Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) oo Looga Dhawaaqay
Soomaaliya, waxayna soo bandhigtay Barnaamijyadeeda Siyaasadeed
Jabhad la magacbaxday "Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya" ayaa maanta
(12/12/2007) Markii ugu horeysay waxa ay shaaca ka qaaday jiritaankeeda
iyo waliba Barnaamijyadeeda Siyaasadeed, xili uu wadanka Soomaaliya
gacanta u galay Ciidamada gumeysiga itoobiya iyo Huwanteeda ku
garabsiinaya qabsashada Wadanka Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Maraykanka.
Bayaankii 1aad ee Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS)
Kadib markii ciidamada Itoobiya oo Maraykanku taageerayo ay qabsadeen
qeybo kamid ah dalka Soomaaliya dhamaadkii sannadka 2006 iyo horaantii
sannadkan 2007, ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu aasaasay Jabhadda
Islaamiga ee Soomaaliya; si ay uga hortagto weerarkaas dulmiga ku
dhisan. Jabhaddu ilaa iyo xilligii la aasaasay waxay la gashay ciidamada
cadawga dagaallo culus iyo iska hor imaadyo kulul oo cadawga aad u
xanuujiyay isla markaana gaarsiiyay khasaare laxaad leh.
Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) muddadii lasoo dhaafay waxaa kale
oo ay fulisay hawlgalo gaar ah oo aad loo agaasimay, cadawgana waxyeelo
weyn u gaystay.
Jabhaddu (JIS) iyadoo ka ambaqaadaysa istraatiijiyadeeda dagaalka waxay
ka hawlgashaa gobolo badan oo dalka ka tirsan, waxayna si gaar ah xoogga
u saartay caasimadda Muqdisho oo cadawgu ka dhigtay saldhigga ugu weyn.
Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) iyadoo dareemaysa muhimadda
warbaahintu u leedahay muqaawamada iyo halganka ay ku jirto, sidoo
kalena u aragta inay warbaahintu tahay qayb muhiim ah oo dagaalka ka mid
ah ayay waqtigaan goosatay inay daaha ka qaado jiritaankeeda si rasmi ah
iyadoo kusoo beegtay xilligaan inay soo bandhigto siyaasadeheeda iyo
barnaamijkeeda shaqo; si ay u gudato waajibka ka saaran difaaca Diinta,
Dadka iyo Dalkaba.
Sababaha loo aasaasay Jabhadda
Dhismaha Jabhadda (JIS) waxay ahayd mid lagama maarmaan ah oo ka
dhalatay duullaankii dulmiga ahaa ee Maraykanka iyo Itoobiya ku soo
qaadeen dalka. Asbaabta si gaar ah loo xusi karana waxaa ka mid ah:
1. Khatarta ay leedahay in Soomaaliya gacanta u gasho Itoobiya oo muddo
dheer ku taamaysay in ay Soomaalida shacab iyo dhulba qabsato, oo ah
damaca guumeysi ee dhul balaadhsiga, si looga tirtiro ummadda
Soomaaliyeed khariidada jiritaanka.
2. Waajibka diineed iyo dadnimo ee na saaran oo keenaya in aan ka
dhiidhino xasuuqa iyo falalka fooshaxun ee dadkayaga ay kula dhaqmayaan
gumaystayaasha iyo kalkaaliyayaashiisa.
3. In aan ka qeyb qaadanno toosinta muqaawamada shacabkayagu kula jiro
cadawga iyo sixitaanka aragtideeda ku aadan dhinacyada sharciga,
istiraatiijiyada iyo siyaasadeheeda marxaladdan ku haboon.
Ujeedooyinka loo aasaasay jabhadda:
1.. in laga xoreeyo dalka gumeysiga qabsaday ee Itoobiya iyo
dabadhilifyadiisa, lagana tirtiro raadkiisa xun ee uu ku reebay.
3. In aan difaacno dadkayaga, diintooda iyo dalkoodaba
4. In la mideeyo dadaalka shacabkayagu ugu jiraan iska xoreynta
gumaysiga Itoobiya iyo iska caabbinta xadgudub kasta oo dibadda uga
yimaada.
5. In loo hawlgalo sidii nabadgalyo iyo deganaansho loogu soo celin
lahaa shacabkayaga ay naafeeyeen dagaalada sokeeye iyo duulaamada
shisheeye.
6. In la dhiso dawlad islaam ah oo u adeegta danaha shacabka,
soomaaliyeed, una ilaalisa diintiisa iyo madaxbanaanidiisa.
Aragtida Siyaasadeed ee Jabhadda (JIS) ee ku aadan, xaaladda dalku ku
sugan yahay.
1. Qabsashada Itoobiya ay qabsatay dalka Soomaaliya waa dulmi iyo
xadgudub, waana arrin aan la aqbali karin marnaba. In lala jihaado
gumaysigaasina waa xaq ay sugeyso shareecada islaamku, caqli fayow,iyo
dhamaan qawaaniinta dawliga ah.
2. Xornimada dalka Soomaaliyeed iyo midnimada dadkiisu, waa arrin lama
taabtaan ah. In laga xoreeyo dabadhilifnimo iyo faragalin shisheeyana
waxay u adeegaysaa madaxbanaanidiisa.
3. In la soo bandhigo xasuuqa iyo gumaadka cadawgu u gaysanayo
shacbigayaga, lalana xisabtamo cid kasta oo gacan ka geysatay.
4. Waxaanu qadarinaynaa, soona dhaweynaynaa cid kasta oo shacabkayaga
ugu kaalmaynaysa in uu is difaaco, cadawgana iska celiyo.
