Dhul-Hijjah: Fursad muddan in laga faa’idaysto
Mahadin iyo waynaynba waxa iska leh Ilaaha maalmaha, bilaha iyo
saacadaha kala fadilay. Mudo aan sidaas u fogayn waxa aynu ku dhex
jirnay khayrkii iyo barakadii bishii barakada badnayd ee Ramadaan.
Maantana waynakaa fooda la galay bishii kale ee khayrka badnayd ee
Dhul-Hijjah taas oo tobankeeda cisho ee ugu horeeyaa ay xambaarsan
yihiiin khayr iyo fadli fara badan. Waa maalmo mudan in la ogaado
fadligooda sidaas oo kalena ay tahay in laga faa’idaysto.
Fadliga Maalmahan
1) Waynaanta ay leeyihiin dartood ayuu Ilaahay ku dhaartay maalmahan.
Waxa uu Alle yidhi “Waxaan ku dhaartay fajriga iyo tobanka
habayn”(AL-Fajr 1-2). Tafaasiir badani waxa ay sheegayaan in ay tobankan
habayn ay yihiin 10 ka habayn ee ugu horeeya bishan Dhul-Hijjah.
2) Wanaaga maalmahan la sameeyo ma jiro wanaag u dhigmaa. Waxa uu
sheegay Nabigu (Naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha ahaadeene) in
aanu jirin Camal ka fadli badan camalka lala yimaado maalmahan. (Abu
Daa’uud– 2438)
3) Waxa ka mida maalmahan maalinta loo yaqaan “Yawmu Tarwiyah” oo ah
maalinta sideedaad ee bishan taas oo uu Xajku bilaabmo. Xajkuna sidaad
ogtihiinba waa rukunka 5 aad ee rukunada Islaamka.
4) Waxa ku jira maalinta Carafa oo ah maalmaha Alle maalinta ugu
fadliga badan. Waa Maalin Alle uu dhaafo danbiyada in badan oo ka mida
adoomihiisa. Sidoo kale waa maalin uu Alle in badan oo adoomihiisa ah ka
xoreeyo Naarta.
5) Waxa ku jira “Yawmu Naxar” kaas oo ah maalinta 10 aad ee bishan
taas oo uu Nabigu sheegay in ay tahay maalmaha Alle maalinta ugu wayn .
6) Guud ahaan maalmahani waxa ay KULMIYEen cibaadooyin badan. Waxa ay
KULMIYEen Salaad, Sadaqo, Siyaam iyo Xaj. Sidaa darteed ayaa waxa ay
yihiin maalmo qiimo wayn leh.
Sidee baynu uga faa’idaysanaa maalmahan
1) Toobada aynu badsano: Fursadahan oo kale waa fursadaha looga
faa’idaysto in Alle loo soo noqdo, sidaa darteed aan ka toobad keeno
dhac dhicii inaga dhacay maalmihii, bilihii iyo sanadadii aynu soo
dhaafnay.
2) Soom: Soomku waa cibaadooyinka Alle loogu dhawaado kuwa ugu
qiimaha badan sidaa daraadeed aynu isku dayno in aynu maalmahan ka
soomno intii karaankeena ah. Waxa jirta axaadiis ishaaraysa in uu
nabigu(Naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha ahaadeene) Soomi jiray
sagaalka maalmood ee ugu horeeya bishan. Imaam Nawai waxa uu sheegay in
Soomka maalmahani uu yahay mid aad u fiican.
3) Xuska Alle oo La badsado: Waxa uu soo wariyay Iimaam Bukhaari in
Cabdilaahi Ibn Cumar iyo Abaa Hurayrah (laba saxaabi) in ay suuqyada
wareegi jireen maalmahan iyaga oo kor u qaadaya TAKBIIRTA , dadkuna waa
ay ka daba akhrin jireen.
4) Udxiyada: In qofkii uu Alle dartii wax u gawraco, waa hadii uu
awoodo. Culimadu waxa ay yidhaahdeen gawraca Alle dartii loo gawraco
maalmahan Waa Sunayaasha la adkeeyay. Waana Sune uu jideeyay nabigeenii.
Culimada qaar waxa ayba qabaan in ay waajib tahay.
5) Soomka Maalinta Carafa: Waxa uu nabigu sheegay in qofkii maalintan
sooma uu qofkaas Ilaahay dhaafo danbigiisa laba sano, sanad tagay iyo
sanad soo socda.
Gabagabo
Wadanka aan ku noolahay waxa jirta maalin loo yaqaan “Boxing Day”.
Maalintaasi waa maalin ay tujaartu xaraashaan alaabta taala
dukaamadooda. Dadaka qaar ayaaba waxa ay sanadkii oo dhan sugaan
maalintan si ay u iibsadaan alaabta la xaraashayo. Maalintaas oo
sanadkan ku dhacday usbuucan dhexdiisa ayaa anigoo suuqa maraya waxa aan
xusuutay maalmahani khayrka ay leeyihiin iyo ajarka sidaas oo laga
kasban karo, waxa kale oo igu soo dhacday in dad badan oo Musliimiinta
ahi ay khayrkan moogan yihiin. Sidaas darteed ayaa waxa igu soo dhacay
in aan idinla wadaago kalmadahan kor qoran oo aan rajaynayo intiina
akhrida iyo aniguba in aan ka fa’aidysan doono. Ilaahayna waxaan
gidigeenba inooga rajaynayaa in uu ina waafajiyo khayrka maalmahani ay
xambaarsan yihiin danbigeenana uu dhaafo. AAMMIIN
Siciid Cali Axmed
Said.Ali.Ahmed@gmail.com