SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Barnaamijkii Radio Xoriyo
11 December 2007.


Dagaallo ciidamada cadowga lagu jabiyay.

Dilal iyo xidhay dadwaynaha loo gaystay.

Galaha Ammaanka ee QM oo Ogaadeenya lagaga hadlay.

John Holmes oo ka golaha amaanka uga warbixiyey xaalada Ogadenya.

Ururada dhalinyarada geeska afrika oo ku shiray London.


======================

Dagaallo ciidamada cadowga lagu jabiyay.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysatada Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

09/12/07 waxaa ciidammada gumaysiga hal Baabuur oo Uuraal ah lagaga gubay Laan-dheer, iyadoo Baabuurkaas iyo wixii saarnaaba ay halkaas ku bas-beeleen.

08/12/07 Duud-ciid, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal Baabuur oo Qabaal ah, waxaana ku dhintay wixii saarnaa oo dhan.

07/12/07 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan San-madheedhle, oo ka tirsab Galaalshe, waxaana ciidammada cadowga weerarkaas lagaga dilay 4 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 07/12/07 ciidammada gumaysiga ee Dhuxun fadhiya waxaa lagu qaaday weerar mir ah, waxaana laga dilay inta la ogyahay 5 askari, 7 kalana waa laga dhaawacay.

06/12/07 cutub la tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan Malqaqa, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

05/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar qorshaysan ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Cadaley, oo Qabridaharre ka tirsan, waxayna weerarkaas kaga dileen 30 askari. Waxay sidoo kale ka furteen hub oo noocyo kala duwan isugu jira.

Dilal iyo xidhay dadwaynaha loo gaystay.

Ciidammada nacabka ah ee gumayisga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dad rayad ah oo aan waxba galabsanin, qaar kalana ku xidhxidhay. Dadka ay ciidammada gumaysigu laayeen waxay kala yihiin sidatan;

08/12/07 Wiila-layska, oo Galaalshe ka tirsan, waxay ciidammada guamysigu ku dileen seddex nin oo rayad ah oo kala ah;
1- Axmed-nuur Sh Ibraahim
2- Maxamuud C/llaahi Xasan iyo
3- Khaliif Jaamaca Aw Cumar

05/12/07 Lix-irridoodka, oo Doollo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin rayad ah oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Xirsi Aleen.

07/12/07 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Axmed Maxamuud Caaqib iyo Aabihii
2- Maxamuud Caaqib

06/12/07 Karin-Afyar, oo ku yaalla duleedka magaalada Sagag, waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqabteen oo Sagag ku soo xidhxidheen dadka kala ah;
1- Maxabo Liibaan iyo
2- Cali-Gacan

Galaha Ammaanka oo Ogaadeenya lagaga hadlay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagaga doodaya xaaladda Ogaadeenya, waxayna xubno badan oo Golaha Ammaanka ahi ku baaqeen in wax laga qabto dhibaatooyin bani’aadamnimo iyo xuquuqu insaan ee Ogaadeenya ka jira.

Dooddan ayay xubnaha Golaha Ammaanku yeesheen khamiistii, ka dib markii ay dhagaysteen warbixin dheer oo Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ka siiyay safarkiisii uu ku soo maray meelo ay Ogaadeenya ka mid tahay.

Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay John Holmes ayaa sheegay in Ogaadeenya ay ka jiraan dhibaatooyin ba’an oo dhinacyada bani’aadamnimada iyo xuquuqul insaankaba ah. Wuxuu tilmaamay in Ogaadeenya uu si wayn u saameeyay dagaalka u dhexeeya Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO iyo ciidammada Itoobiya.

John Holmes wuxuu tilmaamay in ciidammada Itoobiya ay xayireen dhaqdhaqaaqii ganacsi ee u dhexeeyay Ogaadeenya iyo Soomaaliya, taasoo dhibaatooyin badan u gaysatay dadwaynaha Ogaadeenya.

John Holmes wuxuu kaloo intaas ku daray in Itoobiya looga baahan yahay inaanay xakamayn dhaqdhaqaaqa saraakiisha hay’adaha gargaarka ee Ogaadeenya ka hawlgalaya iyo gaadiidka waawayn ee xamuulka ah ee hay’adaha gargaarka u raran, isagoo hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Itoobiya ladfa rabo inay oggolaato in gaadiidka yu raran Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ay raashiinka geeyaan meesha ay doonaan iyadoo ayna askari la soconin.

Wuxuu kaloo sheegay in Itoobiya ay u diido Hay'adaha aan xukuumiga ahayn ee Ogaadeenya ka howlgala inay adeegsadaan diyaradaha qumaatiga u kaca ee Helicoptarada ah, tilifannada gacanta iyo inay six or ah u isticmaalaan gawaarida waawayn ee xamuulka ah. Waxay kaloo Itoobiya canshuur xad-dhaaf ah ka qaadaa mucaawinooyinka kala duwan ee Ogaadeenya loo wado.

