- Golaha Siyaasadda Beelaha Digilmirifle oo Magaalada Baydhabo
Shir Weyn Ku Qabtay
- Xildhibaanada Beesha Direed ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo
Bayaan adag soo saarey.
GOLAHA SIYAASIYIINTA IYO AQOONYAHANADA DIGILMIRIFLE OO MAGAALADA
BAYDHABO SHIR WEYN KU QABTEY
Xaflad lagu soo bandhigayo Golaha Siyaasiinta iyo Aqoonyahanada
Beelaha Digilmirifle intii uu jirey waxqabadkooda, qaabdhismeedkooda iyo
Ujeedooyinkooda guud, islamarkaana loogu diyaargaroobayo dhismaha Maamul
Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen Xubnaha
labada Gole ee DFKMG, Siyaasiinta, Culumaa’udiinta, Aqoonyahanada
Maadiga, Odeydhaqameedyada Beesha, Haweenka iyo Dhalinyarada ayaa lagu
qabtey Magaalada Baydhabo.
Xafladaan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, islamarkaana ka
muuqtey mid lagu soo bandhigayo facweynida siyaasada Beelaha
Digilmirifle ayaa waxaa ka Hadley Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
Xildhibaan Madoobe Nuunow Max’ed, Xildhibaan Sh. Aadan Max’ed
Deer,Taliyaha Saldhiga Booliiska Demada Baydhabo ahna kusimaha
Gudoomiyaha Degmada Dh/ Aadan Axmed Cumar(Aadan Biid), Malaaq Max’ed
Ibraahim Garoore oo ka socdey Odeydhaqameedyada Beelaha Digilmirifle,
Marwo Xaajiyo Sangaabo Mursal Cali oo hore u ahaan jirtey Halgameyaashii
Gobonimodoonka Soomaaliyeed iyo Gudoomiyaha Gudiga Golaha Siyaasiinta
iyo Aqoonyahanada Digilmirifle Prof. Ibraahim Muuse Heeroow.
Gudoomiyaha Golahan Siyaasiinta iyo Aqoonyahanada Digilmirifle Prof.
Ibraahim Muuse Heeroow oo halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu warbixin kooban
ka bixiyey Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Digilmirifle, asaaska
golaha, waxqabadka, himilooyinka iyo yoolka uu hiigsanayo Golahaan.
Prof. Heeroow isagoo arimahaasi ka hadlaaya ayaa wuxuu yiri “Golaha
Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Digilmirifle waxaa la aasaasay sannadka
markuu ahaa 1995-tii, waxaana aasaasay Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ku
abtirsada Beesha Digiilmirfle, Waxaa mar labaad boorka laga jafay oo
dibna loo habeeyey Golaha (GSADM) sanandka 2002, nasiib darro waxaa
caqabad ku noqday dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Goboladan, Waxaa mar
seddaxaad dib u habeyn lagu sameeyey sanadka 2003, loona dhisay maamul
ku meel gaar ah lehna shirgudoon afhayeen,iyo xoghayn”.
Prof. Mar uu ka hadlaayey dibu habeynta lagu sameeyey Golahan wuxuu
yiri “ wuxuu golaha muddo afar sano ah ku soo shaqeeyey maamul ku meel
gaar ah oo leh shir guddon, afhayeen iyo xoghayn waxaana laysla gartay
in dib u habayn lagu sameeyo golaha loona dhiso maamul, Ka dib shirar is
daba joog ah waxa loo dhisay golaha maamul joogto ah iyo golayaal iyo
guddiyo hawleed, oo ka soo shaqeeya shirweyne guud oo xubnahooda tiro
furan, Gole dhexe oo ka kooban 47 xubnood, Gudi fulin oo ka kooban 9
xubnood”.
