SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Jaamacadda Muqdisho oo qabatay barnaamij-deeq Waxbarasho loogu Raadinaayo Gabdhaha Soomaaliyeed‏

Jaamacadda Muqdisho oo u dabaaldagtay 22 Sep, 2007, sannadkii 10 ee waxqabadkeedii intii lagu guda jiray dagaaladii sokeeye ee ka jiray dalka Somalia. dhismaha ballaaran ee Jaamacadda ka sokoow, mudadii ay jirtay jaamacadda Muqdisho waxaa iska diiwaangaliyay 7-da Kulliyadood ee ay ka kooban tahay 5283-arday oo 4015 ka mid ih ay yihiin wiilal halka 1296-na ay gabdho yihiin. Sidoo kale Jaamacadda waxaa ka qalin jabiyay 1002-arday kuwaasoo 810 ka mid ah ay wiilal yihiin, halka 192-na ay gabdho yihiin.

Intaas waxaa sii dheer, 10-kii sanno ee ugu dambeeyey Jaamacaddu waxay siisay 1525 arday Waxbarasho lacag la'aan ah tasoo ay ka soo heshay Hay'addo iyo Shaqsiyaad kala duwan.

Waxbarashada guud ee lacag la'aanta ah ee ay Jaamacaddu siiso ardaydeeda ka sokoow, Jaamacaddu markii ay aragtay Farqiga dhinaca waxbarashada ee u dhaxeeya gabdhaha iyo wiilasha, waxay sameysay Barnaamij waxbarasho lacag la'aan ah oo gabdhaha u gaar ah looguna Magac-daray "Young Women Leadership Scholarship" kaasoo looga golleeyahay sare u qaadidda awooda gabdha Soomaaliyeed; iyadoo loo fidinayo waxbarasho lacag la'aan ah tasoo qorshaheedu yahay sidii loo soo saari lahaa gabar aqoon leh oo ka qeyb qaadata horumarka bulshada.

Ololahan lacag uruurinta ah ayay ujeedadiisu tahay sidii waxbarasho lacag la'aan ah loogu heli lahaa 1000 Gabdhood ayaa si guul leh 8 December 2007 uga dhacay Hilton Hotel oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Marka laga reebo Jaalliyada Soomaaliyeed ee Nairobi, Xafladda waxaa goob joog ka ahaa Hay'adaha Qaramada midoobay sida UNDP, UNESCO, UNICEF iyo UNAIDDS iyo kuwa kale.

Waxaa xusid mudan in 74-arday isla goobtii loogu yaboohay Waxbarasho lacag la'aan ah oo 4-sanno soconaysa. Tirada guud ee illaa iyo hadda la helay waa 304 arday halka 696-ka kalena da la filayo dhawaan in la helo.

Waxaan ugu baaqeynaa bulsha weynta Soomaaliyeed, Hay'adaha waxbarashada sare iyo Beesha Caalamka in ay Jaamacadda kala qeyb galaan sidii loo xaqiinjin lahaa waxbarida ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha.

Waxaan mahad ballaaran u celinaynaa dhamaan intii ka soo qeyb-gashay iyo intii gacan ka gaysatay ololahaan ballaaran ee waxbarashada gabadhaha Soomaaliyeed lagu horumarinayo.

Jaamacadda Muqdisho waa Jaamacad Somaaliyeed oo taagan sidii ay u bixin lahayd waxbarasho tayo sare leh una soo saari lahayd jiil aqoonyahano ah oo ka qeyb qaata Nabadda, Dowlad wanaaga iyo Adeegyada bulshada.

Muuse Maxameed Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521/5576666
002521/653623

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com