SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Tahriibayaal Soomaali iyo Afrikaanka kale isugu jira oo ku Geeriyooday xeebaha dalka Yemen

SomaliTalk.com | Boosaaso

Wararka ka ka soo baxaya wadanka Yemen Gaar ahaan magaalada Cadan ayaa Tahriibayaal Soomaali, iyo Ethopian u badan yihiin ayaa Dooni sidayu kula qalibantay Meel u dhow Xeebta Cadan ee Dalkaa Yaman.


Sawirada: Reuters

Tahriibayaashan oo ku safraayay Dooni aad u yar oo rarkii Dadkaas tankeedii la dhaafiyay ayaa kadib markii ay qalibantay laga helay Meedkii Dadkaa Xeebaha Cadan ee Dalkaa yaman..

Xuseen Xaaji Axmed oo ka mid ah Safaarada Soomaalida ee magaalada Cadan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in laba doonyood oo sidey tahriibayaal ay ku kala dhinteen 3 qof iyo laba qof Sarkaalkaan ayaa sheegay in lakala garan waayay Dadkaasi in ay ahaayeen Soomaali iyo Ethobian.

Doomahaan ayaa waxaa la Xaqiijiyay in ay ka baxeen Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland xiliga ay baxday ayaa wali la xaqiijin, ayadoo marar aad u badan oo hore ay ugu geeriyoodeen Tahriibayaashaan lakiin aysan Muuqan in ay joogsato Masiibadaan ka socota Bada Cas ee u dhaaysa Somaaliya iyo yaamen, waxaa jiraan hay,adaha Xuquuqda Aadanaha madax banaan kuna sugan magaalada Boosaaso kuwasoo u qaylo dhaaminaya sidii wax looga qaban lahaa in ay joogsato Dhimashadaan Bada Cas ee Tahriibayaasha oo soo badanaysa xiliyada Ciidaha oo Tahriibayaashu ay sheegaan in ay tahay waqti Fursada oo lagu galo Dalka Sacuudiga oo 99% ay u socdaan Tahriibayaasha.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com