Waxgaradka deegaanka Deyniile oo qaayla dhaan tii ugu weeyneyd ka soo
saaray dhibaato ba’an oo ka taagan degaankaas
Waxgaradka deegaanka Deyniile oo manta qaayla dhaan tii ugu weeyneeyd ka
soo saarayka dib dhibaato ba’an oo ku haysata dadka ku barakacay
deegaanadda hoostaga degmadda dayniile.
Qaar ka mid ah ogaasyadda,nabadoonadda.wax garadka iyo culumaa udiinka
beesha murusadde ayaa khamiistii ka soo saaray degmadda dayniile oo ka
mid ah degmooyinka gobolka banaadir qayladhaantii ugu weeyneeyd oo ku
wajahan dhibaati baaxad leh eek u haysata deenaano ka mid ah degmadda
dayniile dadku soo barakacau oo haatan nolol xumi ku haysata halkaasi .

Waxgaradkaan ayaa sheegay in dadkaan ku soo barakacay deegaanadaasi kana
cararay dagaaladda iyo qaraxyadda aan loo miidaan dayin ee lala
beegsanaaya dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ayey waxgaradkaasi sheegeen
in ay haatan haysato dhibaato nolol xumo ah iyo weliba caafimaad dari
soo wajahday taas oo ay weliba sheegeen in ay u dheer tahay hoy xumo iyo
macluul baahday oo saameeysay guud ahaan dakaasi ku barakacay
deegaanadaasi.
Qayladhaanta ay soo saareen waxgaradka degmadda dayniile ayay ku
sheegeen oo baaq deg deg ah ugu jeediyay n Hay’adaha caafimaadka iyo
kuwa samafalka oo ay sheegeen in dadkaasi aanay helin moddo sagaal
bilood ah wax gargaar ah oo lagu maareynaayo dadkaasi .
Waxgaradka maanta qayla dhaanta soo saaray ayaa waxaa aka mid ah
nabadoon Ugaas Daahir Cabdi Kulmiye,Sh.Cabdulaahi ibraahim Dhagey.Sh.
Cali Yuusuf Sabriye. Muxudiin Xasan Axmed. Nabadoon Cabdi Macalin
Maxamed jiisoow,Maxamed Cali Jimcaale,Nabadoon Cartan Axmed Ibraahim (
cartan bidar ) iyo Xujaale Cabdi jiisoow iyo xubni kale oo ka mid ah
odoyaasha Beesha Murusade.

Eedeyn Ba’an ayay Waxgaradkaan maanta soo saaray qayla dhaanta Hay’adda
W.F.P oo ay sheegeen in mucaawinadii loogu talagalay dadka Soomaaliyeed
in ay ka weecyeen deeganadda Dayniile oo ay iska indhatireen in ay
kaalmeeyaan dadka ku barakacay deegaanadda Dayniile, waxayna sheegeen in
Hay’addaasi si weeyn ugu takri fashay mucaawinaddii loogu talagalay
dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan iyagoo ugu baaqay in Hay’adda W.F.B
ay wax ka bedesho maamulkeedda ku aadan wax u qabashadda dadka
Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku barakacay deegaanadaasi.
Sida laga warqabo deegaanadda ku xiriirsan degmadda dayniile ayaa waxaa
haatan ku sugan oo ku barakacay dad kor u dhaafay 40- kun oo qoys oo ka
barakacay degmooyinka Wardhiigley, Hodan,oyo Hawlwadaag iyo deegaano
kale oo ka tirsan gobolka Banaadir kuwaasi oo aanan ilaa iyo hatan aanan
helin wax gargaar ah marka laga reebo biyo ay u dhaamiyaan booyaddo laga
leeyahay Hay’adaha haatan ku hawlan biyo dhaamintaasi.