SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWITZERLAND

Bayaan Gugundhabe

Bern Isniin (SomaliSwiss) 10.12.2007

waxaa Shalay oo ay taariikhdu ahayd 09.12.2007 kulan ku yeeshay magaalada Bern ee caasimada wadankan Switzerland, gudiga Beelaha Gugundhabe ee dagan dalkan Switzerland, waxaana kulankaasi looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Siyaasadeed ee dalka uu marayo, gaar ahaan xaaladda beelaha Gugundhabe.

Kulankaas oo loo dhamaa ayaa waxaa laga soo saaray bayaan degdeg ah ee ku saabsan dagaalka u dhexeeya labada jufo ee walaalaha ah CALOOFI & SUGOOW ee ka wada dhashay beelweynta Gaaljecel oo dagaalku ku dhexmarayo shabellada dhexe & Galbeedka Hiiraan.

Gugundhabe1


Beelweynta Gugundhabe, waxay ugu baaqeen odayaasha dhaqanka, Aqoonyahannada iyo wax-garadka kale inay si deg deg ah u joojiyaan dhiigga sokeeye ee micna la’aanta u daadanayo ee labadaasi Jufo ee walaalaha ah, waana in wadahadal lagu xaliyaa, iyadoon loo kala harin.

Gugundhabe3

Bayaankan waxaa si wada jir ah u soo saaray Odayaasha, Wax-garadka, & Aqoonyahanada, Beelweynta Gugundhabe ee ka soo qeyb galay kulanka, degganna dalkan Switzerland, waxaana ka mid ahaa:-

1. Dr. Axmad Dhicisow Daauud
2. Aadan Ibraahim Maxamed
3. C/raxman Maxamad X. Cali
4. Axmad C/laahi Dheen
5. Axmad Xuseen Barow
6. Maxamad Xasan Aadan
7. Maxamad Aadan Weheliye (miig)
8. Maxamuud Maxamed Baandow

SomaliSwiss Xafiiska Bern
somaliswiss@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com