Wadamo badan oo xubno ka ah Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa ayiday dalabkii ahaa in baadhitaano madaxbannaan lagu sameeyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee Ogaadeenya ka dhaca.

John Holmes oo golaha Amaanka ee QM uga warbixiyey Ogadenya.

Xoghayaha Qm uqaabilsan gargaarka dagdaga ah John Holnes ka soo laabtay booqasho uu tagay wadamo ku yaala Afrikada Bari, wuxuu ku cadeeyay warbixin uu siiyay 15ka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee QM oo kala ah (Italy, Ghana, S/Africa, Russia, Perou, China, Slovaquie, Panama, UK, Indonisia, USA, Congo, Qatar, Belgium iyo Franca), in Ogaadeenya ka taagan tahay dhibaato ba’an oo xaga bani’aadanimada ah iyo ku xadgudbid xad dhaaf ah ee xuquuqda aasaasiga.

Gobalka Ogaden oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeya jabhada xaq u dirirka ah iyo ciidamada gumeysatada itoobiya ayaa sanadkan cirka is ku shareeray iyadoo buu yiri Mr, Holmes, howlgalada milatariga gumeeysiga xanibeen gabi ahaanba dhaqdhaqaaqii ganacsi. Isku duwaha hoowlaha gargaarka ee QM, wuxuu sheegay in kasta oo itoobiya ogolaatay in QM xarumo ka furtaan goobaha militariga gumeeysiga sida xad dhaafka u joogaan, waa in in taa wax ka badan la sameeyaa. Isagoo farta ugu fiiqay itoobiya in eeysan is ku dayin in eey xakameeyso dhaqdhaqaaqyada saraakiisha heeyadaha gargaarka ee Ogaadeenya jooga iyo sidoo kale gawaarida xamuulka qaada oo aay wataan heeyada lagu magacaabo (PAM), Barnaamijka Cunada Aduunka iyagoo aan la socon wax ciidan ahna waajibkooda gutaan.

Itoobiya uma ogola heeyadaha aan doowliga ahayn ee Ogaadeenya ka howlgala in eey isticmaalaan diyaradaha qumaatiga u kaca ee Helicoptarada, teleefanada gacanta lagu qaato iyo in heeyaduhu tiradii aay doonaan ka isticmaalaan gawaarida waaweeyn ee xamuulka qaada, isla markaana waxey isku daydaa in eey canshuur baad ah ka qaado mucaawinada. Wadamo badan oo ka tirsan golaha amaanka ee QM ayaa ayiday dalabkii ahaa in baaritaano madax banaan lagu sameeyo ku xad gudubka xuquuqda aasaasiga ah ee Ogaadeenya.

Socdaalkaygii aan ku tagay Ogaadeenya horumar ayaan sameeyay ayuu yiri Mr, John Holmes, isagoo intaa raaciyay in wax badan in la qabto dhiman tahay. Waxan rajaynayaa wada hadal siyaasadeed in uu dhawaan biloowdo, bulshada caalamkana arintan dhiiro galiso qaas ahaan xubnaha Golaha Amaanka isla markaana shiishka ku hayaan xaalada deegaanka (Ogaadeenya) dhiiri galiyaana horumar laga gaaro xaga siyaasada ayuu hadlkiisa ku soo gabagabeeyay.

Haweeneeyda lagu magacaabo KAREN PIERCE oo UK u fadhisa Golaha Amaanka ayaa kulanka ka sheegtay in itoobiya qasab ku tahay in eey la shaqeeyso Qaramada Midoobay lana sameeyo heeyad heer caalami ah oo la socota xaalada gobalka Ogaadeenyana iyadoo beey tiri sida ugu dhaqsaha badan loo qabto kulankii ugu horeeyay ee arintan laga yeelan lahaa.

M. Marty Natalegawa oo Indonisia u fadhiya Golaha Amaanka ee QM ayaa isagana sheegay in xaalada deegaanadii uu Mr, Holmes booqday tahay wax laga naxo, khaas ahaan xaalada Ogaadeenya isagoo xusiisiyay wadama kale ee xubnaha ka ah golahan waajibka ka saaran in eey badbaadiyaan nolasha dadka shacabka ah ee Ogaadeenya.

Ugu danbeeyntii Mr. Nicolas de Riviere oo Fransiiska u fadhiya Golaha Amaanka ayaa isagana sheegay in dowlada Fransiiska ugu baaqeeyso itoobiya in ey sahasho tasiilaadka heeyadaha caalamiga ee jooga Ogaadeenya is la markaana aayan is ku dayin in hoowlaha heeyadahaa aay lugaha qabato.

Bulshada caalamka ayaad moodaa in ey ku soo baraarugeen dhibaatada ka taagan Ogaadeenya iyadoo la rajeeynayo in Qaramada Midoobay ka soo baxdo waajibkeedii ahaa madax-banaani gaarsiinta umadaha gumeeysiga ku hoos jira oo aay umada Soomaalida Ogaadeenya ka mid tahay.

11 December 2007

Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com