qaar ka tirsan saraakiishii hore ee XDS iyo mid ka mid ah Eng,rada
Golahan wuxuu leeyahay Guddomiye, k/xigeen koowaad, k/xigeen labaad,
xoghaye guud, afhayeen, xoghayaha xirirka dibadda, xoghayaha arimaha
bulshada, xoghayaha maaliyadda, la taliyaha dhinaca sharciga iyo afar
guddiyo oo kala ah iyo Guddiga Dhaqaalaha, Guddiga Kormeerka, Guddiga
Anshaxa, Guddiga Hantidhowrka oo midkiiba ka kooban 5 xubnood”
bidix kuxigeenka 1-aad, dhexa Gudoomiyaha Golaha, midig kuxigeenka
labaad
Mar uu ka hadlaayey wax qabadka Golaha ayaa wuxuu yiri “ Golaha wuxuu
kaalin mug leh ka soo qaatay muddadii afarta sanadood ee la soo dhaafay
xallinta khilaafaadka Beelaha walaalaha ee cadawga isku dirtay, Fadhiyo
badan iyo wada xaajood dheer ka dib, waxaa Golaha oo kaashanayo qaybaha
kala duwan ee Bulshada Rayidka, sida Malaaqyada, Haweenka,
Culumaa’udiinka iyo Ganacsatada ayaa waxay ku guuleysteen dib u heshiino
iyo wada xaajoodyo lagu qabtay meelo kala duwan,sida Tuulada (Sarmaan
dheer) .kii koowaad iyo kii labaad waxaana Alle mahadiisi ah in uu ka
gaaray xal kama dambees ah” ayuu yiri, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa
intaa ku darey:
“Golahan wuxuu mar kale dardar geliyey hawlihiisii ku aadanaa dib u
heshiisiinta wuxuuna bilaabay in uu u gudbo xallinta khilaafaadka xagga
Siyaasadda ee xubnaha Dawladda kaga jira Beelaha Digilmirifle, wuxuuna
Golahan bilaabay in uu la xiriir iyo u kala dab qaadidda masuuliyiintii
Fikriga iyo Aragtida Siyaasadeed kala duwan qabay ee kala fadhiyey
Degmooyinka Waajid iyo Jawhar. Waxaana loo kala diray xubno ay ka mid
yihiin Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Malaaqyada, Culumaa’udiinka,
waxayna ku guulaysteen in ay si degdeg ah u xalliyaan khilaafaadkkii
jiray, Golaha sidaas oo kale wuxuu xal kama dambeyn ka gaaray khilaafkii
ku dhex jiray malaaqyada oo ku kala qeybsanaa fikirka”.
Wasiirka Isboortiga iyo Mas'uuliyiinta Golaha
Prof. Heerow wuxuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey ujeedooyinka Golaha
iyo Barnaamijka horyaala “ In uu gacan ka geysto sidii loo abuuri lahaa
jawi nabadeed iyo xasilooni waarta, Taaba gelinta dib u heshisiintii
Beelaha Soomaaliyeed, Ururinta siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada
Digilmirfle iyo midaynta afkaartooda, In uu gacan ka geysto dhismo Gole
Dhaqameedka Beesha Digilmirlfle iyo In uu kaalin mug leh ka qaato u
gogol xaaridda Dhismaha Dowlad Goboladeed Koofur Galbeed”.
Dhinaca kale xubnihii kala duwanaa ee ka socdey labada Gole ee ka Hadley
halkaas ayaa waxay ka soo jeediyeen khudbooyin lid ku ah xubnaha labada
Gole ee DFKMG uga jira Beesha Digilmirifle iyo jawaabo ay ka bixiyeen
qaar ka mid ah Bulshada Rayidka ee ka Hadley halkaasi oo qaarkood u soo
jeediyey xubnaha labada Gole uga jirea Beesha waa in ay isaga tagaan
hadii kale ay wax muuqda oo la taaban karo u qabtaan shacabka Gobolka
Baay ee hada ay ku sugan tahay DFKMG.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Madoobe Nuunow Max’ed oo
halkaasi ka Hadley ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa:
Xildhibaan Madoobe Nuunow
“in xubnaha labada Gole ee uga jira Beesha Digilmirifle ay si wanaagasan
ula soo qaybsadeen Beelaha Dhigooda intii shirkii lagu soo Unkey DFKMG
uu socdey, waxyaabihii ay kula soo heshiiyeena ay ahayd in Af-ka Beesha
Digilmirifle la qore, In DFKMG ay sii degto inta dalka uu ka degaayo
Magaalada baydhabo”
sidoo kale wuxuu sheegey markii ay DFKMG soo degtey magaalada
baydhabo “DFKMG waxaa loo balan qaadey 4000 oo ciidamo ah, mushaarkooda
iyo tababarkooda markii arintaasi ay u fariisteen Golaha Wasiiradda
Beelaha Digilmirifle waxaa loo ogolaadey in kabadan 2000, balse markii
xeryaha laysugu geeyey ayey iska soo tageen, maantana waxaa lagu
doodayaa inagu saraakiisha sare ee ciidamada DFKMG waxba kuma lihin,
taasina ma ahan wax la qaadankaro, waayo ciidamo Beel kale miyaad
doonaysaa inaad adiga madax u noqoto oo ay kugu soo daba faylaan?!,
hadaba hadii la doonayo in saraakiisha la dalacsiiyo inaga hanala
weydiiyo, balse marka hore noqda dadd woxooda qabsanaya”.