5. Waxaanu difaacanaynaa diintayada iyo karaamada shacbigayaga,
hubkayaguna wuxuu ku jeedaa cadawga na qabsaday oo kaliya, mana
cadaawaysanayno cid aan na colaadin,waxaana u hawlgalaynaa sidii aan
saaxiibbo u kasban lahayn.
6. Waxaan dhawraynaa akhlaaqda islaamka iyo dhaqankiisa sarreeya ee
khuseeya dagaalka aan kula jirno cadawgayaga.
7. Soomaaliya waa qayb ka mid ah muslimiinta gaar ahaan carabta, waxaana
ka soo horjeednaa isku day kasta oo gaar uga faquuqaya.
8. Dalku wuxuu ka dhexeeyaa Soomaali oo dhan, xilka difaaciddiisuna
wuxuu saaran yahay qaybaha bulshada oo idil, qof kastana wuxuu ka qayb
qaadanayaa kaalintiisa iyo awooddiisa.
9. Waxaan hawlgaladayada millatari la beegsanaynaa ciidamada gumaysiga
Itoobiya; maxaa yeelay iyaga ayaa ah aasaaska mushikiladda taagan,
haddii laga guulaystana, waxaa raacaya waxkasta oo la socday.
10. Waxaan soo dhaweynaynaa dadaalada nabad raadineed ee shacabkayaga u
damaana qaadaya xaqa uu u leeyahay in uu qabsado diintiisa, una
madaxbanaanado dhulkiisa iyada oo aan lagu xirin wax shardi ah.
11. Waxaan u aragnaa kooxaha kale ee muqaawamada walaalahayo aan ku wada
jirno la dagaalanka gumaysiga, waxaana isu kaashanaynaa sidii aan dalka
uga saari lahayn, waxaana ka dheeraanaynaa wax kasta oo keeni kara kala
fogaansho iyo khilaaf, waxaana aaminsanahay in goobtu na wada qaado,
ayna noo wada baahan tahay.
12. Waxaan ku difaacaynaa xuquuqda shacabkayaga dhammaantii waddo kasta
oo suuragal ah, sharcigana waafaqsan, waxaana ku dadaalaynaa in aan
dhawrno oo ilaalino dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah iyo
danohooda.
13. Waxaan ka ilaalineynaa hantida shacabka soomaaliyeed midda berriga
iyo tan badahaba boobka iyo xadgudubka, waxaana diidannahay dhamaan
heshiisyada cadowgu hoosaasinayo si uu u xalaaleysto hantida Umadda
soomaaliyeed Iyo heshiiskasta oo la galay, intii uu wadanku gumaysiga,
gacanta u galay.
14. kooxaha mujaahidiinta, oo ay weheliyaan, hay,adaha, iyo
shakhsiyaadka kazoo horjeeda, fara galinta shisheeye, iyo gumaysiga
itoobiya, iyo mashaariicdiisa, ayaa ah kuwa kaliya, ee si sharci ah u
matala, soomaaliya, iyagaana ah hogaanka u munaasibka ah shacabka
soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo, yididiilooyinka, shacbiga soomaaliyeed
higsanayo.
15. waxaan kazoo horjeednaa, dhamaanba, go,aanada iyo xukunada foosha
xun, ee lagula kacayo bulshada soomaaliyeed, waana in lasii daayaa
dhamaanba dadka dulmiga lagu haysto, ee jeelasha lagu buuxiyay.
16. waa in guryahoodii lagusoo celiyaa dhamaanba dadkii la bara kiciyay,
lana damaanad qaado nabadgalyadooda.
Baaq
Gabagabadii, Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) waxay baaq usoo
jeedinaysaa; Shacabka Soomaaliyeed, kooxaha muqaawamada, dawladaha
Caalamka gaar ahaan kuwa Afrika iyo dadyowga aduunka ee cadaaladda
jecel:
1. Waxaan ugu baaqaynaa kooxaha muqaawamada in ay si dhab ah u
midoobaan, ayna ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala
tagis, ayna ka digtoonaadaan dhagarta cadawga doonaya in uu shacabkeenna
iska horkeeno; si muddada gumaysigu u sii dheeraato.
2. Waxaan ugu baaqaynaa shacabkayaga gumaysigii Yurub kaga xoroobay
dhiiggiisa in uu naf iyo maal huro, una istaago sidii uu u gali lahaa
muqaawamo waqti dheer socota ilaa gumaysiga ay iska dul qaadaan.
3. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee la soo saftay
cadawga ummadda in ay Rabbigood u toobadkeenaan, ayna ka haraan
dhaqankaan xun, waxaana u caddaynaynaa in cadawgu adeegsanayo si uu ugu
gaaro danihiisa gaarka ah.
4. Waxaan ugu baaqaynaa walaalahaya muslimiinta ah shucuub iyo
xukuumadaba gaar ahaan culimada iyo ducaadda in ay walaalohood
Soomaaliyeed la garab istaagaan hiil nooc walba leh iyo taageero kaleba.
5. Waxaan ugu baaqaynaa dawladaha Afrika in aysan maqaarsaar u noqon
gumaysiga Itoobiya, ayna ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, isla
markaana aysan ciidamo kale u soo dirin; maxaa yeelay arrintaasi waxay
sii xoojinaysaa gumaysigii, dhibaatadii shacabka haysatayna way sii
kordhinaysaa.
6. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shucuubta islaamka iyo dadka jecel
xorriyadda iyo caddaaladda, kana soo horjeeda dulmiga iyo xadgudubka in
ay shacabka Soomaaliyeed ku taageeraan qaddiyaddiisa xaqa ah.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Guud
Muqdisho - Soomaaliya
29/11/1428H – 09/12/2007M