Dhaqanka, Diinta, Asluubta iyo Waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed ee
Qurbaha
Waxaa sii badanaya Walwalka Waalidiinta ku nool Waddamada reer Galbeedka
kaasoo ay kaga Walwalayaan Carruutooda Dhaqankooda, Diintooda, Asluubtooda iyo
Waxbarashadooda in kastoo Carruutu intooda badani ay yihiin kuwa Waalidkood
Adeeca kana baqa ama tixgeliya Waalidkood haddana waxaa jira kuwa Ooda jabsaday
oo aan faraha lagu qaban karin oo ka dhex baxay Jaaliyadiii uu ka dhashay ama
Bulsha weyntii uu ku abtirsanayey una galay kuwa aan la Dhaqan,Diin,iyo isku
jinsiba ahayn kaddibna ay u Dambeysay inuu Xabsi ku galo iyadoo maanta
Soomaalida ay tahay Carruutooda kuwa ugu badan ee ku jira Xabsiyada Waddamada
reer Galbeedka taasina ay keentay Dadaal yarida haysata Waalidiinta Ubadka
Dhalay ama Mas'uuliyadiisa iyo ka warqabkiisa haya.
Alle Quraanka Kariimka meelo fara badan ayuu uga hadlaya Trabiyada Carruurta oo
la doonayo in la raaco haddii uu aanu taasi qaadanana Carruuteenu way
hagaagayaan haddii aannu ka leexanana Carruurtu way noqonayaan kuwa baadiyooba,
Haddaba waxyaabahaasi maxaa ka mid ah in Carruurta la baro Xuquuqda ay labadiisa
Waalid ay ku leeyihiin ,si uu u noqdodo mid u iyaga Baari u ah ,Warkooda u maqla
ama dhagaysta Waalidkii ,ugu Samo falo ,ugu adeega ,kolkey Gaboobaana u daryeela
,codkiisa aannu Codkooda kormarnin ,Markay dhintaan kaddibna u soo duceeya
,intaani oo dhami waa Xaq waajib ah.
Maanta iyo Carruurta Qurbaha ku nool Xaaladooda sidee bay tahay ama ayaa
Hogaanka u haya Carruuta waxaa Hogaanka u Qabsaday TV oo ah Sheydaan Deris kula
ah oo guriga kula jooga Carruutiina aysan isga mooyee aysan doonayn inay Cid
kale wax ka maqlaan Haddaba sidee looga badbaadi karaa?Waa in Carruurtu
leeyihiin Waqti kaasoo haddii aad u samaysid ay ku Iloobi karaan Waqtiyada oo
loo kala qaybiyo 1.Waqtiga Quraanka iyo Khiraa'ada 2. Waqtiga Home Work School
3. Waqtiga Raashin Cunista 4. Waqtiga la Sheekaysiga Waalidka 5. Waqtiga Hurdada
,Carrutu haddii Waqtigoodu uu buuxo ma helayaan Waqti ay TV-ga ku Mashquulaan
ama Daawadaan ,Haddii ay doonaana Muxaadarooyinka uga faa'idee adigoo u
adeegnayaa Masaajidda ama DVD,IWM .
Saaxiibada Carruurtu waa inay noqdaan kuwa wanaagsan oo ah kuwa ay ku Saaxibeen
barashada Madrasooyinka iyo Masaajidda waana inay noqdaan kuwa la yaqaan
Dhaqankooda iyo Asluubtooda , Waalidku waa inuu la Saaxibaa Carruurtiisa si
aysan waxba uga qarin wixii noloshooda ku soo kordha , Labada Waalid waa inay
adkeeyaan Xiriirkooda si Carruurtu aysan ugu keliyoobin hal Waalid keliya ,
Gurigu waa inuu noqdaa mid uu Dhaqankiisu ku Xiran yahay Diinta Carruurtuna lagu
hagaa Waqtiyada Salaada mar walba si marka uu kaaga maqan yahay Schoolku uu u
noqdo mid uu Qalbigiisu Salaadda ku taagan tahay,Asluubta iyo Wanaaga uu
bulshada kula dhex noolaan lahaana waa in la baraa.
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Carruurtoodu ku dhalatay Waddamadan reer Galbeedku
Waxaa Ubadkii ka haysta Barashadii Afkii Soomaaliga Dhibaato Carruurtu waa in la
baraa Afka Soomaaliga Waalidkuna uu bartaa Afafka kale ee Ajaanibka si uu u
fahmi karo ,Haddii ay Carruurtu koraan Khiyaamooyinka ay u adeegsanayaan Marka
uusan Waalidku Afkii kale Aqoonin sida inta badani ka dhacdo Meelo badan oo ka
mid ah Waddamadan reer Galbeedka ,Waalidkii oo Warqadihii School uu u Fasirayo
Ubadkii yaraa taasina waa waxaa halis ah inuu Ubadku Waalidku Jar ka tuuro beena
kaga faa'idaysto ,Haddaba Aqoon La'aani waa Iftiin La'aan" Waxbarashadu waa
muhiim ama Waalid ahow ama Ubad ahow.
Iimaamada Masaajidda,Madaxda Jaaliyadaha kala duwan ee Waddamada reer Galbeedka
ku nool waxaa saaran Waajib gaar ah wayna gutaan inta badan sida loo soo
diyaariyo Muxaaradooyinka iyo Kullamada kala gedisan ee looga hadlayo
Horumarinta Ubadka iyo Badbaadintooda haddana weli Qaar ka mid ah Ubadkii ayaa
ku sugan Xaaladihii laga digayey ,ama Xabsiyada ku jira Soomaalida waxay noqotay
Qaxootiga ugu badan ee Dhallinyaradoodu ay Xabsiyada Maraykanka ku jira ,
Waalidkii iyo Iimaamadiina Dadaal uma yara laakiin waa in uu Qof walba oo
Soomaali ah is Xilqaamaa kana qabtaa Xumaanta haddii lagu arko Ubad Soomaaliyeed
oo ku sugan Xaalad aan Wanaagsaneyn ama meel Xun taagan una Caqli Celiyaa
tusaana inuu khaldan yahay una tilmaamaa Wadada Saxda ah.
Maqaalkani waxaannu ku soo koobayaa in Dhaqanka,Diinta, Asluubta iyo
Waxbarashada Carruuteenu ay tahay waajib ina saaran Dhammaanteen Mas'uuliyadaasi
haddii ay luntana waa lumaya dhammaan bulsha weynta Soomaaliyeed ,Jiilba jiilbaa
ka dambeeya haddii ugu dambeyntii laga tago jiil Lumay waxaad ogaataan in aannu
dhammaanteen lunay ,Haddaba Waxaan nafteyda iyo Dhammaan Walaalaha
Akhristayaasha ahi u dardaarmayaa inaanu ku dadaalno sidii aannu u badbaadin
lahayn Carruurteena oo dhex jira Webi duduraya .
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2007


|