Xildhibaan Cabdullaahi sh.Ismaaciil
Xildhibaanada Beesha Direed ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo Bayaan
adag soo saarey.
Shir socdey saacado badan oo lagu qabtey Hoteel Bakiin ee magaalada
baydhabo, ayna isugu yimaadeen Xildhibaanada Beesha Direen isla markaana
looga hadlaayey xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinaca aawood qaybsiga
siyaasadeed ee DFKMG, maamulka, adkeynta Hay’adaha Qaranka, ku dhaqanka
Axdiga iyo Sharciga, ayaa shirkaan si wada jira ah uga wada qaybgaleen
wakiilada Beelaha Isaaq, Biimaal, Madaluug, Awsiciid iyo Baajimaal
waxaana gudnaanadkiisa laga soo saarey qodobadan.
1-in Beesha Direed dhinaca looga riixey ka qaybgelinta wadatashiga sare
ee lagu go’aaminayo jaangooyada wada dhiska awoodaha Dowladda xag
siyaaso, maamul iyo Amniba, taasoo soo jiitameysay Sedaxdii sano ee la
soo dhaafey dibna loogu dulqaadan Karin.
2-In ay jiraan xadgudubyo bareer ah oo Beesha Direed uga imaanaya
hogaanka sare ee Dowladda oo lagu dhaawacayo karaamadooda, laguna
duudsiinayo kaalintii kaga aadaneyd Qaran dhiska Soomaaliyeed, loona
gacan dhaafayo had iyo jeer xulka iyo magacaabista xubnihii uga
qaybgelilahaa awoodaga sare ee Dowladda.
3-In lays dhex jiirsiiyey Awoodihii Dowlanimo ee Axdigu qorey, dhabahana
loo xaarayo wiiqida kala soocnaanta Awoodaha Hay’adaha Dowlanimo ee
Qaranka si talada meel ugu uruurto oo mabda’ii isu dheelitirka Awoodaha
loo buriyo.
4-In ay tahay arin fool xumo ku ah qaranimada Soomaaliya iyo sharafta
Dowladnimo in ilaa iyo hada Gudoomiyihii maxkamada sare uu sharcidaro u
xiran yahay, taasoo loo aaneyn karo kali ah asbaabo ismaandhaaf
siyaasadeed ku lug leh.
5-In la sii la ciifinaayo Midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed,
dibna loogu tumanaayo is aaminkii Qaran ee ka dhashay shirkii
dibuheshiisiinta ee lagu soo dhisay Hay’adaha Federaaliga ee Dowladda,
sibabahaas oo idil aawgood Xildhibaanada Beelaha kor ku xusan, waxay
hoosta ka xariiqayaan in loo baahan yahay wadahadalo adag oo lagu
saxaayo dhaliilahaan oo wadanka u horseedaya bur bur iyo is aamin daro
ayaa lagu yiri bayaankan ay soo saareen Xildhibaanad Beesha Direed eek u
kulmay Hoteel Bakiin ee Magaalada Baydhabo.
hase ahaatee arimahaan dhacaaya ayaa waxay ka mid yihiin caqabada
horyaala Xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Col/ Nuur Cade ee aan wali
helin kalsoonida Baarlamaanka, islamarkaana laga cabsi qabo in ay
dhicisoowdo, inkastoo hadal haynteeda ay ku badan tahay in xubin kasta
oo Wasiiradda ka tirsan Baarlamaanka mid mid looga weydiindoono
kalsooni, balse ma cada in ay dhaceyso iyo in kale arintaas, laakiin la
ogaandoonee Todobaadyada soo socda, halka ay ku biyo shubtaan hadaladaan
is burinaaya.
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com