Socdaalka Waxbarashada ee Wardheere
Cali M. Cartan
aliartan@yahoo.com
San Diego, California
December 10, 2007

Xubno ka mid ururka ardayda Soomaaliyeed iyo Mudane
Wardere |
Isniin, December 10 (SDSU). Waxaa Mahamoud N. Wardere, oo ah waxgarad
soomaaliyeed oo ku nool Minneapolis, una shaqeeya dawlad goboleedka Minnesota,
isla markaana ah askumihii, xaflada sanadlaha ah ee loogu magac daray Habeenkii
Waxbarashada ee Soomaaliyeed (Somali Education Night), muddo haatan laga joogo
todobo sano, ayaa kulan is xog waraysi ah, la yeeshay qaar ka mid ah, ardada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan San Diego, gaar ahaan kuwa dhigta San Diego State
University(SDSU).
Kulankaasi wuxuu ka dhacay Jaamacadda SDSU, gaar ahaan guriga Adeegga Ardayda
(Student Services), qolka SS2650. Wuxuuna shirku toos ah u furmay markay saacadu
ahayd 1:15 pm PST. Waxaa shirkii furay Cali Cartan oo magaca ardayda SDSU ku
hadlayey dabadeedna isbarasho ka dib waxaa gudoomiyaha Ururka Ardayda
Soomaaliyeed Somali Student Union(SSU) of San Diego, Marwo Halima ku soo
dhowaysay cod baahiyaha Mudane Wardere.
Kulankaasi wuxuu ka dhacay Jaamacadda SDSU, gaar ahaan guriga Adeegga Ardayda
(Student Services), qolka SS2650. Wuxuuna shirku toos ah furmay markay saacadu
ahayd 1:15 pm PST, waxaa shirkii furay Cali Cartan oo magaca ardayda SDSU ku
hadlayey dabadeedna isbarasho ka dib waxaa gudoomiyaha Somali Student Union,
Halima ku soo dhowaysay cod baahiyaha Mudane Wardere.
Intaa ka dib Wardere wuxuu guda galay warbixin guud oo ku saabsanayd
socdaalkiisa waxbarasho, intaa wuxuu ku sii daray marxalada waxbarasho ee
gobolka Minnesota, wuxuuna ku dheeraaday qiimaha waxbarashu leedahay. Wuxuu
Wardere kale oo ku adkeeyey ardaydii goob jooga ahayd, sida ay lagama maarmaanka
u tahay in waalidiinta iyo ubadkooda wada sheekaysi joogto ahi ka dhexeeyo,
maxaa yeelay xidhiidhka waalidka iyo caruurta oo la waayaa wuxuu jaah wareer
weyn u keeni karaa himilooyinka waxbarasho ee ubadka. Taasina waxay bulsho
weynta soomaaliyeed ee qurbo joogta ah dhaxalsiin kartaa inay dib uga dhacaan
bulshooyinka qayrkood ah ee wadankan ku nool

Maxamuud Nuur Wardheere |
Wardere wuxuu kaloo ka hadlay sidii laysugu xidhi lahaa urur ardayadeedyada
maraykanka oo dhan loona xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya, maxaa yeelay
haddii ardayda reer Boston dhibaato la kulmaan, oo dabadeedna xaliyaan
arrintaa, ayna la wadaagaan ardayda kale ee soomaaliyeed ee daafaha Maraykanka
kala joogta, haddii dhibaatadii mid la mid ahi San Diego ka dhacdo, markaas xal
raadinteedu way dhib yaraanaysaa maxaa yeelay ileyn mar hore baa reer Boston
xaliyeene.
Wuxuu kaloo xusay Mudane Wardere tirada wiilasha iyo gabdhaha waxbarta inaanay
isu dheeli tirayn oo mar kasta gabdhuhu badan yihiin, duruufaha keenayana waa in
cilmi baadhis lagu sameeyaa, walow masuuliyad dheeraadi wiilasha saaran tahay
buu Wardere hadalkiisaas sii raaciyey. Dabayaaqadii hadalkiisa wuxuu Mudane
Wardere ka mahad celiyey sidii habsamida lahayd ee ardaydu Ugu soo dhoweeyeen
kambaskooda, iyo sidii diiranayd ee ay isu dhaafsanayeen su’aalaha iyo
jawaabaha, wuxuuna maanta halku dhegu ahaa, “Wax is weydiini ma xumee, wax is
weydaaris baa daran”
Gunaanadkii shirka waxaa soo afjaray gudoomiyaha Ururka Ardada Soomaaliyeed
ee SDSU, Halima, waxayna aad iyo aad uga mahad celisay sidii uu is xilqaanka u
muujiyey Wardere iyo weliba in bulshadeenu maanta u baahan tahay, dad badan oo
isagoo kale ah. Waxayna ku baaqday inay ardayda San Diego xidhiidh joogta la
yeelan doonaan ardayda dhigooda ah ee ku dhaqan gobolada kale wadanka.
Cali M. Cartan
San Diego, CA
Socdaalka waxbarashada ee Western United States of America ee Maxamuud
Nuur Wardheere
Waxbarashadu waa ku waajib qofkasta oo muslim ah
Educating our Somali youth should be our priority in America.
San Diego: December 10, 2007 at 01:00pm Sandiego State University
Contact: Halima Abdirahman – President of Somali Student Union California
619 808 4653
Phoenix AR: December 12, 2007
Contact: Aden Ali 602 475 1959
Tucson AR December 13, 2007
Contact: Abdulqadir Ali 612 735 9826 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2007


|