SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dedaalkii baahsan dadkuu badi duufsadaa!   

Cabdikhayr Sh. Soofe

soofe@hotmail.com  

Waa wax adduunka oo dhan caan ka ah in bini’aadamku kor u eego oo xushmeeyo kuna daydo kuwa hormuudka u ah. Waa halka Soomaalidu tiraahdo “Awrka hore kan danbe saan-qaadkiisuu leeyahay” Iyadoo ay jiraan ammuuro badan oo qofka hab-dhaqankiisa duufsada ama saamayn ku yeesha, ayaa waxay dadku u badanyihiin kuwa aqbala ama la qabsada dhaqanka baahsan ee deegaanka ay ku noolyihiin ka jira ama caanka ka ah iyo tusaalooyinka ay keenaan dadka madaxda u ah, si kastoo aanay madaxnimo u mudnayn.  

Dhallinta iyo qaybaha kale ee bulshada ugu nugul marka laga hadlayo in saamayn lagu yeesho, waa kuwo markasta si sahal ah ula qabsada isbaddel kasta oo bulsho ku yimaada. Tusaale ahaan, deegaankii culimo qur’aanka si fiican u akhrisa ku badanyihiin, dadku inta badan way ku daydaan. Dhallinyaradu waxay ku hammiyaan in ay sida Sheikh hebel oo kale qur’aanka u bartaan ama u akhriyaan. Dedaalo badan oo baahsan oo isbarbar socda haddii ay jiraan sikastaba ha ahatee; dadku way qaataan, waxaana tusaale kuugu filan tii qabiilka loo isticmaalay ee Soomaaliya horaantii 1990kii qarqisay.  

Hawlgalada argaxiso la dirirka loogu magac daray iyo mashaariicdan reer galbeedka ee Soomaaliya ka soconayaa – haddii aan wax baddela la helin - waxay keeni doonaan in arrimo badan oo dammiirku diidi lahaa dadku caadi la noqdaan. Waxaad arki doontaa Soomaali badan oo Ethiopia askar u ah tiiyoo dadku ay caadi latahay. Iyadoo lagu tartamayo ku biiridda iyo kamid noqoshada ciidamada militariga Ethiopia.  

Waxaan horay u aragnay oo dadku aqbaleen in hoggaamiyaashooda aan cilmi, masuuliyad, garasho iyo garaad xeeldheer iskaba daaye aan laga doonin oo aanay muhiimba ahayn inay raasamaalka iyo jiritaanka bulshadooda qalbiga ku hayaan.

Wacyigelin bulsho oo aad u baaxadweyn oo la helaa waxay horseedi kartaa in dadku u soo durkaan fahamka qaranimadooda iyo madax bannaanidooda dal, dawladnimo iyo dhaqan iyo dhaqaale. Nabaad guur qaranimo waxaa lagu baajin karaa iyadoo la helo dad aaminsan qaranimo oo doonayo in ay u go’aan wacyigelinta bulshadooda. Inkastoo marxaladda lagu jiro aanay saacidaynin meelmarinta dedaalada caynkaas ah, haddana dagaalka waxgalka ahi waa midka baraarujinta bulshada.  
 

Cabdikhayr Sh. Soofe

soofe@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga kusaxiixan
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com