SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KUWAIT

Wafdi sare oo u hogaaminaayay General Morgan oo Boqosho ku yimid Dalka KUWAIT

  • Waxaa warka soo tebiyey: Cabdulqaadir Sufi Maxamed (muriidigolf) oo ah lataliyaha Arr. Siyaasadda ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait, email: muriidigulf@hotmail.com


Amiirka Dowlada Kuwait:Sh.Sabaax Axmed Al-Jaabir Al-Sabaax, wuxuu ku qaabilay xafiiskiisa ku yaala (Qasri Bayaan) ,wafdi uu hogaaminayo lataliyaha madaxweynaha arimaha amniga mudane Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo uu weheliyo Mudane Axmed Cumar Azhari, Madaxa waaxda Arimaha Carabta.
Maxamed Saciid Xirsi Moorgan
Maxamed Saciid Xirsi Moorgan

Waxayna u gudbiyeen Amiirka Kuwait dhanbaal qoraal ah oo ay ka sideen walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyda Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed, kana hadleysay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.Amiirkuna uu si farxad iyo qalbi furnaan leh u gudoomay dhanbaalka una dhageystay warbixinada la xiriirtay xaaladaha Soomaliya kajira xag Siyaasadeed iyo xag nabadgalyo iyo xag dhaqaalaba.

Kulankaas oo ay goob jog ka ahaayeen dhanka dowladda Kuwait masuuliyiin sar sare oo uu kamid yahay wasiirka Diiwaanka Amiiriga Sh. Naasir Al-Sabaax ,dhanka Soomaalidana uu goobjoog ka ahaa Danjiraha Somalia u fadhiya Kuwait Mudane C/qaadir Amiin Sheikh Abuubakar. Wafdiga waxaa uu kulan aqalka safiirka ku la qaatay aqoonyahanno ka tirsan jaaliyadda Somalia ee Kuwait.

Sida la ogyahay wafdiga uu hogaaminayo Jeneraal Morgan waxay yimaadeen dalka Kuwait maalintii jimcaha ee ku beegneed 7da bisha 12naad iyadoo ay garoonka kusoo dhaweeyeen saraakiil ka socota Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Diiwaan Amiiriga dalka Kuwait , iyo Safiirka iyo dhamaan diblomaasiyiinta Safaardda Soomaalida ee Kuwait.

Maalintii sabtida 8dii bisha 12naad , waxaa xaflad qado sharaf ah u sameeyay wafdiga Safiirka Soomaalida Kuwait u fadhiya Mudane C/qaadir Amiin Sh.Abuubakar , xafladaas waxaa lagu dhigay guriga Safiirka, waxaana ka soo qeybgaleen wafdiga ka sokow xubnaha safaarada, xubno ka tirsan odayaasha iyo wax garadka jaaliyada.
Halkaas oo madaxa wafdigu warbixin kasiiyay jaaliyadda iyo safaaradaba xaaladaha ka jirta dalka Soomaaliya iyo dadaalada ay dawladdu ugu jirto dajinta nabadgalyada dib udhiska dalka i. w.m.

Sidoo kale wafdiga waxaa Casho sharafeed gurigiisa ugu sameeyay mudane Cabdulqaadir Sufi Maxamed (muriidigolf) oo ah lataliyaha Arr. Siyaasadda ( political Counselor ) ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait .
Maalintii isniinta oo ku beegneed 10kii bisha 12naad waxay wafdiga kormeer ku yimaadeen xarunta safaarada soomaaliyeed ee Kuwait, halkaasoo ay kula kulmeen dhamaan shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta ka howlgala safaarada.

Wuxuuna ku amaanay sida hagar la aanta ah ee ay ugu soo adeegayeen jaaliyadooda soomaaliyeed mudo 17 sano ah,iyadoo aanay ka danbeynin dowlad iyo maamul ku daba taagan tabar iyo taakuleen.Wuxuuna ku booriyay inay sii wadaan dadaalkaas iyadoo mudo dhaw lagaari doono isku filnaasho lagaga baxo dhibaatooyin badan oo hada ka jira Safaaradaha guud ahaan.

Waxaa warka soo tebiyey: Cabdulqaadir Sufi Maxamed (muriidigolf) oo ah lataliyaha Arr. Siyaasadda ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait, email: muriidigulf@hotmail.com

faysal"Faysal Ali Waraabe: Ma aaminsani wax Puntland Layiraahdo" "maxaa yeelay Puntland waa Qabiil, Qabiilna dowlada ma noqon karo", sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlayey shir jaraa'id Nairobi.. Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com