiin uu shaabbaho: Suuq-boocle, suuq-bacaad
iyo xataa meelo ka mid ah Bakaaraha.
Arrimahaas iyo kuwa kale oo wanaagsan, waxay ku illowsiinayaan
jiritaanka tira yar oo Soomaalida ka mid ah, oo uu qaldan yahay"
hab-dhaqankooda", walow, ay dhaawac u geystaan sumcaddii dadka Soomaaliyeed.
Waxaa habboon oo waajibna ah inay tirada badan ee wanaagsan,siiba Odayaasha iyo
aqoon-yahannada inay aad ugu dadaalaan oo u guntadaan u caqli-celinta tirada yar
ee ay ficilladoodu fool xun yihiin. Waxaa xil na wada saaran ah: ilaalinta xadka
Eebbe iyo dhaqanka hagaagsan ee dadka Soomaaliyeed.
Gabagabadii, waxaan jeclaystay inaan Soomaalida "Al-basaatiin' ku
iraahdo; walaalayaal, inaad xoogsataan, nolol-maalmeedkiinna soo
dhacsataan(Al-youm), ganacsataan, cibaadaysataan, isku fillaansho ku dadaashaan,
waad u guntateen, laakiin, maxaad u xusuusan weydeen inaad dhexda u xirataan
nadiifinta iyo dhowridda bilicda xaafaddiinna...?!!!.
Waxaa la yiraahdaa:-(a) Inta uu Qashinku kuu jiro, ayuu Cudurkuna kuu
jiraa..(b) Arrad waa dan, Usgagna waa doqonnimo; Diinteennuna waxay na baraysaa
:in ay Nadaafaddu ka mid tahay Iimaanka.
Docda kale,Tuugsi talo ma aha; kuwiinna taagta roon, maxay ugu
tafa-xeydan waayeen: tusaaleynta, la-talinta, tilmaamidda, toosinta iyo
taakulaynta kuwa taagta-daran ee tuugsanaya...?!!. Soomaalidu waxaa ay
tiraahdaa:-(a) Rag waxaa u liita ma-tashade, ma-toshe iyo ma-tashiishe..(b)
Iskaashato ma-kufto.. (c) Ilko wadajir bay wax ku gooyaan..(d) Dhagax meel
dhow ayuu ku dhacaa, dhawaqna meel dheer....
WQ/Muxyaddiin M.kaalmoy
- kalmoi@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2007


|